Wefdi Jubbaland ka socoda oo Mareykanka ku sugan

Date:

Minnesota(SONNA)  Wefdi Ballaaran oo ka socday Dowlad goboleedka Jubbaland  ayaa  gaaray magaalada Minneapolis ee Gobolka Menisota ee dalka Maraykanka,waxaana wafdigani soo dhaweeyey jaaliyadda Soomaalida ee hlkaasi kunool.

Ujeedada socdaalka wefdigan oo ka socoda Golayaasha kaladuwan ee Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa ah sidii ay kulamo wadataashi ah ula yeelan lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed,gaar ahaan tan Jubbaland,iyagoo kala hadli doona sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarinta deegaanada uu maamulka uu kataliyo.

C/wahaab Maxamed Daahir oo ah wakiilka Jubbaland ee Waqooyiga Mareykanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wefdigan inta uu joogo ay kulamo kaladuwan la yeelana doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,iyagoo kala hadlaya dowrka qofkasta uu ka qaadan karo horumarka dhulkiisa Hooyo.

Xubnaha wefdigan ka socoda Jubbaland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Mareykanka,si bulshada Soomaaliyeed ay u gaarsiyaan farimaha ay u sidaan,waxayna uga warbixindoonaan xaaladda Dalka gaar, ahaan deegaanada Jubbaland oo ay wakiilka ka yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarijta

Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar...

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta...