Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo la kulmay Xildhibaanno ka yimid Turkiga

Date:

Muqdisho(SONNA)-Guddoonka Aqalka Sare ee Dalka ayaa maanta la kulmay wefdi ka socda Baarlamaanka dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo sida loo xoojin lahaa.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

“Guddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdi la socday waxa ay tegeen xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay kula kulmeen wafdi Xildhibaanno ah oo ka yimid dalka Turkiga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, kaasi oo ku soo dhamaaday guul iyo isfaham” ayuu yiri Cali.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa xusay in Xildhibaanada ka yimid dalka Turkiga ay Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo gudbiyeen mahadcelin, waxaana ay ka codsadeen in wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha ay booqasho ku tagaan Dalka Turkiga.

“Guddoomiyaha ayay u soo gudbiyeen casuumaad ku aadan in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo booqdaan Dalka Turkiga, Guddoomiyihuna wuu ka aqbalay arrintaa in sanadkan gudiisa ay tegaan Dalka Turkiga, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarijta

Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar...

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta...