Home Blog Page 1546

Madaxa Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa la kulmay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga ee Dalka Suudaan.

0

Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan iyagoo  ka wada hadlay sidii xiriir shaqo oo adag u dhax marilaahaa labada Rug ee Ganacsi Soomaaliya iyo Suudaan loona mataaneen lahaa.

Dr : Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga Suudaan Gudoomiyahooda uu Daneenayo Xiriir uu la sameeyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsatadoodaba isuna dhaafsadaan Howlaha Quseeya Dhanka Ganacsiga Labada Dal.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan Cali Maxamed Axmed Xasan oo isna la hadlay Warhaabinta Qaranka ayaa tibaaxay in Suudaan iyo Soomaaaliya Dhanka taariikh ahaan marka laga hadlayo Xiriirkoodu aanan bilaaban mar dhow ayna ku hanweenyihiin ka Rug ahaan wixii Shaqo ah oo quseeya arrimaha Ganacsiga wax badan la qaban doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa sidoo kale booqday Bandhig Warshadeed ay soo Bandhigayeen qaar ka mid ah Warshadaha laga leeyahay Dalka Suudaan iyo Waxyaabaha ay Soo Saaraan isagoo Sheegay in Sudaan ku soo Wajahan yihiin Maalgaliyaal Ajaanib ah ka dib markii laga qaaday Xayiradii Saarneed Dhanka Dhaqaaalaha Wadanka Suudaan.

Kulanka ay wadaqaateen Madaxa arrimaha Ganacsiga Safaardda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Suudaan ayaa ah mid lagu adkeenayo Xiriirka labada Dal gaar ahaan Dhanka Ganacsiga oo u muuqada mid miri dhali doona.

Yuusuf  Maxamed macalin (Yuusuf kashmiir)

Wadajir oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Kulankii sagaallaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaran, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo waxaa loo gudbiyey toddobada su’aal ee degma walba xaqa u leeyahay in la weydiiyo, waxaa qeybta koobaad ee tartanka lagu hakiyey afar su’aal oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed su’aal, iyadoo intii nasashada lagu guda jiray la soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey taariikha fog ee ay degmooyinkaasi leeyihiin.

Dhammaadka tartanka iyo Natiijada Guddiga

Degmada X/jajab waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal,  Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaa darteed guddiga waxa uu sheegay in degmada X/jajab ay uruursadeen laba dhibcood oo Kaliyah.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir waxaa la weydiiyey iyaduna toddoba su’aal, si sax ah waxa ay uga jawaabbeen laba, shan waa ay iska qaldeen, hal su’aal si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen, sidaa darteed waxa ay heleen Lix Dhibcood (6 dhibcood), degmada Wadajir ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.

Habeen dambe kulan tobnaad ee tartan cilmiyeedka waxa uu u dhaxeyn doonaa, degmooyinka Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo iyo degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

 

Habeen dambe

Garbahaareey VS Hodan

 

 

 

 

 

 

 

 

DAAWO SAWIRRADA: – Banaanbaxa Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan idiin soo gudbineynaa Sawirrada Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay Madaxda sare ee dalka ka qeybgaleen.

Sawir qaade: – Cali Ducaale

Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si diiran loou soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo xubno kale ayaa waxaa socdaalkooda la xiriiray u kuurgelidda xaalada magaalada Caabudwaaq iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jirta degmada.

Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay xaaladaha caafimaad iyo waxbarasho ee ka jirta magaalada, waxaana ay ku soo wareegeen qeybaha kala duwan ee magaalada, iyagoo socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka caanka ah ee magaalada Caabudwaaq, halkaasi oo ay gacan qaadeen qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo watay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo lagu taageerayo socdaalka Madaxweynaha Galmudug.

Waa safarkii ugu u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug  iyo wafdi uu hogaaminayo uu ku tago magaalada Caabudwaaq tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay waxqabadka Xukuumaddiisa

0

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay, waxana uu si gaar ah diiradda ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha sare ee Qaranka, kalsoonida Shacabka, Dhaqaalaha, Amniga iyo abaarihii ka dhacay dalka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, wuxuna tilmaamay in waajib ay tahay in bisha ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Mudane Xasan Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaala waa kuwa ragaaday, dawladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanada, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la helo midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda”

Qorshaha Xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlayey Ra’iisul Wasaruhu ayuu tilmamay in ay kamid yihiin:

1)Kow- ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka,

2)Labo, dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka Musuq-maasuqa.

3)SADDEX- kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka abaaruhu keenaan. Anagoo ka duulayna mowqifka ah in aan isku tashano, waxaa noo suurto-galay: In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay mudo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda.

“Howlgalkii ugu horeeyey ee la fuliyey waxaa lagu qabtay kooxo dhagar-qabayaal ah iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah”ayuu yiri R.W Kheyre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mudadaa kooban ee ay jirtay Xukuumaddu uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sara-u-kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, isla markaana la dardargeliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhalisay in uu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.

Sida looga hadlay weerarkii London Bridge

0

Weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada London oo ay u dinteen 6, qof ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen, hoggaamiyeyaasha dunida qaar ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dhacdadaasi..

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in Boliiska London ay toogasho ku dileen rag la rumeysan yahay in ay yihiin kuwii geystey weerarkii ka dhacay London Bridge.

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, waxa uu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, isla markaana London aysan u joogsaneyn kuwa caadeystay dhibaateynta dadka masaakiinta ah

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegay in weerarkii London ka dhacay uu ku filan yahay Uk, iyadoo soo qaadatay Kalmadda. ‘Enough Is Enough’.

Sidoo kale waxa ay  si cad u sheegtay in falkaasi argagixiso uusan hakin doonin doorashada guud ee khamiista soo socota ka dhici doonta dalka Britain.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa yiri “US waxa ay sameyn doontaa wax walba oo karaankeeda ku aaddan taageerada UK kaddib weerarkii London Bridge ka dhacay iyo kuwii Manchester”.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska, ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay cambaareyneyso Falkii London ka dhacay.

Laammaha amniga Britain, ayaa ku shirsan London, si loo qaado tallaabooyin adag oo amniga ka xiriira, xili toddobaadka soo socda ay dalkaasi ka dhici doonaan doorashooyin guud.

 

Wasaaradda Arimaha Guddaaha oo sheegtay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashada 2020.

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahanyahay in laga heshiiyo qaabkii wax loo dooran lahaa Sanadka 2020.

Xoghayaha Jooogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in doorashooyinkii hore ee dhacay ay ahaayeen kuwa ku dhacay qaabab kala duwan waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in la qorsheeyo doorashadda Soo Socoto.

Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa si gaar ah hoosta uga xariiqan in il gooni ah loo yeesho meealaha aysan maamuladooda dhameys tirneyn isaga sheegay in ay muhiim tahay in loo dajiyo qorsho cad oo lagu wajihi doono doorashadda 2020.

Banaanbax lagu taageerayo dowladda oo ka dhacaya Muqdisho.

0

Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto Banaanbax uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu taageeraya 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Waxaa lagu waddaa Banaabaxaasi in ay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Banaadir Studium ee  degmada Cabdicasiis.

Faahfaahin Dheeri ah oo ka soo baxayo weerarkii ka dhacay London.

0

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kadib laba weerarar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Raysalwasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay toogasho ku dileen ragg looga shakisan yahay Weerarkaasi.

Dadka Shacabka ayaa loogu baaqay in aysan guryaha kasoo bixin inta laga xaqiijinaayo Xaaladda.

Labo todobaad ka hor ayaa Weerar ay ku dhinteen dad ka badan 22 qof , waxaa uu ka dhacay Magaalada London.

Dowladda Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay Halka uu maraayo howlgalka Xasilinta caasimadda Soomaaliya.

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa sheegay in la diyaariyey Ciidamo 1500 oo askari oo isku dhaf ah oo isugu jiro Boolis , Nabadsugid iyo weliba Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladaan ay tahay Dowladd ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in howlgalka Xasilinta  Caasimadda in uu ka dhashay codsiga iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in la nabadeeyo Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Eng Yariisow ayaa sheegay in ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan in la qaado hubka waaweyn waxaana uu xusay in aan dhag jalaq loo siin doonin isla markaana go’aan ay ka tahay Dowladda Soomaaliya aruurinta hubka Waaweyn si loo xasiliyo Caasimadda iyo Guud ahaan Goboladda Dalka.