Home Blog Page 156

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jab xooggan u geestat Khawaarijta 

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa ayaa ku dilay hawlgalada lagu jabiyay cadowga in ka badan 130 Khawaarij ah waxaana sidoo kale Khawaarijta looga furtay hub badan.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku hungoobay damacooda ayaa hadda haraadigooda waxaa lagu sii baacsanayaa dhulka howdka ah.

Xogta faahfaahinta ugu danbaysa sida Khawaarijta loogu jabiyay weerarka nafla caariga ah oo ay soo qaadeen dib ayaa laga soo gudbin doonaa.

Shirweynaha wacyigelinta Doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

0

Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo ujeed keeda aheyd u diyaar garowga dooraashoyinka qof iyo codka ah ee la filaayo in uu ka qabsoomo dalka iyo sida dadka reer Muqdisho ay baahida ugu qabaan in codkooda kusoo doortaan maamul aan lasoo magacaabin.

Munaasabadaan oo ay Soo agaasintay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa goob joog ka ahaa boqolaal dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay ahmiyada uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u lee dahay qabsoomida doorashada qof iyo codka, oo ah mida ay ku horumareen wadamada Caalamka ee horumaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay fulinta siyaasadiisa la xariirta doorashada golaha deegaanka iyo sidii dadka reer Muqdisho ay dooran lahaayeen masuulkii ay u arkaan in masiir kooda ay ku aamini karaan.

Shirweynaha wacyigelinta Doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 

0

Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka qeyb galay munaasabad balaaran oo ujeed keeda aheyd u diyaar garowga dooraashoyinka qof iyo codka ah ee la filaayo in uu ka qabsoomo dalka iyo sida dadka reer Muqdisho ay baahida ugu qabaan in codkooda kusoo doortaan maamul aan lasoo magacaabin.

Munaasabadaan oo ay Soo agaasintay Maamulka Gobolka Banaadir waxaa goob joog ka ahaa boqolaal dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay ahmiyada uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u lee dahay qabsoomida doorashada qof iyo codka, oo ah mida ay ku horumareen wadamada Caalamka ee horumaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay fulinta siyaasadiisa la xariirta doorashada golaha deegaanka iyo sidii dadka reer Muqdisho ay dooran lahaayeen masuulkii ay u arkaan in masiir kooda ay ku aamini karaan.

Wasiirka Batroolka oo la kulmay Safiirka Mareykanka 

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Mudane Dahir Shire Maxamed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, si ay uga wada hadlaan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay istiraatiijiyada loo marayo faa’iideysiga saliidda iyo macdanta, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ambassador Riley ayaa ballan qaaday inay Mareykanka sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya si kheyraadka dabiiciga ah uu u horumariyo nolosha bulshada.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Shabeelleda dhexe

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ku jebiyey dagaallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Dagaallada ayaa ka dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, waxaana howlgalka uu ahaa mid qorshaysan oo si guul leh u fuliyey ciidanka.

Dagaalkii ugu culus ee ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa sababay khasaare lixaad leh oo ay soo gaartay Khawaarijta. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee howlgalka hoggaamineysa ayaa xaqiijiyay in cadowga ay heleen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo sidoo kale ay soo baxayaan warbixinno sheegaya in xoogagga Khawaarijta ay ka tageen goobaha ay ku sugnaayeen kadib weerarka culus ee ay la kulmeen.

Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed, waxaana dadka deegaanka ay ka warbixiyeen in horjoogayaal iyo malleeshiyaad badan ay ku dhinteen dagaalka. Tallaabooyinka ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ayaa ah kuwo guul weyn ka tarjumaya, taas oo ka dhigan in taageero xooggan oo dhinaca ammaanka ah laga heli doono deegaannada kale ee ku yaal gobolka.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay saameynta ka dhallan karto jooginta deeqihii USAID 

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, la qaatay kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna iskuduwaha howlaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta ay leedahay joojinta deeqaha USAID ee la xiriira howlaha bani’aadannimada, abaaraha ka jira dalka, diyaargarowga socda, mudnaansiinta howlgallada bani’aadannimo ee qorsheysan, dib-u-eegisyada lagama maarmaanka ah, iyo talaabooyinka xiga ee loo baahan yahay in la qaado.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaallada ka socda deegaanada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada Daacish, xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha gargaarka, iyo sidii loo heli lahaa qorshe lagu gaari karo dadka ku nool goobaha fog, si looga hortago barakac hor leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo loo doortay Hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah loogu doortay inuu hoggaamiyo Madasha Iskaashiga Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ee 2-da sano ee soo socota, laga bilaabo bisha April 2025. Shirkani waa shir muhiim ah oo ay ka qeyb qaateen wasiirrada maaliyadda ee dalalka geeska Afrika, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalkan.

Shirka 23-aad ee madashan, oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa looga dhawaaqay in guddoomiyaha cusub ee madasha uu noqon doono Mudane Biixi Iimaan Cige, isaga oo xilka kala wareegaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, oo 2-dii sano ee la soo dhaafay ahaa guddoonka madasha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo qoraal kooban soo saaray kadib doorashadiisa, ayaa uga mahadceliyay golaha kalsoonida ay ku muujiyeen, isagoo si cad u sheegay in uu si hufan, cadaalad ah, iyo daahfurnaan ah u maamuli doono madasha iskaashiga Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo is-dhaafsiga aqoonta ee dhanka maaliyadda ee dalalka geeska Afrika, si loo gaarsiiyo horumar la taaban karo oo waara.

Xafiiska wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mudada uu xilkan hayo, uu xoogga saari doono sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo mashaariicda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha gobolka Geeska Afrika. Mudane Biixi Iimaan Cige wuxuu sidoo kale ballan-qaaday inuu xoojiyo xiriirka maaliyadeed ee dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay fursado cusub u abuuri doonaan ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee gobolka.

Doorashadan cusub ee Mudane Biixi Iimaan Cige waxay tahay mid muujinaysa kalsoonida iyo awooda Soomaaliya ee ka qeyb qaadashada qorshayaasha horumarineed ee gobolka Geeska Afrika. Taasi waxay sidoo kale qayb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka go’an in ay kaalin muuqata ka qaadato iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Geneva kula kulmay Agaasimaha ITC

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, una ah tiir muhiim ah oo ka mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Geeska Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, halkaas oo lagu qabanayo shirka 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), ayaa ka qeyb galay madal ra’yi is-weydaarsi oo heerkeedu sareeyay, oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika iyo ku dhawaad 300 oo marti dadweyne matalaya dalalka Geeska.

Doodda oo muhiimadeedu ahayd sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka ku bahoobay madashan, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray in ay muhiim tahay in la fududeeyo isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgelinta ilaha dhaqaalaha si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo heli lahaa maalgelin dhinacyo badan ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Wasiir Fiqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sarreeyo oo ahaa dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhowridda nabadda iyo amniga caalamiga, la falgalidda kala duwanaanshaha, dib-u-habaynta iyo hagaajinta maamulka caalamiga ah, waxaana shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Wang Yi, oo ah Madaxa Golaha ee bishan Febraayo.

Wasiirka ayaa xusay ka go’naanshaha Soomaaliya ee iskaashiga dhinacyo badan leh iyo baahida loo qabo dib-u-habeyn ballaaran.