Home Blog Page 155

Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.

“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.

 

Ra”iisulwasaaraha XFS oo si rasmi ah u furay Imtixaanka fasalada 12-aad

0

Raii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/25.

Imtixaanka Fasalka 12-aad ayaa guud ahaan ba ka furmay saaka gobolada iyo degmooyinka dalka kaas oo ka qayb qaadanayaan 39,397 Arday sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijisay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliiska ayaa si weyn u sugaya goobaha imtixaanka qaranka Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo gaar u u diray Ciidanka Booliiska ee sugaya goobaha lagu gelayo Imtixaanka“Waxaan umahadcelinayaa ciidamada sugayo amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanka Qaranka”

 

 

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeyb gashay shirka Dhaqanka EAC 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirka guddiga dhaqanka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Shirkan oo diiradda lagu saaray arrimaha waxbarashada, sayniska, iyo iskaashiga dhaqaalaha, ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta xiriirka dhaqameed iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeyb galay shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda shirkan, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqanka, waxbarashada, iyo sayniska ee gobolka Bariga Afrika.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga noocan oo kale ah uu fursad u yahay in la xoojiyo xiriirka dalalka xubnaha ka ah EAC, lana horumariyo adeegyada bulshada ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Ku-xigeenka Shaqada XFS oo ka digtay ku-shaqeynta carruurta,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildhibaan Aamino Xuseen Cali, ayaa ka qeyb gashay xaflad lagu xusayay 12-ka June, oo ah Maalinta Caalamiga ah ee ka-hortagga ku shaqeysiga carruurta. Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxay ka warbixisay tacadiyada kala duwan ee carruurta loo geysto iyo baahida loo qabo in xal waara loo helo.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay wax ka qabashada xadgudubyada iyo tacadiyada carruurta gaar ahaan kuwa la shaqaysiiya, iyadoo ugu baaqday bulshada in ay door ka qaataan badbaadinta ubadka oo ah mustaqbalka dalka.

Maalinta 12-ka June, oo ay qabanqaabiso Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa sanad walba loogu talagalay in lagu xasuusto dhibaatada carruurta ay kala kulmaan shaqooyinka adag, iyadoo lagu baaqo in la ciribtiro xadgudubyadaas.

Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan Iskaashiga Amniga ah

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan dooceed la yeeshay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga, Dr. Burhanettin Duran, intii lagu guda jiray shirka Oslo Forum.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga.

Labada mas’uul ayaa markale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay doorka Turkiga ee dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Faah faahi oo ciwaan u sameey

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka dalkeenna, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka Shidaalkaa Xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada dal.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo Shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo illaaliyo badqabka Isgaarsiinta dalka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diyaar garowga toddoobaadka xorriyadda iyo Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah maalinta Sabtida ah uga bilaabmi doona gobollada dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu dhageeystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga, xasillinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo golaha ay bogaadiyeen geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftooda u huraya difaaca dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirradu waxay qireen in xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda uu yahay mid istiraatiiji ah, muhiimna u ah horumarka iyo barwaaqada labada dal,iyagoo isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta mustaqbalka dhow iyo kan fog, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyey doorka ay labada dal ka ciyaari karaan arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo horumarka iyo fursadaha cusub ee ka jira guud ahaan qaaradda Afrika.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa, kulan wax ku ool ah la qaatay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, H.E. Xuseen Al-Xaj.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa looga hadlay xasiloonida gobolka, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Wasiir Cabdisalaan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxa uuna taageero u muujiyay dadaallada caalamiga ah ee socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka aan walaalaha nahay.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababar u furtay suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan la qabsiga isbeddelka iyo casriyaynta warbaahinta. Tababarka waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 30 suxufi oo ka kala socda warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaalle, ayaa sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo xirfadda suxufiyiinta si ay ula jaanqaadaan horumarka warbaahinta caalamka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay wariyeyaasha in ay door muuqda ka qaataan isbeddelka warbaahinta gudaha.

Agaasime ku xigeenka istiraatiijiyadda warbaahinta, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda casriyeynta warbaahinta iyo doorka ay ku leedahay bulshada dhexdeeda, isagoo xusay in la ilaaliyo masuuliyadda saaran saxaafadda.

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay kulan laba Cisho ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Dhaqaalaha iyo is dhexgalka ganacsiga dalalka geeska, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha madasha, sida Djibouti, Kenya, S. Sudan oo Muqdisho ay soo gaareen Agaasime yaashooda Wasaaradaha Gacansiga halka Dowladaha Ethiopia, Eritrea iyo Sudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo uu wehlinayo Wasiirka Ganacsiga XFS Mudane Maxamuud Adan Geesood iyo labada Agaasime guud ee labada Wasaaradood ayaa furitaankii kulanka waxa ay hadalo guubaabo iyo mahadcelin ah u jeediyeen xubnaha matalayay dalalka geeska Afrika ee Muqdisho soo gaaray iyo kuwa habka fogaan aragga ah uga soo qeyb galay shirka.

Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa xusay kulankaan oo ah mid farsamo in uu laf-dhabar u yahay sare uqaadidda is dhexgalka dhaqaalaha wadamada geeska Afrika sidoo kale Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).

“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.

Kulankani oo noqonaya kii 1-aad ee ay yeeshaan madasha Geeska tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay guddoonka noqotay ayaa waxa uu muujinayaa sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay la falgalka hey’adaha caalamiga ah iyada oo la doonayo in la horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya si looga maarmo ku tiirsanaanta taageerada caalamiga ah.