Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UN Habitat.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose  Cabdirashiid Cabdulaahi Cali “Gooni” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay  hay’adda UN Habitat.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf  “Timo Jilac”  iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Cabdi Barre.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhismaha Magaalada Kismaayo iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen in dadka barakacashaasha ah loo sameeyo nidaam iyo sharciyo goobaha ay dagayaan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi ay ka soo baxeen go’aanno dhaxalgal ah oo lagu horumarinayo nolosha dadka barakacayaasha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...