Madaxweynaha JFS oo maalgaliyay mashruuc indho fiiqis ah+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ilaa 100 qof oo danyar ah oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliay C/qaadir Macallin Nuur oo dadkaasi ku booqday Isbitaalka Yerdimeli oo ay gacanta ku hayaan walaalaha Turkiga oo kuyaala degmada Xamar Jajab ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha indho fiiqista ah oo uu madaxweynaha maalgaliyay.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto,sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweeyo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah,balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allahakaasiiyo,umadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay,iyagoo sheegay in ay u tahay fursada ay heleen maadaam aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday in uu garab istaagi doono bulshada,iyadoo tani ay qeyb ka tahay fulinta balanqaadyadii uu madaxweynuhu  u sameeyey shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...