Home Blog Page 1557

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Hay’adda SWDC oo Deeq Gaarsiiyay Maxaabiista Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalka Ethoipia

0

Maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya xarunta u dooda horumarinta Haweenka SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC), ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo agabyo kale loo isticmaalo nadaafadda guud ee deegaanka gaarsiiyay maxaabiista dhawaan dowladda Soomaaliya ay kala soo wareegtay dowladda Ethoipia.

Guddoomiyaha xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) Sahro Maxamed Cali oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in iyagoo ka jawaabaya baaqii madaxday qaranka ay xaruntooda u istaagtay in ay daboosho baahida dagdagga ah ee ay u baahanyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed oo hadda si kumeel gaar ah loogu xanaaneeyo goob ay dajisay dowladda Soomaaliya laguna ogaanayo xaaladahooda caafmiaad.

“Maanta waan idin soo booqanay waxaana marwalba la socondoonaa xaaladdiina, waan ka xunahay dhibka idingaaray waxaase alle mahaddii ah in maanta aad joogtaan dalkiina hooyo, waxaan idiin sidnaa dhar, Firaashyo, Saliid, waxyaabaha la isku carfiyo, Shaanbo, Saabuunta Qabeyska iyo tan dharka aad ku dhaqataan” ayay tiri Maama Sahro Maxamed.

Guuddomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo ka hadlay munaasibadda deeqda lagu wareejinayay Maxaabiistaasi ayaa rajo wanaagsan u muuhiyay dhalinyarada isagoo xusay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ay garabkiina taagnaadaan.

“Ogaada dhallinyarooy waxaa tihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, bulshada gobalka banaadir aad ayay idinkugu damqadeen waxayna idinla qeybsadeen xanuunka iyo waqtiga dheer ee qaarkiin ay xabsiyada ku soo qaateen, deeqda maanta idin soo gaartay waxay idinkaga timid Xarunta SWDC oo fadhigeedu yahay degmada Wadajir, garab istaaga aad naga mudantihiina maanta oo kaliya kuma ekaan doonto” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdulle Xasan Guddoomiyaha Degmada Wadajir.

Guddoomiyaha Degmada Waabari Rowda Cabdullaahi oo ay dhallinyaradaani martigalisay deegaankooda ayaa u mahadcelisay Xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) waxayna sheegtay in iyagoo fulinaya baaqii duqa magaalada muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ay maalin iyo habeen garab taagnaan doonaan dhalinyarada laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia.

Marwo Rowda Cabdullaahi Ayaa kula dardaarantay dhalinyarada in iyagoo ka fakaraya mustaqbalkooda caafimaad ay iska illaabaan xanuunkii iyo waayihii adkaa ee ay soo mareen intii ay xabsiyadu ku xirxirnaayeen, waxayna ku bogaadisay in maanta ay joogaan dalkoodii hooyo ayna la jaanqaadaan nolosha cusub.

“aniga waxaan ahay guddoomiyaha degmada Waaberi laakiin waxaan ahay qof taqasuskeedu uu yahay xanuunada dhimirka ku dhaca, waxaan idinku baraarujinayaa in aad iska saartaan waayihii adkaa ee aad soo marteen iyo wixii idinku dhacay, maanta Soomaaliya ayaa joogtaa qaarkiin waxa ay xasuustaan dalka oo burbursan halka kuwan ay xasuustaan wadanka oo dhisan, marka waxaa la idinka rabaa in aad la qabsataan nolosha cusub iyo isabadalka uu dalku sameeyay si noloshiina iyo caafimaadkiina uu u wanaagsanaado” ayay tiri Rowda Cabdullahi Guddoomiyaha Degmada Waaberi

Guuleed Diiriye Faarax oo ah horjoogaha kooxda dhallinyarada ah ee laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia ayaa mahadcelin u jeediyay mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka iyo madaxda Ha’yadda SWDC, isagoo tilmaamay in agabyada maanta loo keenay ay ahaayeen kuwa aad muhiim ugu ahaa dhallinyarada.

“Aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa kaalmada bulshadeena nooga timid, siwir wanaagsan iyo yadadiilo wacan ayaa noo muuqaneyso, madax iyo shacaba garab isaaggeena looma kala harin” ayuu yiri Guuleed Diiriye.

22 bishaan ayaa waxaa garoonka diyaarada magaalada Muqdisho soo cagadhigatay diyaarad siday in kabadan 100 maxbuus oo dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay kala soo wareegto dowladda Ethoipia, kuwaas oo muddo dheer xabsiyada waddankaasi ku xirnaa.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka xasillinta caasimadda (Daawo Muuqaal)

0

Ra’isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo  sarakiil ka tirsan ciidanka  ayaa booqasho ugu   ugu tagay  qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.

Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira  golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka.

“Ra’iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa,” ayuu yiri  Qaasim.

Ra’isul waaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in  rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la’aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.

“Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen,” ayuu yiri RW Kheyre.

Mudane Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban  labaan   dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab  isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.

“Halyeeyada dalka ayaa tihiin haddaad adinka tihiin dadka la fiirsanayay qalbigiinu waa in uu ahaado bir, shacabka marka aad la dhaqmeysaan waa in aad sharaf iyo wanaag tustaan, Al-shabaab marka aad la dhaqmeysaana bir iyo calool adeeg in aad tustaan waaye, waa in aad u dagaalantaan sidii in aad gumeysi ka xoreynaysaan dalka, Al-shabab waa cadow,” ayuu hadlkiisa ku daray RW.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed maadaama aysan kala sooceynin oo isku si u dilaan marka ay weerar ku qaadaan goobaha dadweynaha u badan yahay sida Hotelada oo kale.

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

0

Dhageysiga qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ayuu ahaa ajendaha kalfadhiga labaad kulankiisa lixaad ee mudaniyaasha golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka shir gudoominayay ayaa kulanka furay wuxuuna ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhisida golaha adeega garsoorka iyo sida lagu heli karo garsoor hufan oo uu dalka yeesho.

Wasiirka Cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudaniyaasha golaha shacabka ka hor akhriyay halka uu marayo qorshahalagu  dhisayo golaha adeega garsoorka.

Qaar ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dhismaha golaha iyo hadii ay jirto muddo u qorsheysan in golahan lagu dhiso.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in loo baahan yahy in guddiga golaha shacabka iyo guddoonka golaha iyo Wasaaradda  ay ka shaqeeyaan dhismaha guddi loo xil saaro sidii dalka uu u heli lahaa guddiga adeega garsoorka.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhismaha golaha adeega garsoorka ay iska kaashan doonaan golaha Shacabka iyo Wasaaradda Cadaaladda ,islamarkaana loo baahan yahay in guddiga la dhisayo uu noqdo mid mas’uuliyad garsoor qaadi kara.

Jubbaland oo u digtay Shacabka dhaqaalaha ku taageera Maleeshiyaadka Al-Shabaab (Daawo Muuqaal)

0

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

C/rashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka Gedo, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay  ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Al-Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan.

Jubbaland ayuu sheeg in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii lagu tuhmo in ay Al-Shabaab taageerto.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Shabaab ayaa dadka shacabka ah waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zkawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstadaha ah uga digtay inay bixiyaan dhaqalo Shabaab lagu taageeraayo.

Shir looga hadlayo mashaariicda dowlad wanaaga ee Midowga Yurub iyo sida looga faaiideysto oo ka socda Muqdisho

0

Shir looga hadlay Mashaariicda Dowlad wanaaga uga timaada midowga yurub Soomaaliya.ayaa hada ka socda magaalada muqdisho,waxaa goob joog ka ah wasiirka Qorsheynta,Xeer ilaaliyaha guud Qaranka,Agaasimaayasha Dastuurka,Haweenka Arimaha Gudaha.Amniga Iyo xogoyaha joogta Wasaarada Cadaaladda

Waxana looga hadlayaa sida loo ogaan karo Mashaariicda ku baxa dowlad wanaaga iyo Amniga qaabka loo fuliyo, iyadoo la filayo in masuuliyiinta dowladda halkaasi ay ka jeediyaan talooyin kala duwan oo ku wajahan habka looga faaiideysan karo mashaariicdaasi.

Wasiirka Cadaaladda oo hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Xildhibaananda Golaha Shacabka ayaa maanta kulankooda caadi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadli doonaan arrimo kala duwan.

Kulanka looga hadlaya qorshaha Xukuumadda ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, si uu sharaxaad buuxa uga bixiyo hindishe sharciyeedkan ku aadan Golaha Adeegga Garsoorka.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu Baarlamaanka hor yimaado.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Furay Wadooyin muhiim ah

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maleeshiyaad Al shabaab kala wareegay deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool.

Saraaskiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xoogga Dalka.

Biire Gaaciye Xuseen ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdishog ayaa sheegay inay Howl-galo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen Gobolka Bakool ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka.

Biire Gaaciye Xuseen ayaa tilmaamay inay fureen Wadooyinka isku xira Gobolada Bakool iyo Baladweyne kuwaa soo u xirnaa maleeshiyaadka Al shabaab.

Ra’isulwasaraha Soomaaliya isboortigu waa mideeyaha Bulshada iyo Madaxda Dalka”

0

Waxaa dhallinyaro soomaaliyeed oo ku nool degmada wadajir u suuro gashay inay kubad la dheelaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul-wasare ku xigeenka Dalka, xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyadoo si aaan caadi hayn kubada ay isugu dhiib dhiibayeen Ra’isulwasaaraha iyo dhalinyarada uu la ciyaarayey.

Intaas ka dib ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku da daali doonto hir-galinta Garoomo lagu ciyaaro kubada cagta si loo helo ciyaar yahano Dalku yeelo kuwaas oo mustaqbalka u dheeli doona Qaranka Soomaaliyeed.

“Aad ayey inoo farxad galinaysaa inaan la kulano dhallinyaro u heelan hormarinta isboortiga iyo ka shaqaynta is dhex galka bulshada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida ay ogo ‘an tahay  hirgalinta hamiga dhalinyarada.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii uu la dheelay ku badda cagta Ra,isulwasaaraha ayaa dhankooda  sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin isdhex galka iyo dhiiro galinta  Ra’isul wasaaraha iyo madaxda la socotaay u sameeyeen dhallinyarada.

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oola kulmay Wasiirka Xajka Sacuudi”

0

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali iyo wafdi uu hogaaminayay uu kamid yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis ayaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga aan walaalaha nahay Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir.

Inta ay labada wasiir wada joogeen waxey ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xajka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga, manta oo ah khamiis.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu ku nuux nuuxsaday sida Xukuumadda Boqorka Sacuudiga ay ugu dadaasho xujeyda iyo adeegyada lasiiyo, si loo fududeeyo arrimaha Xajka xujeyda na ugu gutaan Cibaadadooda sida ugu raaxada badan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh, Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.

labada wasiir waxay isla qaateen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xujeyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.

Labada wasiir waxey ku ballamen in lasiiyo xujeyda Soomaalida mudnaan gaar ah, si xujeyda Soomaalida ugu gutaan Xajkooda si nabad ah oo wanaagsan, Wasaaradda xajka na waxey ballanqaaday in ay u fududeyn doonto xujeyda adeegyada ay u baahanyihiin.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu guddoonsiiyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hadiyad qaali ah sida ka muuqataba Sawirada.

Daawo Sawirro Bilicda Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalkeenna waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah uga socnayey dib u dhis xoogan kaasi oo lagu sameynayo dhismay bilicdooda marka ay indha haagu ay qabtaan aad kuu soojiidanaya.

Magaalada waxaa laga hirgeliyey dhismooyin aad u tirabadan waxaana dhismooyinkaasi ay isugu jiran guryo ay dadkii lahaa dib u dhis ku sameysteen waloow ay dadkaasi u badan yihiin dad ka Qurbajoogta ah taasi oo kudhalisay markii ay u muuqatay isbedelka nabadeed ee Caasimadda soomaaliya kahirgashay ayay ku dhiiradeen iney guryahoodii ka bur buray dib u dhistaan talaabadaasina waxey qeyb weyn ka qaadatay in durbaba magaalada Muqdisho laga dareemo isbedel dhanka bilicda ah.

Dib u dhiska magaalada ka jir kuma koobna oo qura guryaha oo dib u dhis lagu sameey hoteelada balse waxaa sidoo kale iyana dib loo dhisayaa wadooyinkii bur buray ayadoo dib u dhiska laamiyadana ay fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah oo ay ugu horeeyaan dawlada Turkiga.

Waxaa xusid mudan in dhismooyinkaasi magaalada kusoo kordhay ay wehliyaan sidoo kale garoono caalami ah oo ay dhalintu ku ciyaarto kubada cagta iyo isticmaalka gaadiidka yaryar iyo kuwa waawayn oo iyana magaalada si aad ah ugusoo batay waxaadna mararka qaar la kulmeysaa wadooyin u xirma gaadiidka tarada badan aawgood.