(DAAWO) Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Dhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal  ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland ayna diyaar u yihiin inay gogol dhigayaan Kismaayo oo ay isu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka lagu hagayo iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in qabyo qoraalka dastuurka ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, loona baahanyahay in waxkasta laga fiiriyo Danta Guud.

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 26 Σεπτεμβρίου 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...