Hayโ€™adda NISA oo baaris ku haysa hantida iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada

Date:

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.

Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo goโ€™aannada maamul ee khuseeya.

Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hayโ€™adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...