Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Madax ka tirsan Bangiga Adduunka”Sawirro’

Date:

Washington 25, September 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ku sugan yihiin dalka Maraykanka ayaa la kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka, ayago ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa hanaankii Bangi ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray iska markaana loo fududeyn lahaa sidii uu xiriir ula sameyn lahaa bangiyada kale ee caalamka, arrimaha kale ee kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

“Bangiga Adduunka waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka”ayay tiri Ms. Kristalina Georgieva.

Kulankani ka dhacay xarunta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Magaalada Washington ayaa qeyb ka noqonaya dadaalka ay dawladdu ugu jirto soo nooleynta xiriirkii Bangiyada caalamka. Iyadoo xiligani ay dawladdu ku howlan tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...