Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UN Habitat.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose  Cabdirashiid Cabdulaahi Cali “Gooni” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay  hay’adda UN Habitat.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf  “Timo Jilac”  iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Cabdi Barre.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhismaha Magaalada Kismaayo iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen in dadka barakacashaasha ah loo sameeyo nidaam iyo sharciyo goobaha ay dagayaan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi ay ka soo baxeen go’aanno dhaxalgal ah oo lagu horumarinayo nolosha dadka barakacayaasha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...