Madaxweyne Farmaajo oo Mushaarkiisa ka bixiyey mashruuc looga Faa’ideeyey Dad danyar ah.

Date:

Ilaa 100 qof oo danyar ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliay C/qaadir Macallin Nuur oo dadkaasi ku booqday Isbitalka Yerdimeli oo ay gacanta ku hayaan walaalaha Turkiga oo kuyaala degmada Xamar Jajab ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha indho fiiqista ah oo uu madaxweynaha maalgaliyay.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto,sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah,balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay,iyagoo sheegay in ay u tahay fursada ay heleen maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday in uu garab istaagi doono bulshada,iyadoo tani ay qeyb ka tahay fulinta balanqaadyadii uu madaxweynuhu  u sameeyey shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...