Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Madax ka tirsan Bangiga Adduunka”Sawirro’

Date:

Washington 25, September 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ku sugan yihiin dalka Maraykanka ayaa la kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka, ayago ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa hanaankii Bangi ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray iska markaana loo fududeyn lahaa sidii uu xiriir ula sameyn lahaa bangiyada kale ee caalamka, arrimaha kale ee kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

“Bangiga Adduunka waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka”ayay tiri Ms. Kristalina Georgieva.

Kulankani ka dhacay xarunta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Magaalada Washington ayaa qeyb ka noqonaya dadaalka ay dawladdu ugu jirto soo nooleynta xiriirkii Bangiyada caalamka. Iyadoo xiligani ay dawladdu ku howlan tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...