Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Date:

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u qiimo badan oo lagu xusayay Xarunta Cilmi Baarista iyo wax-akhriska ee Awjaamac Cumar Ciise. Xarunta oo jirsatay mudo Labo iyo toban sano ah ayaa ah mid ka turjumeysa hidaha iyo aqoonta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xaruntani ayaa ah buundo isku xirta jiilasha soo koraya iyo odoyaasha dhaqanka, dhallinyaraduna codkooda ku dhiibtaan, Soomaalinimadana lagu xuso, lagu ilaaliyo, laguna gudbiyo dhanka iyo taariikhda Soomaaliya iyada oo la isticmaalayo aaladaha sida; Sheekooyin, gabayo, doodo, farshaxan iyo bandhigyo. xarunta ayaa u taagan tahay ilaalinta hidahayada iyo dhaqankeena hodanka ah.

Xafladdii xalay ayaa aqoonsi gaar ah lagu siiyay mutadawiciinta ka shaqeeya Xarunta taabagaliyayna barnaamijyada xarunta soo gudbiso.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay xafladda ayaa yiri, “Waxaa aad ii qiiro galiyay sheekooyinka iyo aragtida caawa lagu soo bandhigay xafladaan, taas oo nawada xasuusisay in dhaqankeena nool yahay”

Danjire Jabriil iyo Marwa Fardowso Jaamac Yuusuf ayaa gudoonsiiyay shahaado Sharaf dadkii kaalinta ka geeystay guulaha ay xarunta gaartay..

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...