Home Blog Page 1557

Golaha Ammaanka ee QM oo deg deg u dhaqan gelinaya cuno qabatayntii Waqooyiga Kuuriya

0

Muqdisho(SONNA) Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka ayaa isku raacay inay ka soo horjeedaan in Kuuriyada Waqooyi ay dulmariso Markale gantaal ridada dheer waqooyiga jasiiradda Hokkaido ee dalka Japan taasi oo ay ku tilmaameen mid daandaansi cad ah.

Waxaa soo de dejiyay kulankan ka dib markii shalaya Kuuriyada Waqooyi ay mar kale Gantaal riddo dheer ay dulmarisay hawadda Dalka Jabaan.

Intii uu socday kulanka Golaha Ammaanka lama  soo hadal qaadin bayaankii Qaramada Midoobay ee dhigayay in cunaqabateyno dheeraad ah Kuuriyada Waqooyi la saaro,iyadoo la muujiyay sida looga walaacsan yahay dhaq dhaqaaq Waqooyiga Kuuriya.

Bayaan ay soo saareen golaha amaanka ee QM oo uu Akhriyay Madaxa haatan ee Golaha Amaanka,ahna Safiirka Ethiopia u fadhiya Qaramada MidoobayTekeda Alemu,ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay uu ku adkeeyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah golaha inay si buuxda oo degdeg ah u dhaqan galiyaan dhamaan qaraarada golaha.

Sidoo kalena Golaha Amaanku waxa uu xoojiyay in ay muhiim tahay in Kuuriyada Waqooyi ay si degdeg ah oo daacad ah u fuliso tallaabada ah in ay hubkeeda nuyuuklerka ka tanaasusho iyada oo qaadeyso tallaabooyin muuqda sidoo kalena ka shaqeynta yareynta xiisada ka taagan gacanka jasiirada Korea.

Safriika Ruushka ee Qarmaada Midoobay, Vasilly Nebenzia, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in diblomaasiyadu tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada Kuuriyada Waqooyi.

 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha qaybta 21-aan ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Aadan xuseen Cirro ayaa magaalada Cadaado tababar uga furay ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad.

Ciidamadani ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan xoojinta howlgalada lagu adkeynayo Ammaanka deegaanada Galmudug.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay dadaallada kor loogu qaadayo Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona ciidanka ku waaniyey inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka.

“Tababarkani waxaa la idinka doonayaa in aad si wanaagsan aad uga faa’idaysataan,wuxuuna qeyb ka yahay kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,ka qeyb qaata sugidda amniga”, Ayuu yiri taliye Cirro.

Taliye Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa ciidanka uga digay inay jidgooyooyin sharci darro ah dhigtaan, isagoo sheegay in askarigii ku kaca fal sharci darro in lala tiigsandoono maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay daacad ah u guttaan waajibaadka loo idmaday, ayna ugu horreyso xorreynta deegaannada ay cadowgu gacanta ku hayaan.

Arday Soomaaliyeed Oo Xaflad Qalinjabin ah Loogu Sameeyay Dalka Kuweyd+Sawirro

0

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dowladda Kuweyd islamarkaana dhameystay Waxbarashada Dugsiga Sare iyo qaar sanadkaan ka qalin jabiyay Jaamacadaha dalkaasi ayaa xaflad qalinjabin ah loogu sameeyay Magaalada Kuweyd.

Munaasibadda oo aheyd mid si heersara ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay Waalidiin, Xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuweyd, Mas’uuliyiin mataleysay dowladda Kuweyd iyo Madaxda ugu sarreeysa Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Fows Cumar Shidane oo ku hadashay magaca waalidiinta arday qalinjabineysay ayaa munaasibadda ka sheegtay in ay aad u faraxsantahay islamarkaana dareenkeedu uu yahay mid aan la qiyaasi Karin.

Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya Danjire Abiib Muuse Faarax ayaa mahadcelin kadib dardaaran u jeediyay arday dhameysay jaamacadaha iyo kuwa ka soo baxay waxbarashada aasaasiga ah in dadaalkooda ay halkaas kasii wadaan.

Danjire Abuub wuxuu sheegay in cilmigu uusan dhamaad laheyn, loona baahanyahay in fursadda maanta ay heystaan ardaydu ay ka faa’ideystaan maadaama ay wax ku baranayaan waddan xasilloon.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuweyd Amb Cabdulqaadir Amiin Shiikh ayaa bogaadiyay dadaalka Ardayda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay shacabka iyo dowladda Kuweyd oo isugu daray soo dhaweyn iyo adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Mudane Cabdulqaadir Amiin ayaa xusay in safaaradda Soomaaliya ay sii xoojineyso garab istaagga ardayda Wax kabarata dalka Kuweyd, wuxuuna xusay in safaaraddu ay dabooshay dhan walba baahiyaha gaarka ah ee ay qabeen ardayda



Dalxiiseyaasha caalamka oo soo dhoweeyey ku soo biiritaanka Soomaaliya hey’adda Dalxiiska dunida

0

Muqdisho(SONNA) Shirka Hey’adda Dalxiiska adduunka oo ka dhacay sannadka magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha ayaa looga arrinsaday arrimaha dalxiiska caalamka iyo sida loo horumarin karo.

Shirkan oo labadii sannoba mar la qabto, ayaa waxaa guul taariikhi ah ka soo hoydey Soomaaliya oo si rasmi ah uga  mid noqotay 159-ka dal ee hey’adda Dalxiiska dunida ku mideysan.

Guushaan ay Soomaaliya gaartay waxaa ka soo shaqeysay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo si xeyladeysan uga shaqeysay arrintan, kana gadday caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiga Dalxiiska, kuna wanaagsan tahay in loo soo dalxiistago.

Horraantii Bishii June Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa booqdey  xarunta Dalxiiska caalamka ee Madrid oo ka tirsan dalka Spain, isagoo ku soo qanciyey masuuliyiinta hey’adda Dalxiiska in fursadda Soomaaliya u baahan  tahay la siiyo, isla markaana ku soo bandhigay Kheyraadka dhinaca Dhulka, Badda iyo magaalooyin ee ay Soomaaliya heysato, kuwaas oo ay uga horreyso dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan sharuudaha looga baahnaa, kuwaasoo laga doodey  iyadoo ay difaacayeen masuuliyiin ka socotay wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid yahay latliyaha dhinaca Dalxiiska Yaasir Baafo kaddib Soomaaliya ayaa heshay cod Akhlabiyad leh, iyadoo noqotay waddanka 159-aad ee ku biira hey’addan, waxaana uga horreeyey waddamada Cameron iyo waddamada Carabta iyo Africa qaarkood, halka Falastiin ay soo buuxin weydey sharuudaha Dalxiisnimo.

Qorshahan ayaa ka mid ah barnaamijka Nabad iyo Nolo lee Xukuumadda oo ka turjumaya in Dalxiisku uu qeyb weyn ka soo qaadan doono kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha dalka oo dhan.

Yaasir Maxamed Baafo La taliyaha dhinaca Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Dalxiiska waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabatay burburkii iyo dagaalladii sokeeye, una badeshay horumar, dib u dhis, kobac dhaqaale iyo midnimo, taasoo uu ku tilmaamay in fursad buuxda ay u siineyso dalka in loo soo dalxiis tago, Soomaaliduna ay yihiin dad ku  horreeya martigelinta iyo soo dhoweynta.

Yaasri ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaadey oo yiri  “haddaba ii ogollaada in aan idin xasuusiyo Soomaaliyada dhabta ah ee 1991-kii ka hor, Soomaaliya waxay ahayd waddan ka mid ah wadamada Afrika ugu awoodda weyn, dowlad wanaag, dal nadiif iyo doog ah, nabad ah, taariikh leh iyo khayraadka dalxiiska oo dhabiici ah  kuna  faanto dalkeeda, oo Soomaaliya xiligaas dunida ayaa looga imaan jiray” sidaas ay ahaataba Soomaaliya dalxiiskeeda ma guurin weli khayraadkii waa inoo sidoodii dadkuna waxay ku dalxiisaan si raaxo iyo ixtiraam leh.

 

Guddoomiye “Jawaari” oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Muddane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa maanta soo xirey Bandhigga Buugaagta oo muddo sedex maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiayay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigista buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso.

Sidoo kale waxaa maanta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada.

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kaladuwan, ayaa waxaa fursad u heley dad badan in ay iibsadaan buugaag ay ku qoranyihiin macluumaadyo kaladuwan oo muhiim u ah.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sawir Qaade Maxamed Feereysane 

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay maamulka iyo bulshada Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

0

Muqdisho(SONNA) Wefdi uu hogaaminaya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray degmada Doolwo ee Gobolka Gedo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xubno katirsan Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka iyo xubno kale, iyagoo la kulmay maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ujeedada socdaalkiisa ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha guud ee halakasi kajira sida ammaanka adkeyntiisa iyo qiimeynta dadka abaaruhu ay saameeyeen iyo sidii loogu gar gaari lahaa.

Waxaa uu madaxweynuhu la kulmay qeybaha bulshada iyo maamulka isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladaha adage e dhinaca nolosha ah iyo baahiyaha loo qabo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo cambaareysay qarixii ka dhacay waddo Treen

0

Muqdisho(SONNA) Qaraxani oo maanta ka dhacay wado Treen oo dhulka hoostiisa marta ayaa ka dhashey khasare dhaawac ah,waxaana dadka dhaawacmay ay ahaayeen dakii ku safrayay wadadaasi iayadoo ay ka hadashey arintaasi raiisul Wasaaraha dalkaasi Ingiriiska.

Ilaa 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxasi oo ka dhacay  xarunta dhulka hoostiisa ee tareenada laga raaco ee Parsons Green ee magaalada London,waxaana halkaasi baaritaano ka wada ciidamada Booliska.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain Theresa May ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi,waxayna ku tilmaantay mid fulaynimo aph, lana doonaya in waxyeelo intaasi ka ballaaran lagu geysto.

Shir deg deg ah oo ay shir guddoominaysay ayaa ka dhacay magaalada London,waxayna sheegtay in digniinaha falalka argagixisada ee dalkaasi ay sii kordhayaan, balse waxay intaasi ku dartay in sare loo qaadidoono tirade ciidamada ammaanka oo ka hortagaya khataraha nuucaan  oo kale ah.

Laamaha ammaanka Dalka Britain ayaa sheegay in falkaasi uu yahay fal argagixisanimo ah,islamarkaana ay soo baari doonaan, si loo ogaado,warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxaana la sheegayaa in qaraxaasi uu yahay mid macmal ah oo guryaha lagu dhexsameeyay.

Mareykanka oo Dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka laga gaaray hanaanka Dimoqraadiyada

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dunida maanta laga xusayo maalinta Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda adduunaka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa ay ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan horumarinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee ku aadan dhismaha hay’adaha Dowladda,iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2016.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibaddda ee Mareykanka ayaa lagu yiri” Mareykanka waxaa uu ku dhiiro gelinayaa dowladda Soomaaliya in ay sii wado dadaalkeedi ku aadan  horumarinta sharciyada muhiimka u ah dalka,kuwaasi oo horseedaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020.

Waxaa kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajisay Dowladda Mareykanka dib u eegista Dastuurka Dalka iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dowladda,kuwaasi oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya qalalaaso muddo sanado ah ka jiray,wadada dimoqraadiyadda in la qaado waa wax adag,waxaan ku boorinaynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo dhanka Dimoqraadiyadda ah iyo Dowlad nimada”, Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay mar kale cageheed isugu taagi lahayd,islamarkaana nabad iyo xasilooni waarta ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Madaxweynaha  Puntland & wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Boosaaso

0

Madaxxweyna Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Deegaanada Puntlad  kadib gudashada Rukniga diiniga ah ee Xajka.

Wafdigaasi oo kaso dagay Garoonka magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa waxaa kusoo dhoweeyey , masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidamada ,kuwa  Madaxtooyada, aqoon yahano iyo xubno kale.

Madaxweynaah Maamulka Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, wuxuuna caddeeyay  in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in socdaalka dalka Imaaraadka ay la xiriirtay arrimo ku saabsan  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay u baahan yihiin Maamulka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta Maamulka inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda.

 

Jowhar oo lagu wado in berri lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hir-shabeelle

0

Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle  waxaa  ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee tartanka loo galayo  doorashadda Madaxtinimo ee Maamulkaasi

Saacadihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar waxaa  laga dareemayaa tartanka dooroshada Madaxweynaha Hirshabeele oo ay u taagan yihiin Musharaxiin gaaraya  sideed ruux.

Maalinta Sabtiga ah ayaa Baarlamaanka Maamulkaasi waxaa ay dooran doonaan Madaxweynaha Hirshabeele kaa soo baddali doona Madaxweynihii Hore Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay kalsoonida kala laabteen Xildhimaanada Maamulkaasi.

Waxyaabaha ugu badan oo ay soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah horumarinta Deegaanada Maamulka  Hirshabeelle sida,Waxbarashada,Caafimaadka,Shaqo abuurka,Amniga deegaanadaasi.,

Tartanka Madaxtinimo oo ay  goob joogayaal  ka yihiin xubnaha guddiga doorashada HirShabeele.waxaa musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo kamid ah:-

1:Daahir Cabdulle Cawaale

2:C/raxmaan Xuseen Caddow

3:Yuusuf Axmed Hagar (Yuusugdabageed)

4: Maxamed Caruushe Diirow

5:C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud.