๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐‹๐š๐œ๐š๐  ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐ข๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‹๐š ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง Miro-๐๐ก๐š๐ฅ ah yeeshay

Date:

Kulanka guddiga oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa looga dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshe yaasha ka dhanka ah dhaqaale uruuriska kooxda argagixisada khawaarijta ah ee inta badan tibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha guddiga ee kala ah, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Isgaarsiinta, Hayโ€™adda NISA, Heyโ€™adda Warbixinada Maaliyadda iyo Hayโ€™adda isgaarsiinta Qaranka ayaa laga soo saaray War-murtiyeedk hoos ku xusan.

๐‡๐Ž๐‘๐Œ๐”๐Œ๐€๐‘๐Š๐€ ๐‹๐€๐†๐€ ๐†๐€๐€๐‘๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐€๐๐Š๐€ ๐€๐‡ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐Š๐Ž๐Ž๐—๐€๐‡๐€ ๐Š๐‡๐€๐–๐€๐€๐‘๐ˆ๐‰๐“๐€

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada ay u adeegsadaan maalgelinta hawlgalladooda guracan. Dowladdu waxay dejisay qorshe gaar ah oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago khataraha argagixisada.

Qorshaha cuurmaayinta maaliyadda argagixisadu, waa xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu aqoonsado, la baaro, la xannibo, cadaaladana la horgeeyo. dhaq-dhaqaayada maaliyadeed ee sharci darrada ah.

Qorshahan wuxuu dowladda ka caawiyay la-dagaalanka maalgelinta argagixisada & wuxuuna xoojiyey hufnaanta guud ee nidaamka maaliyeed dalka, isla markaana horseeday kobaca dhaqaalaha & xasiloonida dalka.

Inta u dhaxeysay 1da Janaayo ilaa 30ka June 2025, dowladda ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo loo qorsheeyey in lagu bartilmaameedsado dhaqaalaha kooxaha khawaarijta, waxaana la gaaray guulaha hoose:

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ“๐Ÿ•๐Ÿ“ ๐ญ๐ž๐ฅ๐ž๐Ÿ๐จ๐ง ๐ฅ๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐ฎ ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ฃ๐ข๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐œ๐š๐›๐ฌ๐ข-๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐ก๐š๐ง๐ฃ๐š๐›๐š๐š๐๐๐š, ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก.

โ€ข๐Ÿ๐Ÿ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐›๐š๐ง๐ ๐ข (๐๐š๐ง๐ค ๐€๐œ๐œ๐จ๐ฎ๐ง๐ญ๐ฌ) ๐š๐ฒ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ

โ€ข๐ˆ๐ง ๐ค๐š ๐›๐š๐๐š๐ง ๐Ÿ–๐Ÿ– ๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข (๐Œ๐ž๐ซ๐œ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ฌ) ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐œ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š ๐›๐š๐š๐๐š ๐š๐ก & ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐๐ก๐š๐ช๐ข๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ.

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐œ๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฅ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐ก ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ง๐š๐š ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐ง๐š ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ฌ๐š๐š๐ง๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐š๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฐ๐ข๐ข๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐š๐›๐š๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š

โ€ข๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐›๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐›๐š๐ซ๐จ ๐ค๐š๐ง๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐จ๐ฑ๐š๐ก๐š ๐š๐ซ๐ ๐š๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐๐š ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐›๐š๐š๐๐š ๐š๐ก & ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐ค๐ฎ ๐ค๐ž๐ฒ๐๐ข๐ฒ๐จ.

Dowladdu waxay ku guuleysatay dadaalladan iyada oo kaashanayso shacabka & shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay. waxaana wacyigelin ballaaran loo sameeyey bulshada si ay uga digtoonaadaan khataraha maalgelinta khawaarijta, isla markaana uga qayb qaataan la dagaalanka maalgeinta khawaarijta.

Sidoo kale, dadaalladan ayaa ka hirgalay xeerarka kala duwan ee dowladda. Ujeeddadu waa in la dhiso iskaashi qaran oo mideysan, lagana hortago khataraha khawaarijta xeer kasta.

Dowladda Federaalka, ayadoo ka duulayso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran dhowrista sharciga, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, Waxaa ka goโ€™an fulinta qorshayaasha qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga digaysaa in bulshada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku lug yeeshaan falalka la xiriira baadda ay argagixisada shacabka ka qaado, sida bixinta, uruurinta, fududeynta lacagaha ama agab loo isticmaali karo hawlaha argagixisada. Qof kasta oo lagu helo maalgelin argagixiso, waxaa laga qaadi doonaa taabooyin adag oo sharciga waafaqsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hayโ€™adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hayโ€™adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka baniโ€™aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...