Home Blog Page 155

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow furi doona Kalfadhiga Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka ka furi doona kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadli doona horumarka taabal-galka ah ee ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada la dagaalanka Khawaarijta,dhaqaalaha,difaaca iyo dhowrista gobanimada Soomaaliyeed.

Israel iyo Hamas oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

0

Lix maxbuus oo Israa’iili ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu sii daayo Gaza, si loogu beddesho 602 falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Hamas ayaa haatan isu diyaarineysa wareejinta lix la haystayaal oo ah maxaabiis nool ,iyadoo uu socdo wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii deyn doonto dhammaan haweenka iyo kuwa da’doodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

Lixda Israel ee maanta la sii deynaayo waxaa kamid ah Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed,kuwaas oo la qabtay 2014 iyo 2015, ,kadib markii ay si iskood ah ugu gudbeen Gaza.

Afarta kale ee Omer Shem Tov, Eliya Cohen, Omer Wenker iyo Tal Shoam ayaa lagu qabtay dagaalkii 7 Oktoobar 2023.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Laanqeyrta Cas ayaa hadda gaaray magaalada Rafah ee koonfurta Qaza halkaas oo maanta lagu sii dayn doono tiro maxaabiis ah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa gudaha Daanta Galbeed ee Jenin iyo Hebron ku dilay laba carruur ah oo Falastiini ah, da’dooduna lagu kala sheegay 12 iyo 13 jir.

 

 

Horjoogayaal muhiim u ahaa khawaarijta oo lagu xasuuqay degaanka ceel Cali axmed

0

Faah Faahinta Horjoogayaal sar sare oo Khawaarijta looga dilay Gobolka Shabeelada Dhexe

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey lagu laayey dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeeallaha Dhexe.

Horjoogayaasha Khawaarijta looga laayey Shabeellaha Dhexe waxaa ugu horeeya Horjooge Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) oo magaciisa afgarashada uu ahaa BAGAAX waxaana uu ahaa Horjoogaha dagaal gelinta Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab isaga oo horey u hogaamiyey weerarro cadawga lagu naafeeyey oo ka kala dhacay Cowsaweyne, Ceel Cali Axmed iyo deegaanno kale , qaarijintiisana waxa ay jab xooggan ku tahay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo waayahanba naf la caari ahaa.

Horjoogayaasha kale ee Khawaarijta looga dilay saacadihii ugu dambeeyey gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka mid ah Horjooge Daahir Buuxsade oo ka mid ah Horjoogayaasha dagaal geliya Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo horey carruur badan oo Soomaaliyeed oo aan qaan gaarin dabka ugu shubay balse Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay soo af jareen Khamiistii.

Horjoogayaasha kala ah:- Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam oo dhammaantood ahaa Horjoogayaal saameyn ku dhex leh Khawaarijta Al-Shabaab marka ay joogto dagaallada ayaa lagu soo af jaray gobolka Shabeelada Dhexe ayadoo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ifka ka qariyeen dhibaatadii iyo gummaadkii ay shacabka Soomaaliyeed u geysan jireen.

Qaarijinta Horjoogayaashaan sar sare ee ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ah naafeyn aad u xooggan oo loo geystay cadawga umadda Soomaaliyeed ayadoo tirada Maleeshiyada iyo Horjoogayaasha laga dilay Khawaarijta Al-Shabaab ay aad u sii korortay .

Halkan ka akhri xogta horjoogeyaasha.

Danjiraha Soomaaliya ee Ruushka oo la kulmay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan

0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Ruushka, Mudane Mohamed A. Zubeyr, ayaa kulan maqaamkiisa sare la qaatay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka, Mudane Rustam Minnikhanov. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo badan oo ay ka faa’iidaysan doonaan labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale, ganacsi, iyo horumarinta xiriirka labada dal.

Tatarstan, oo ah dowlad goboleed ku taala gudaha Ruushka, ayaa caan ku ah dhaqanka iyo qoomiyadaha kala duwan, waxaana ku nool in ka badan 45% Muslimiinta. Dowladani waa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan ee Ruushka, iyada oo leh fursado badan oo dhaqaale iyo ganacsi. Danjire Zubeyr ayaa si gaar ah ugu hawlan inuu sahmiyo dariiqooyinka iskaashiga ee faa’iidada wadaagga ah, isaga oo daneynaya horumarinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tatarstan.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo dhanka iskaashiga iyo horumarinta labada dhinac, waxaana lagu tilmaamay tallaabo wanaagsan oo ku aaddan xoojinta xiriirka caalami ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay howlaha Doorashooyinka Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Guddiga Doorashooyinka uu ku guuleystay inuu horumar ballaaran ka sameeyo diyaar-garowga doorashooyinka Soomaaliya, taas oo si gaar ah diiradda loogu saarayo doorashooyinka golaha deegaanka ee loo qorsheeyay inay dhacaan bisha Juun ee sanadkaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in safaro shaqo ay ku soo galeen deegaanada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si buuxda u diyaar u yihiin qabsoomidda hannaanka doorashada ee qof iyo codka ah. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in qorshayaasha doorashada ay si dhow ula socdaan dhammaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka iyo sidii loogu guulaysan lahaa hannaanka doorashada ee nabad ah iyo cadaalad ah.

“Doorashooyinka golaha deegaanka ee sanadka 2025 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacaan iyadoo la tixgelinayo hab-sami u socodka, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in doorashada laga qabto koonfurta iyo bartamaha dalka, iyadoo Guddiga Doorashooyinka uu si hufan uga shaqeynayo sidii doorashadu u noqon lahayd mid nabad ah, lagu kalsoonaan karo, oo la isku halleyn karo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay si buuxda uga qeybqaataan qorsheynta iyo fulinta doorashooyinka, isla markaana ay ka taageeraan Guddiga Doorashooyinka sidii doorashadu u noqoto mid ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Daawo Barnaamijka Weydii Dhakhtarka oo marti uu ku yahay Dr Axmad Fartaag oo ka howlgala Isbitaalka Tamaam

0

Barnaamijka Weydii Dhakhtraka ee SNTV waxaa marti ku ah Dr Axmad Fartaag oo ka howlgala Isbitaalka Tamaam ee magaalada Muqdisho.

Dr Axmad Fartaag ayaa barnaamijkan kaga hadli doono cudurada Kaadimareynka iyo Kaliyaha iyo sidoo kale xanuunada ku dhaca Taranka Ragga.

Hoos ka daawo Barnaamijka oo dhameystiran:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Saraakiisha Hoggaanka Booliska 

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Taliska guud ee Ciidanka kula kulmay saraakiisha hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska .

Kulankaasi oo ahaa todobaadle waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay saraakiisha qeybta guud ee gobalka banaadir, hoggaanka baarista dambiyada CID, taliska la dagaalanka argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Taliyaha Ciidanka waxa uu saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay hayaan,waxa uuna faray in la xoojiyo doorka ciidanka kaga aadan amniga dalka,gaar ahaan xilliggaan oo ay so dhowdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ,waxa uu si gaar ah shacabka uga codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka,isla markaana ay laamaha Ammaanka gacan ka siiyaan ka hortagga falalka Khawaarijta iyo wax kasta oo keeni kara amni darro.

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo war kasoo saartay maxaabiista ku xiran dalka Sacuudiga 

0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u yahay Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.

Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad ee furmaya maalinta Sabtiga ah ay Golaha horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiga joogtada ayaa ka warbixiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada u dhiman.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jab xooggan u geestat Khawaarijta 

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa ayaa ku dilay hawlgalada lagu jabiyay cadowga in ka badan 130 Khawaarij ah waxaana sidoo kale Khawaarijta looga furtay hub badan.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku hungoobay damacooda ayaa hadda haraadigooda waxaa lagu sii baacsanayaa dhulka howdka ah.

Xogta faahfaahinta ugu danbaysa sida Khawaarijta loogu jabiyay weerarka nafla caariga ah oo ay soo qaadeen dib ayaa laga soo gudbin doonaa.