Isu soo bax Nabadda lagu taageerayay oo ka dhacay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Date:

Gaalkacyo (SONNA) Dibad bax lagu taageerayay Nabadda iyo xasiloonida Gaalkacyo oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay guud ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Isu soo baxa Nabadeed ayaa u jeedkiisu ahaa in bulshada gobolka ay ka wada shaqeyso Nabadgelyada iyo in laga hortago shaqaaqooyin dhawaan ka soo cusboonaaday dhanka miyiga ee gobolka Mudug.

Banaan baxa waxaa ka qeyb galay dhamaan ardayda wax ka barata Gobolka, kuwaasi oo socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay oo ay ka qeyb qaateen ciidamada isku dhafka ah ee loo qorsheeyay sugidda amniga Gobolka Mudug.

Taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug Shariif Cali ayaa sheegay inaysan ka daaleyn inay la shaqeeyaan cidkasta oo Nabadda ka shaqeyneysa, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan Nabadgelyada Gobolka.

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in banaan baxani ay tahay mid bilow u ah Nabadda, waxaana uu intaa ku daray in Gaalkacyo ay tahay mid oo aysan ogolaan doonin in amni darro laga shaqeeyo.

Qaar ka mid ah ardaydii dibad baxa dhigeysay iyo waxgaradka magaalada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka banaan baxa uu yahay in guud ahaan laga wada shaqeeyo amniga Gobolka, isla markaana laga hortego cidkasta oo abuureysa qal qal amni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...