Wasiirka Gaashaanshiga Jasiiradda Komoros oo si hab-maamuus leh looga sagootiyay Muqdisho

Date:

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si hab maamuus sare leh ugu sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali, Taliyaha Ciidanka Difaaca Rwanda, General Mubarakh Muganga iyo wakiillo kala duwan oo ka socday dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), kuwaas oo ka qeybgalay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan wufuudda iyo ka-qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wada-hadalladii muhiimka ahaa ee looga gol lahaa xoojinta iskaashiga Ciidanka Heeganka, adkeynta amniga gobolka, iyo kobcinta wadajirka siyaasadeed iyo ciidan ee dalalka ku midoobay EASF.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa yiri “ Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga iyo horumarka aan wadaagno ee amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo barwaaqada goobolka Bariga Afrika”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...