Qadar oo soo dhaweysay Arrimha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Date:

Dowladda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay  inay dib u cusboonsiin doonto is garab istaagga shacabiga iyo xukuumadda Soomaaliya,isla markaana ay  ka go’antahay sidii  gargaar bani’adanimo  iyo waxqabad kale looggu fidin lahaa   shacabka Somalia iyo dowladiisa.

Dowladda  Qadar  ayaa aad u amaantay isbedelka siyaasadda Soomaaliya tan iyo intii ka danbeysay Doorashadii xukuumadda hadda ka arimisa Soomaaliya,waxyna rajeysay in talaabadan isbedelka ah uu noqdo  mid wax weyn ka taraya sugidda amniga Soomaaliya, horumarinta masaalixda waddanka iyo kuwa la  dagaalanka argagixisada.

Tallaabadaan  ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay Dowladda Qadar bayaan ka soo saartay khudbad uu fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaraamada Midoobay ka jeediyay Amiir Dhalaal C/casiis oo ah xoghayaha Sedexaad  ee wafdiga joogtada ah ee Dowladda Qadar  ee Qaraamada Midoobay, isla markana ka tirsan khubarada Qadar ee xaruunta hay’adda Xuquuqul insaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva.

Sidoo kale Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay juhdiga ay dowladda Soomaalia gelisay daryeelka arrimaha xuquul insaanka ee Soomaalia, dib u dhiska hay’ada dowladda,dhaqan gelinta qaanuunka cusub ee Soomaalia,abuurista guddi madax banana ee ka shaqeya arrimaha xuquul insaanka iyo dhameystirka dastuurka cusub.

Bayaankaa ka soo baxay Dowladda Qadar waxaa kaloo lagu xusay  amhiyadda shirkii kol hore lagu qabtay London uu u leeyahay Soomaaliya siiba wadciga ay maanta ku jirto  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhaqangelintiisa, kaasoo diiradda lagu saaray dhinacyada xuquul insaanka iyo  la dagaalnka argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...