Xiriirka kubada Miiska oo tababar heer caalami ah u furay garsoorayaasha kubadda Miiska ah

Date:

Xiriirka  Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa  magaalada muqdisho   tababar heer caalami ah uga furay  garsoorayaasha kubadda  Miiska, waxaana xaflada furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay   Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda  xiriirada, Masuuliyiinta xiriirka kubadda Miiska  iyo qabiirka  tababarkan bixinaya oo udhashay dalka  Masar.

Tabarkan oo socon doona muddo 7   maalmood ah waxaan   ka faa’iideysan doona  33 garsoore oo u u badan garsoorayaal  da’yar, waana kii labad oo heer  caalami ah oo dalka lagu qabto kadib 2012.

Qabiirka   tababarkan bixinaya  Mohamed  Refaat Mohamed  oo u dhashay dalka Masar   ayaa sheegay in  jeceyl uu u qabo Soomaaliya uu  u ogolaaday inuu tababarkan bixiyo, isagoo Luxuburg shaqo u joogana ay fariintan soo gaartay si toos ahna uu Soomaaliya usoo aaday.

“  Waa  markii labaad oo aan koorsadan  ka bixyo Soomaaliya  kadib 2012 ,  Koorsadan waa heer caalami oo aad ku helaysaan shahaado  qiimo weyn ku fadhida  waxaan si gaar ah ula hadlayaa  Gabdhaha   tababarkan ka qeyb qaadanaya, waayo qaaradda Afrika kaliya afar gababar ayaa tartmada heerka caalami uga qeyb gala, waxaan doonayaa in ay Soomaaliya kasoo baxaan   Wiilal iyo Gabadho  tartamada qaaradda iyo kwua heerka caalami   garsoor ka noqda,” ayuu yuri Khabiir Mohamed.

Guddoomiyaha  Xiriirka kubadda Miiska  Maxamed Xaaji CaliXaaji oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in   Xiriirka uu diyaar u yahay soosaarista garsoorayaal da’yar oo  musatqbal wanaagsan ku yeesha   ciyaarta kubadda Miiska  heer caalamina ka gaara.

Guddoomiyaha ayaa intaa kudaray in Xiriirka kubadad Miiska oo taariikh wanaagsan ku leeyahay   qaarada afrika   isla markaana uu bilado dahab ah  dalka usoo hoyaan  taana ay   muhiim tahay in dib loosoo celiyo si loo  helo ciyaartoy tayo lehna ay muhiim tahay in la helo garsoor tayo leh.

Guddoomiyaha ayaa  ugu  ka qeyb galayaasha  kula dardaarmay si joogta ah usoo xaadiraan uga faa’iideysan kooradan muddada 7 maalin ah ee ay socon doonto.

Ugu damabeyn waxaa seminaarka u furay Gudoomiye ku xigeenka Gos ahna Ku-simaha  Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan  Wataac, waxuunna sheegay in Guddiga  Olombikada  uu soo dhaweynayo dadaalka uu xiriirka    ugu jiro horumarinta aqoonta garsoorka oo ah laf-dhabarka xiriirka, waxuuna intaa kud aray in dadaalka uu halkiisa  kasii wado dhamaan xiriirada dalkana laga doonayo in ay  sare u qaadan aqoonta  qeybaha kake gedisan ee isbootiga si loo gaaro horumar  ciyaraha  dalka oo dhan.

Hogaanka cusub ee Xiriirka kubadda Miiska  iyo tan  iyo doorashadiisa  31 January ee sandkan ku qaaday talaabooyin horumnineed oo muuqda, sida  tayaynta garsoorka , ka qeyb galka ciyaaraha heerka caalami,  sare  u qaadidda   tirada naadiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...