Wasaaradda Beeraha oo ka digtay fatahaado uu sameeyo webiga Shabeele.

Date:

Shir Jaraa’id oo Magaalada Muqdisho si wadajir ah ay ugu qabteen Wasiirka Beeraha Somaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha islamrkaana uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayay Wasaardda Beeraha ku shaacisay digniin ku aadan cabsida laga qabo in Webiga Shabelle oo biyo fara badan ay buuxiyeen inuu fatahaad ka sameeyo 20-Tuulo oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaaliya mudane Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in fatahaadaha laga cabsi qabo in ay sameeyn Qasaaro xoog leh oo ay gaarsiiyaan Shacabka ku dhaqan hareeraha Webiga.

Mudane Siciid Xuseen  Wasiirka wasaaradda Beeraha Dowladda federaalka ah ayaa xusay in qaar kamid ah Dowladaha iyo hay’adaha tagaeera Somaaliya ay kala hadleen inay gacan ka geystaan kahortagista  fatahaadaha.

Wasiirka Beeraha ayaa sidookale sheegay in Wasaarddu ku howlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa biyo xireenadii Webiga Shabelle

Inta badan xili roobaadka ayaa Webiga Shabelle uu fatahaad ka smaeeyaa Gobolada uu maro fatahaadaasi oo saameyn weyn ku yeelata dadka degaanka iyo beeraleyda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...