Home Blog Page 1540

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo ka qeybgalay shirk u saabsanaa arrimaha Soomaaliya

0

Minnesota(SONNA)  Shirkani oo halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

 

Waxaa soo qaban qaabiyayt Shirkani ururka Ka-Joog iyo guddi gaar ah oo ka shaqeynayaa horumarka Soomaaliya,waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington,wakiilo ka socday aqalka cad ee loogu arrimiyo Maraykanka iyo dhalinyaro wax ku baratay dalka Maraykanka.

 

Shirkani ayaa waxaa uu socon doonaa mudo laba Maalin ah,iyadoo lagu soo gaba gabayn doonaa Jaamacada Minnesota lagana soo saari doono warmurtiyeed ku qotoma wax yaabihii shirkaasi ka soo baxo.

 

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay.

 

Madaxa ururka Isuroon ee ka dhisan Dalka Mareykanka Fartuun Weli oo ka mid ah aqoon yahanada shirkani ka hadlay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed dowr weyn ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey Shir Ku Saabsan Dar-dar Gelinta Hawlaha Dib-u-eegista Dastuurka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

 DHAMMAAD

Doonyo hub saarnaa oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari

0

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee ayaa Deegaanka Marooro oo 9km magaalada Boosaaso ujitra ka soo qabtay dooni lagu magacaabo Al-furqaan  oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo kan fudud, waxaana jirey qoryaha loo yaqaano dhishiikaha, Ake 47, bastoolado iyo Raastooda.

Inkastoo hubkan la qabtay hadana ciidamada Puntland uma suuro gelin iney gacanta ku dhigaan cidii waday kuwii loo waday intuba, waxaana xusid mudan in hubkan oo intan ka badnaa qaybtiisa kale ay qabteen ciidamada booliska Puntland oo howlgallo ka sameeya qeybo ka mid ah deegaannada maamulka.

Gaashle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada hubkan, ayna ku raadjoogaan raggii soo rarey iyo kuwii loo waday intuba.

Puntland ayaa qabta in Al-Shabaab loo waday hubkan ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid ciidamada Puntland dhanka ammaanka uqaadeen waxaana ay qayb ka yihiin dedaallo lagu ilaalinayo Nabadda iyo wada noolaanshaha Ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Muse tarsan Bosaso

Wasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Horgeeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay ansixiyaan

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Xeerka Saxaafada si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado oo idiin soo gudbiyo Wax Ka Bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada, isla markaasna idinkaga mahadceliyo doorkiina muhiimka ah ee aad ku mataleysaan bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.”

Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si rasmi ah loo dhameystirin habraacii dhaqangalka. Ka dibna dhowr jeer ayaa la isku dayey oo wax ka bedel lagu sameeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Wasiiradii ka horeeyey oo Xeerkan soo diyaariyey sida Wasiir Maareeye iyo Wasiir Mustaf Dhuxulow, iyadoo wadatashi dheer lala sameeyey dhammaan bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada sanadihii 2014 iyo 2015 iyo sanadkan 2017. September 2014 ayuu Xildhibaan Mustafa Sh. Ali Dhuxulow oo markaas Wasiirka ahaa hor geeyey Golaha Wasiirada, ka dibna ugu danbeyntii Wasiirkii hore, Xildhibaan Maxamed Cabdi Hayir (Mareye) ayaa 2015kii hor-keenay Golahan oo 28kii December 2015 la ansixiyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in sababta wax ka bedel loogu sameeyey Xeerka Saxaafada ay aheyd codsi uga yimid bahda Saxaafada oo qodobo qaarkood u baahday in isbedel lagu sameeyo ka hor inta aan la dhaqangelin. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Annagoo tixgelineyna codsiga bahda saxaafada ayaan bilownay wadatashiyo oo 6 – 8dii May 2017 kulan ku yeelanay Muqdisho oo ay Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Saxaafada goob-joog ahaayeen. Qoddobadii wax ka bedelka ee la isku raacay ayaan wada siiqeynay. Intaas ka dib ayaan sii wadnay wadatashiga oo aan gaarsiinay heer aan Xeerkii oo isbedelka lagu sameeyey aan ka sii wadatashano. Kulamo kale oo aan Bahda Saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada la sameynay bishii June 2017 ayaan ka sii wadatashanay iskuna wada raacnay qoddobada wax ka bedelka u baahan. 22kii Juun iyo 11kii July ayaan markale bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada u gudbinay nuquladii ugu danbeeyey, ka dibna Golaha Wasiirada ayaa 13kii July 2017 ansixiyey Xeerkan lagu sameeyey wax-ka-bedelka.”

Qoddobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah:

  • Qoddobka 35aad oo shuruudihii aqoonta iyo Jaamicada ka saarnay annagoo u daneyneyna daruufaha heysta suxufiyiinta.
  • Qoddobka 18aad oo isna laga saaray shuruudihii aqoonta iyo imtixaanka;
  • Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso – Firqadiisa T) lacagta ganaaxa oo laga dhigay 300 – 1500 (halka ay markii hore ka aheyd 500 – 3000);
  • Qodobka 34aad – Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) – halkii markii hore aheyd in qof walba oo daawada TV uu bixiyo Qidmada TV-ga, waxaan ku bedelnay in shirkadaha Cable-da ee bixiya adeegyada TV-yada in lacagaha ay shacabka ka qaadaan ay ku waajibeyso canshuur. Sababta aan u sameynay ayaa aheyd inaysan macquul noqon karin in qof walba oo daawada TV laga qaado Qidmo oo ay aad u adkaan laheyd dhaqanglintiisa.
  • Qodobka 14aad – Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed – waxaan ku darnay qeyb oraneysa Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest) – Waqtiga Guddigana waxaan ka dhignay 2 sano, halkii uu markii hore ahaa 4 sano – Sababta ayaa ah bacdamaa guddigan uu cusub yahay, tahayna markii ugu horreysey oo caqabado ay la kulmayaan in waqtiga la yareeyo, walow loogu dari karo mudada oo loo kordhin karo.
  • Qoddobka 33aad – Adeega Warbaahinta Dowladda waxaa lagu bedelay Adeega Warbaahinta Bulshada – sababta ayaa ah in baahi gaar ah loo qabto adeega warbaahinta Bulshada bacdamaa uu dalku galayo marxalad xisbiyo siyaasadeed lagu hirgelinayo oo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qabanayo.
  • Qoddobka 16aad, Qoddobka 21aad, Qoddobka 27aad, Qoddobka 28aad, Qoddobka 30aad, Qoddobka 31aad waxaa lugu xusay doorka wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.
  • Qoddobka 38aad – Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha oo markii hore af-english u fasirnaa (Copy Right) ayaan hadda ku bedelnay (Intellectual Property Rights) –
  • Qodobka 1aad – Erey bixinta oo la-tashiyo lala sameeyey Garyaqaanada ayaa erayada sixitaan lagu sameeyey, walow macnahu uu isku mid yahay –

Wasiir Eng. Yarisow aya sidoo kale yiri “Waad dareemi kartaan ahmiyada weyn ee uu leeyahay Xeerka Saxaaafada oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta dalka, iyo sidii ay shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiqo ah oo la hubiyey oo bulshada u horseeda horumar, nabad iyo xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed. Mar haddii ay jireen qodobo aasaasi ah oo u baahnaa in wax laga bedelo si loo dhaqangeliyo xeerka ayaan fursad u siinay suxufiyiinta iyo dowlad goboleedyada oo aan si guud wax ka bedel ugu sameynay.”

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Ka Wasiir ahaan waxaa iga go’an inaan kor u qaado Xoriyada Hadalka iyo Fikirka sida uu qeexayo qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah, tanoo muhiim u ah in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo leh xirfad iyo aqoon si ay si-mas’uuliyadi ku jirto ay si xor ah u tabiyaan wararka iyo barnaamijyada. Xeerkan waxuu si adag uga hadlayaa xaquuqda suxufiyiinta oo aad ogtihiin duruufaha ay ku shaqeeyaan noogana baahan inaan garab-istaagno si ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerka iyo shuruucda dalka. Xeerkan waxuu abuurayaa Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed oo mas’uul ka noqonaya dhaqangelinta Xeerka oo cidii ku xad gudubta laga qaadayo tallaabada ku habboon.”

Ugu danbeyntii, Wasiir Eng. Yarisow ayaa xildhibaanada Sharafta leh uu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday inay ka aqblaan soo gudbinta wax ka bedelka Xeerka Saxaafada oo ay ka doodaan kana gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay ansixiyaan ka dib marka ay tallooyinkooda iyo fikirkooda ku biiriyaan.

DHAMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka

0

Muqdisho, Sebtember 23, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku guddoomiyey shir ku saabsan dar-dar gelinta hawlaha dib u eegista dastuurka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Raiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Labada Guddi ee dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha waxaa loogu soo bandhigay shirka, warbixinno ku saabsan halka ay maraayaan qorshayaasha dib u eegsita dastuurka, heerka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka.

Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliye Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo qorsheyaasha sal-u-dhigista nidaamka Federaalka.

Madaxweynuhu ayaa kula dar-daarmay dhammaan masuuliyiintii ka qayb galay shirka in ay ka soo baxaan hawsha adag ee loo xil saaray, isaga oo ka codsaday in muddo 10 maalmood ah ay ugu soo gudbiyaan qorshe howleed dhammaystiran.

“Maanta, haddii aan ka faaiidaysano khibraddeena iyo aqoonteenna waxaan aaminsanahay in aynu ku dhamaystiri karno hawlaha dastuurkeenna si wanaagsan oo sharaf leh, umadduna ku qancaan beesha caalamkuna nagu ixtiraamaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan iyo Guddiga Barlamaanka ee la socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa madaxweynha u muujiyey sida ay uga go’antahay ka shaqaynta iyo dhammaystirka dastuurka.

 DHAMMAAD

 05A7545

 05A7383

 05A7530

 05A7449

 05A7575

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka iyo Cadaaladda oo hortagay Golaha Shacabka

0

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka  iyo Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku kulmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha xubnaha Golaha Shacabka ayaa la xiriiray Hindiso Sharciyeedyo horey wasaaradahaasi ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan ayaey xubnaha Golaha Shacabku ka dhageysteen warbixin ku aadan wax ka badalka Xeerka Saxaafadda oo wasaaraddu ay soo gudbisay kadib markii wadatashiyo kala duwan ay kala soo sameysay bahda warbaahinta.

Sidaasi oo kale  wasiiradda Caafimaadka iyo Cadaaladda, ayaa warbixino ku aadan Hindise sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo Hindise sharciyeedka musuq maasuqa oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda hor geeyey Xubnaha Golaha shacabka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Halkaan kala soco.

Ciraaq oo guulo hor leh ka sheegatay dagaalka ay kula jirto Daacish

0

Baqdaad   (SONNA)- Ciidamadda Ciraaq ayaa guulo deg deg ah ka gaaray Xoreynta magaalada Al-Xuweyja, iyadoo dagaalkaasi oo galay maalintiisii labaad ay Ciidamadda Ciraaq kooxda Daacish ka xoreeyeen in ka badan 30-tuulo oo hoos taga magaaladaasi,iyagoo saddex jiho ka weeraray Argagixisada ku sugneyd magaalada Al-xuweyja.

Kooxda warfidiyeenka oo la socda ciidamada Ciraaq ayaa ku soo bandhigay barahooda in ciidamadda wadajirka ah ee dagaalkaasi ku wehliya ciidamada Ciraaq ay u suurta gashay  inay 30-tuulo ka xoreeyaan Daacish, iyada oo dhulka la xoreeyey lagu qiyaasay  in masaafadiisu dhan tahay 530-km oo isku weer ah.

Warfidiyeenku waxay intaa raaciyen in dagaalkaasi dhex maray ciidamadda Ciraaq iyo kooxda Daacish uu sababay dhimashada  tobaneeyo ka tirsan Daacish iyo burburinta saldhigyo ay kooxdaasi  ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo dhanka kale diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq hawada ka garaacayeen maleeshiyaadka ka tirsan Daacish.

 

Howlgalo Amaanka lagu xaqiijinayey oo xalay laga sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa Xalay Howlgalo Ka sameeyay xaafado katirsan degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadda Juungal, Waxaana Ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga, si  looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadda ayaa la arkayey iyaga oo baaraya guryaha ku yaal Xaafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmayey dadweynaha ku sugnaa deegaanka uu ka socday howlgalka.

Howlgala ayaa sidoo kale waxaa ka Qeyb qaadanayey maamulka degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmadaas, iyo masuuliyiin kale.

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtay howlgalka, waxaana la isugu  keeney barxad ku taal xaafadda JuungaL ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadib markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley warbaahinta howlgalka kadib, ayaa ka warbixiyay sida uu u dhacey howlgalkaasi isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamadda Amniga.

Ciidamadda Xasilinta caasimadda ayaa mudooyinkii dambe howlgalo lagu xaqiijinayo amniga kawaday degmooyinka gobalka Banaadir, kaasi oo lagu beegsanayey maleeyshiyaadka Al-shabaab.

W/D:- C/qaadir Fantastic

 

Shir hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

0

Shirkani oo halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Shirkani oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Ka-Joog iyo guddi gaar ah oo ka shaqeynayaa horumarka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington,wakiilo ka socday aqalka cad ee loogu arimiyo Maraykanka iyo dhalinyaro wax ku baratay dalka Maraykanka

Waxaana shirkani lagu wadaa in uu socdo mudo laba Maalin ah ayaa lagu soo gaba gabayn doonaa jaamacada Minnesota.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay

Madaxa ururka Isuroon Fartuun Weli oo ka mid ah aqoon yahanada shirkani ka hadlaya ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed door weyn ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka iyo Cadaaladda oo hortagay Golaha Shacabka

0

Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka  iyo Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku kulmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha xubnaha Golaha Shacabka ayaa la xiriiray Hindiso Sharciyeedyo horey wasaaradahaasi ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan ayaey xubnaha Golaha Shacabku ka dhageysteen warbixin ku aadan wax ka badalka Xeerka Saxaafadda oo wasaaraddu ay soo gudbisay kadib markii wadatashiyo kala duwan ay kala soo sameysay bahda warbaahinta.

Sidaasi oo kale  wasiiradda Caafimaadka iyo Cadaaladda, ayaa warbixino ku aadan Hindise sharciyeedka Caafimaadka oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo Hindise sharciyeedka musuq maasuqa oo ay soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda hor geeyey Xubnaha Golaha shacabka.