Home Blog Page 1541

Guddoonka Golaha Shacabka oo fasaxay shirarka guud ee Golaha inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidda iyo Xajka.

0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane C/welli Sheekh Ibraahim Muuddey oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay hakad la geliyay kulamadii guud ee Golahaasi.

Mudane C/welli Ibraahim Sheekh Muuddey ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha SHacabka uu kulamadoodi guud ay hakad galayaan inta la soo gudanayo waajibaadka Xajka iyo munaasabadda ciidda.

Wuxuu xusay in dib la isugu soo laaban doono wixii ka dambeeya 6-da bisha soo socota ee September.

Hadalka guddoonka Golaha Shacabka ayaa imaanaya xili loo diyaar garoobayo gudashada Waajibaadka Xajka iyo munaasabadda Maalinta ciidda.

Waa Kuma Mukhtaar Roobow.?

0

Mukhtaar Roobow Cali oo ku magac dheer Abuu Mansuur, waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Alshabaab ee aadka loo yaqaan.

Markii ugu horreysay ee dadku aad u barteen waxa ay ahayd markii ay maxaakimtii Islaamiga ahaa qabsadeen Muqdisho iyo inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Abuu Mansuur waxa uu xilligaas noqday ku xigeenka xog-hayaha difaaca ee Midowgii Maxaakimta.  Waxa uu ka mid ahaa wafdigii maxaakimta ee tagay Khartoum si ay uga qeyb qaataan wada hadalladii dhex maray dowladdii madaxweyne cabdullaah Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta.

Markii maxaakimtii laga saaray Muqdisho Roobow waxa uu tagay Asmara, Eritirea. Ismaan dhaaf kala dhexeeyay hoggaankii maxaakimta ayaa ku riixay in uu ku biiro Alshabaab oo magacooda si rasmi ah u shaaciyay bartamihii 2007.

Roobow waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab xilkaas oo uu hayay ilaa  bartamihii 2009-kii. Markii laga wareejiyay Afhayeennimada Alshabaab, Abuu Mansuur waxaa la sheegaa in uu noqday ku xigeenkii Axmed Godane, jagadaas oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Bishii June 2012 dowladda Mareykanka ayaa madaxa Mukhtaar  Roobow dul dhigtay 5 Milyan oo Doollar.

2013-kii markaas oo uu aad dibadda ugu soo baxay khilaafka u dhexeeya hoggaanka Alshabaab, Mukhtaar Roobow waxa uu ku jiray horjoogeyaal sar sare oo kooxda ka tirsan si xooggan  uga hor yimid qaabkii uu kooxda u hoggaaminayay Axmed Godane.

Khilaafkaasi waxa uu sababay in Godane uu ka takhaluso qaar ka mid ah raggii ugu sarreeyay kooxda sida Ibraahim Afgaan, Cabdixamiid Colhaye, Abuu Mansuur Alamriiki oo isagu Amerikaan ahaa iyo saraakiil kale Soomaali iyo Ajnabi isugu jiray.

Mukhtaar Roobow waxa uu xilligaas goostay in uu keynta galo, isagoo wata dagaalyahanno isaga u daacad ah, halkaas oo uu difaac uga jiray muddo dhowr sano ah.

Bishii June ee sanadkan ayay dowladda Mareykanku  Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka lacagta la dul dhigay.

Maalmo ka hor ayay Ashabaab weerareen saldhiggii Roobow ku lahaa gobolka Bakool.

Horraantii toddobaadkan ayaa  Mukhtaar Roobow la keenay Muqdisho,isagoo laga soo duuliyay Xudur, Bakool.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka August,2017, ayuu Roobow Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inuu Alshabaab isaga baxay 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, waxa uuna dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay doorkii ay ku lahayd halka ay hadda wax marayaan.

W/Q Liibaan Cabdi Cali

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow

0

Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

DHAMAAD

Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Barlamaanka Jubbaland

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray Kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Qudbad dheer oo Madaxweynahu uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga hadlay arimo kala duwan isagoo si gaar ah ugu dheeraday wadashaqaynta Hay’adaha Dowlada iyo iska warqabkooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah in loo wajaho isla markana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexdooda.

Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka ugu badan ay uga imanayaan si taas loo yareeyana sida ugu dhaw loo dhisi doono gudiga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hananka garsoorka Jubbaland.

Dhamaan dhulka ay Dowladu leedahaya ayuu Madaxweynahu ku cel celiyay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.

Hananka qaybsiga khayraadka ayuu Madaxweynahu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la meel mariyo.

“Dowlada Federaalka ah waxay xuquuq u leedahay iyo waxa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa in ay cadaata oo hadhow aan la isugu iman muran iyo dood” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ku dheeraday sida Madaxda Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay talooyinka ka qaatan dadka wax galka ah ee doonaya in wadanku uu hagaago.

“Bulshadii waxay u kala qaybsantay labo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya labadaas noocba waxaan u baahanahay in aan ka fogaano oo meel dhexe aan wax ku cabiroa”ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Isagoo sii hadlaya Madaxweynahu wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay Soomaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada kamid ahna ayna ku baraarugsanayn.

Baraha Bulshada ayuu xusay in qaar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku duminaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.

Gaba gabadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah 15, August 2017 si rasmi ah usoo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland.

 

Fartaag oo ku guuleystay kamid noqoshada Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal

0

Xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Ilaa afar musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Shukri Aadan, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, ayaa u tartamay kursigan, waxaana wareegga koowaad ku haray, mudanaayasha kala ah Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, halka ay wareega labaad u soo gudbeen Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Shukri Aadan Maxamed.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursiga, kaasi oo helay codad dhan 24, halka Shukri Aadan ay heshay 22 cod.

Mukhtaar Roobow Cali oo caddeeyay in uu ka baxay kooxda Al-shabaab (Daawo Muuqaal)

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iminka magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali ayaa caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka sababay in uu isku soo dhiibo, ayna u socdaan wada hadalo oo uu rajo weyn ka qabo in ay guul ku dhammaadaan.

“Waxaan cadeynayaa inaan ka baxay kooxda AL-shabaab ee aan xubinta ka ahaa muddo 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan iyo dhanka caqiidada, markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in i dilaan, balse Alxamdulillaah waan ka guuleystay” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

Rooboow ayaa sheegay in muddo uu ku noolaa meel isaga iyo ciidamado taabacsan ay ku sugnaayeen, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in uu iska difaacay kaddib markii uu gacan ka helay ciidamada dowladda, sida uu xaqiijiyey.

Rooboow  ayaa Axaddii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo wareejiyay gacanta dowladda, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono Nabadda iyo horumarka dadkiisa iyo dallkiisa.

 


Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u howlgelinayo Dugsiga 15 May (Daawo Muuqaal)

0

Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee 15-May oo ah Iskuul  taariikh weyn ku leh hormarinta tacliinta dalka iyo dadka Soomaaliyed, ayna ka aflaxeen arday aad u tira badan oo si lacag la’aan ah wax ugu bartay, kana mid ahaa xarumaha waxbarasho ee ay saameeyeen bur burkii dalka ayaa la qorsheynayaa in dib u dhis lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa uu balan qaaday  in Degmooyinka Gobolka Banaadir laga hirgelin doono xarumo waxbarasho oo lacag la’aan ah, si loola dagaallamo jahliga, isla markaana ay fursado waxbarsho u helaan muwaadiniinta Soomaaliyed ayaa maanta Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya waxey xariga jareen dib u howlgelinta Dugsiga Hoose, dhaxe iyo Sare ee 15-May.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Maxamud Warsame sheegtay in iskuulkan uu ka midyahay iskuulaadka caanka ah, ayna ku dadaalayaan sidii markale dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada loogu sameyn jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada Gobolka Benaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji (Ereg ) oo ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee 15-May ayaa sheegay in iskuulkan uu yahay mid taarikhi ah, isla markaana uu ku faraxsanyahay howsha bilowga ah.

Qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaliya Tamer Safwat Al-Mahdy  waxa uu sheegay in bisha Sepmter ee sanadkan 2017 dib loo howl gelin doono iskuulka 15-May.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in Dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare ee 15-May uu yahay mid si lacag la’aan ah wax loogu baran doono, isla markaana Degma kaste xuruma wax barasho oo lacag la’aan ah laga hir gelin doono.

Dhan kale Maamulka Gobolka Benaadir ayaa kormeer ku tagay xaruntii hore ee Ubaxa ama dhirta Dowladda Hoose ee Degmada Warta Nabadda, iyagoo u kuur galayay sidii looga shaqeyn lahaa dib u soo nooleynta xaruntaasi si bulshada Soomaaliyed ay u helaan gooba ay ku dalxiis tegaan oo ay ugu nastaan.


Furitaanka waddooyinka caasimadda waa kuwo muhiim u ah bulshada.

0

Wadooyinka waa halbowlaha ay bulshadu u maraan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha iyo kuwo kale oo aan looga maarmin habsami u socodka howlaha dowladnimo oo waqti xaadirkaan u muuqdo kuwo ka soo kabanaya burburkii soo gaaray guud ahaan dalka.

Qaar kamid ah waddooyinka ayaa illaa hadda u xiran xaalado amni ,kuwaas oo lagu yareynayo qatarta falalka argagixiso ee ay ku kacaan kooxaha ka horjeeda dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kaashanaaya Wasiirka Amniga ayaa dhowaan ku guuleystay in la furo wadada u dhaxeysa Guriga Shaqaalaha iyo isgoyska Kaasa Bobolaare oo kamid ah jidadka loo xiray sababo la xiriira xaalado  amni.

Mas’uuliyiintaasi ayaa xusay in tallaabadaasi la qaaday ay tahay sidii loo fududeyn lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka,isla markaana loo qaadi lahaa culeyska bulshada ka heysta  xiritaanka waddooyinka qaar.

Madaxda Gobalka Banaadir ee horseedka ka ah furitaanka wadadaasi waxa ay soo jeediyeen in dadweynuhu ay dowladda kala shaqeeyaan ilaalinta sharciyada wadooyinka iyo dhinaca amniga .

Waa tallaabo wanaagsan mar haddii maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amnigu ay xilligaan garteen  muhiimadda waddooyinka xiran ay u leeyihiin isu socodka dadweynaha iyo nuucyada Gaadiidka kala duwan ee ay ku safraan dowladda iyo Bulshada kale.

Illaa hadda waxaa lagu guuleystay in la furo wadada u dhaxeysa Guriga shaqaalaha iyo Kaasa bobolaare.waana tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka wanaagsan,iyadoo la ballan qaaday in kuwa dhimman si degdeg ah logu howlgalayo.

Wadooyinka  xiran, isla markaana u baahan in laga qaado dhagxanta waaweyn ee lagu dadbay waxaa kamid ah jidka u dhaxeeya Nambar Afar iyo Tarabuunka,kaas oo ah waddo halbowle ah oo loo maro xarumo caafimaad,Jaamacado iyo xaafado ku yaalla degmafa Hodan,

Wadada kale ee isku xirta Dekedda iyo Sayidka ayaa kamid ah jidadka xiran oo haddii lafuro fududeynaya isu socodka nucyada Gaadiidka,waxaana sidoo kale jira kuwo xiran oo ay ugu horeeyaan tan marta Baar Fiyaat iyo Beexaani ,Garoonka Diyaaradaha iyo tan kale ee hareer marta Bangigan iyo Degmada Shingaani

Waxaa dhibaato ah in waddooyinka Magaalada Muqdisho oo hagaajintoodu ku baxday lacago malaayiin ah oo doolar,kuwona ay haatan socoto dhismahoodu  ay jiraan dad waxmagarad ah oo qashinka faraha badan iyo biyaha wasaqda ah ee laga isticmaalo xaafadaha ku shuba jidadka.

Inkastoo ay bilow tahay howsha furitaanka jidadka, haddana waxaa jira kuwo shaqeeya oo ay ka muuqdaan qashin iyo biyo wasaq ah,sida tan u dhaxeysa Afisiyooni iyo Ceel gab,Waana  in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo ilaalinta waddooyinka.

Maamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,gaar ahaan furitaanka waddooyinka  Waxaana Maamulka Goblka Banaadir laga sugayaa in uu si degdeg ah u dhameystiro dib u furidda jidadka, iyadoo , howsha ugu weyn ay tahay xakameynta iyo qabashada kooxaha caadeystay burburinta jidadka laamiga ah.

Dantu waxa ay ku jirtaa guud ahaan in la furo jidadka u xiran Dowladda, hey’adaha iyo ganacsatada,lagana wada shaqeeyo soo celinta amniga ,sababtoo ah waddooyinkaasi inta badan waxa ay yihiin kuwo aan looga maarmin adeegyada lagu raadinayo nolosha dadka iyo isu socodka nuucyada gaadiidka.

Dadnimada  ayaa ku fareysa in loo howlgalo ilaalinta iyo dib u furista waddooyinka gala goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida suuqyada,xarumaha caafimaadka  iyo wixii kale oo la halmaala.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Madaxweynaha Galmudug oo rajo wanaagsan ka muujiyey wada hadalada u dhaxeeyo Galmudug iyo Ahlusuna

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee deegaanada Galmudug iyo Waxyaabaha u qabsamay Maamulkiisa.

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in sababta uu ilaa weli ugu dhawaaqi la’yahay Golahiisa Wasiiradda ay tahay xal uu u raadinta khilaafka ka dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wafdi ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta XFS oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti

0

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa uu sheegay in ay la soo qaadi doonaan dhigoodda dalka Jabuuti arrimaha la xiriira horumarinta Iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada

“Waxa aan u soconaa howlo ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada Jabuuti iyo Soomaaliya oo aan hore u saxiixanay kaas oo ku saabsanaa in Boostada Jabuuti ay noqoto xiriirka Boostada Soomaaliya ee dibedda(Gateway ) iyo arrimo kale oo xiriira horumarinta xiriirka labadda dal ee dhinaca Iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta” ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda  Somaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan.