Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaan hoostaga Buurdhuubo

Date:

Buurdhuubo(SONNA)-Ciidamada Guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa gebi ahaanba la waregay gacan ku haynta Degaanka Qundhuud oo ka mid ah deeganada  hoostaga Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo, isla markana qiyaaas ahan  u jirta buurdhuubo 38km  ee dhanka  Waqooyi Bari ka gadaal marki ay ciidamada xoogga dalka ay werar ku qadeen saldhig  Al-Shabaab ay ku lahayeen degaankasi

Ujeedka howlkalka waxa u ahaa sifeynta deeganada ay nabadiidka weli ku sugan yihiin, iyadoo maleshiyaadka Al-Shabaab loogu gaystay qasaaroyin lixaad ah, howlgalkii ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Qundhuud.

Saraakisha Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiiyay in kooxda Al-Shabaab looga dilay weerarka maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana laga furtay hubkii ay wateen maleshiyadki la dilay

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheeq Maxamed Xuseen Isaak Al-qaadi ayaa warbahinta Qaranka u sheegay in fariisin ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Qundhuud lagala wareegay, isla markaana goobta lagu dilay tiro maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Maalmihi ugu dambeyay ciidamada guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa ka waday deegaanno badan oo ka tirsan Gobalka Gedo howlgallo ka dhan ah Nabadiidka, si guud ahaan looga ciribtiro deegaannada ay kaga suganyihiin Kooxda Al-Shabaab Gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...