Home Blog Page 1546

133 qof Soomaali ah oo Dalka dib loogu soo celiyay

0

Cadan (SONNA)- Ururka socdaalka Dowliga ee Qaraamada Midoobay ayaa sheegay 133 Soomaali ah oo ku sugnaa dalka Yeman ay halkaasi ka daadgureeyeen iyagoo loosoo celiyay dalkoodii.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andol oo warkan ka soo xigatay masuulka xagga warfaafinta Ururkaasi u qaabilsan ee dalka Yeman ayaa sheegay in dhamaan qaxootiga Soomaalida ah maalintii Isniin aheyd laga daadgureeyay Yeman loona celiyay Soomaaliya,iyadoo laga qaaday Dekedda magaalada Cadan.

Wuxuuna masuulkan intaa raaciyay in ay hay’addu daadgureynta dadkaasi ay kala kaashatay  hay’adda qaxootiga aduunka,waana dufcadii 14-aad ee daadgureynta Qaxootiyada yeman ku suganaa ee dib loogu celiyay wadamadooda.

Ururka Qaxootiga aduunka ee Qaraamada midoobay ayaa hore u sheegay in 100 kun qof Somaali iyo Ethiopian ay dalka Yeman gaareen sanad wax ka yar gudahooda, halka tobanaan qofna ay ku dhinteen mudadii ay tahriibka ahaayeen.

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka doodayo arrimo dhowr ah

0

Muqdisho (SONNA) Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay kaga doodayaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan marxaladda dalka ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayaa saddex arrin, iyadoo ajandaha koowaad uu yahay in akhrinta koowaad la marsiiyo Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Ajandaha labaad ayaa ah akhrinta koowaad ee heshiiska dowladda Soomaaliya ay la gashay India ee ku saabsan isdhaafsiga Maxaabiista ee lagu doonayo in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka India loo soo wareejiyo dalka, halka ajanadaha saddexaad uu yahay dhageysiga warbixinta guddiga gaadiidka oo faah faahsan.

Heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee ay kal hore kala saxiixdeen labada dowladood waxaa dhanka Soomaaliya u saxiisay Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana haatan qorshuhu yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay meelmariyaan heshiiskan si dowladda ay fursad ugu hesho in lagu soo wareejiyo boqolaal maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka India kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.

Khasaaraha dhulgariir  ku dhuftay  Mexico oo sii kordhaya

0

Muqdisho(SONNA) Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Mexico ,kaasi oo ugu yaraan ay ku dhinteen 336-qof ,isla markaana burburiyay xirmooyin dhismo ah oo ku yaallay caasimadda daslkaasi ee Mexico City.

Madaxweynaha dalka Mexico  Enrique Peña Nieto ,ayaa sheegay in wax ka badan 20-caruur ah ay ku dhinteen dhulgariirkaasi,30-kalana  la la’yahay ,kadib markii ay ku soo dumeen dhismaha dugsi ay wax ku bartaan.

Cabirka dhulgariirkaasi oo ahaa 7.1 Magnitude,waxaa kale oo uu sababay waxyeelo soo gaartay gobolada deriska la ah dalkaasi,

Bishan horraanteedii  koonfurta dalka Mexico waxaa  ku dhuftay dhulgariir oo xooggiisu ahaa 8.1 oo ugu yaraa dilay 90-qof .

Shaqaalaha gargaarka ayaa wada raadinta dad nool oo la tilmaamay in ay ku hoos jiraan burburka dhismmayaasha.

.

.

R/wasaaraha Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Ruushka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

Guddiga difaaca golaha shacabka iyo xubno kale oo kormeeray Bakool

0

Xildhibaan Maxamed  Xuseen  Afaraale oo ka mid ah Guddiga Difaaca ee Golaha shacabka,  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Jeneraal Liibaan Cali Yerrow  iyo sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo maalmahan ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

Sawir Qaade:- Cabdulqaadir Ciise Cali 

Arady Soomaliyeed oo ka qalinjebisay Kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Suudaan

0

Xafladan oo ay ku qalan jibinayeen arday Soomaaliyeed oo gaareysay ilaa 30 arday ayaa waxey ka dhacday gudaha Jaamacadda Suudan kuliyadeeda injineerinka, iyagoo ardayda qalan jibisay ay isugu jirtay kuwa dhameeystay heerka Koowaad ee jaamacadda iyo heerka Labaad ee jaamacadda,

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladda boqolaal ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudaan, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Salaadiin , Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xafladda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha soo qaban qaabiyay Xafladda Cabdi Khaaliq Maxamed Maxamuud isagoona u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada.

Qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed oo halkaasi ka qalin jabiyay ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadooda,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wixii ay barteen kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada,waxaana halkaasi wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ka heley Dowladda Dalkaasi Suudaan.

Arady Soomaliyeed oo ka qalinjebisay Kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Suudaan+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Xafladan oo ay ku qalan jibinayeen arday Soomaaliyeed oo gaareysay ilaa 30 arday ayaa waxey ka dhacday gudaha Jaamacadda Suudan kuliyadeeda injineerinka, iyagoo ardayda qalan jibisay ay isugu jirtay kuwa dhameeystay heerka Koowaad ee jaamacadda iyo heerka Labaad ee jaamacadda,

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladda boqolaal ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudaan, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Salaadiin , Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xafladda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha soo qaban qaabiyay Xafladda Cabdi Khaaliq Maxamed Maxamuud isagoona u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada.

Qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed oo halkaasi ka qalin jabiyay ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadooda,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wixii ay barteen kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada,waxaana halkaasi wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ka heley Dowladda Dalkaasi Suudaan.

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka doodayo arrimo dhowr ah

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay kaga doodayaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan marxaladda dalka ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayaa saddex arrin, iyadoo ajandaha koowaad uu yahay in akhrinta koowaad la marsiiyo Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Ajandaha labaad ayaa ah akhrinta koowaad ee heshiiska dowladda Soomaaliya ay la gashay India ee ku saabsan isdhaafsiga Maxaabiista ee lagu doonayo in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka India loo soo wareejiyo dalka, halka ajanadaha saddexaad uu yahay dhageysiga warbixinta guddiga gaadiidka oo faah faahsan.

Heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee ay kal hore kala saxiixdeen labada dowladood waxaa dhanka Soomaaliya u saxiisay Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana haatan qorshuhu yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay meelmariyaan heshiiskan si dowladda ay fursad ugu hesho in lagu soo wareejiyo boqolaal maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka India kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.

Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan saaxiibtinimo ku wada cayaari doono Muqdisho

0

Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka codsatay safaarradda Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olombkada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka Qaranka Jabuuti inaan ku martigellino cayaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda Wasaarradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka Qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeeda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay dalka Jabuuti marka loo eego tartamada kubadda cagta ee is reeb reebka Qaaradda Afrika.

DonaldTrump”Waan baabi’inaynaa Waqooyiga Kuuriya hadii ay khatar nagu noqoto

0

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.

Wuxuu Kuuriyada Waqooyi ku dhaliilay dadaalka ay ugu jirto in ay sameysato hubka nukliyeerka, waxaanu sheegey in uu baabi’in doono wadankaas haddii Mareykanku uu khatar ka dareemo.

Mr Donald Trump ayaa sidoo weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku dayday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump waxa uu ugu baaqay Iiraan in ay dadkeeda ilaashato oo aanay taageerin kooxaha Argagaxisada ah.

Dowladda Iiran ayaa jawaab kulul ka bixisay khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga baahneyn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-aad.

Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo arinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaaray.