Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

Date:

Virginia(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka  ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo yoolka ay hiigsanayso Dowladda Soomaaliya.

Khudbadda oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha,Ammaanka iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimaha Amniga,bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqalaaha,oo uu Raiisul Wasaaruhu sheegay in ahmiyad weyn ay siisay Dowladda.

“Waxaan idin balanqaadaynaa in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa dalka, Waa la dhaafay waqtigii dhexdhexaadnimada,waa la dhaafay , waqtigii xumaanta qofka in uu sheego oo laga aamusi jiray,waxaan rabaa in qofkasta uu ka qeybqaato hormarka dalka,aan ku wada shaqeyno astaantii ahayd hadii aadan wax u tarikarin dalkaada,wax dhibato ah ha ugeysanin,Soomaaliya waa dal Sharaf leh,waxaa ii muuqanaysaa Soomaaliya oo barwaaqo ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladdu ay ku guuleysatay in ay bixiso qeyb kamid ah deymihii dalka lagu lahaa isagoo xusay in ay bixiyeen lacag dhan 5.1 Billyan oo Dollar oo lagu lahaa Soomaaliya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed dhamaantood looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan hormarka dalkooda hooyo,isagoo ugu baaqay in khibradooda iyo aqoontooda ay isugu geeyaan maadaama ay door ku leeyihiin horumarinta dalkooda hooyo.

Hadalka ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid markii uu soo dhamaaday shirkii Golaha Guud ee QM oo uu uga qeyb galay magaalada New York halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...