Home Blog Page 1541

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Xafiiska Beledweyne, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska deegaannada Maamulka Hirshabelle.

Ugu horeyn Saraakiisha ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa ay ugu hambalyeeyeen Mas’uuliyadda culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha Hirhshabeelle howlaha ay ka qabteen deegaannada Maamulka iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada, arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, isla markaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ah ee soo food saara bulshada Hirshabelle.

Mudane Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan, taasina looga baahanyahay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Elman oo xaqiijisay saxiixa Maxamuud Meyman

0

Muqdisho (SONNA):- Naadiga kubadda cagta ee Elman oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka ayaa rasmi ula wareegtay laacibka Maxamuud Cabdinuur Maxamed oo lagu naaneyso Meeyman.

“Saakay waxa uu yimid tababarka kooxda, kaddib heshiis uu la gaaray naadiga waxaa loo xeray lambarka 7-aad ee naadiga, waa xiddig weyn oo aan aaminsanahay inuu wax kusoo kordhin doonno weerarka kooxda Elman.” Kabtanka kooxda Elman Xasan Cali Rooble (Babaay), ayaa warkan u sheegay SONNA.

Lambarka toddobaad ee Elman, waxaa horay u xeran jiray Allaha u naxariisto Cumar Muumin Daahir Zimbabwe, kaas oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Francisco Madeira” Dhalinyarada katirsan Al-shabaab haka faaiideystaan fursadda Dowladda Soomaaliya oo haka soo baxaan Al-shabaab”

0

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira, faah faahiyey Dagaalka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay kula jirtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada xiligan socda.

Madeira ayaa muujiyey in si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab uu socdo qorshe weyn oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa gulufka Argagixisada ka dhanka ah ee sida wadajirka ah ay u wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahad celiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaadaneyso howlgalada Socda, waxaana uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in dowladda laga taageero dadaalada socda ee meesha looga saarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

 

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa u jeediyey Dhalinyarada kamidka ah Maleeshiyaadka  Al-shabaab in ay ka faaiideystaan dadaalada nabadeed ee ay waddo dowladda oo ay kasoo goostaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.

“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah ugu eedeeyey falalka ay kamidka yihiin Askareynta Caruurta oo uu tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ay galeen.

 

Waqooyiga Kuuriya oo waynaysa xiriirkii Ganacsi ee kala dhexeeyay Shiinaha

0

Shiinaha(SONNA) Xukuumadda Beijing  ayaa sheegtay in ay  xadidayso xiriirka dahnka ganacsiga shidaalka ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya kala dhexeeyo Shiinaha,Waxaa sidoo kale la joojinayaa iibka dharka ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya laga soo iibsado.

Wadamada Shiinaha  iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa waxa ka dhexeeya xiriir ballaaran oo dhanka ganacsiga ah,kaasi oo haatan u muuqda mid sii xumaanaya kadib markii Kuuriyadda Waqooyi lagu soo rogay xayiraado horleh.

Joojinta iibinta dharka ayaa xukuumada Waqooyiga Kuuriya waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn,taasi oo qeyb ka ah talaabooyinka la doonayo in lagu ciqaabo Xukumadda Pyongyang oo ku adkaysanaysa in ay sare u qaadayso Gantaaladeeda Nuclearka ah.

Shiinaha ayaa saaxiib soo jireen ah la ahaa Waqooyiga Kuuriya, balse tijaabooyinka hubka ee Pyongyang ayaa arrimahani sababay,kadib markii xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qm iyo golaha loo dhanyahay ay si isku mid ah u cambaareeyeen horumarinta barnaamijka Nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi.

War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in tilaabooyinkani ay hirgeli doonaa bisha Octobar kowdeeda.

Waqooyiga Kuuriya waxaa sidoo kale ay kala fogaanayaan wadanka Maraykanka oo weerar afka ah ay hadda isku hayaan,afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay waxaa Dolwadda Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in aanay joojin doonin gantaalada Nuclearka ah,iyadoo hogaamiyaha wadankaasi uu si kulul u weeraray siyaasadda madaxweyne Donald Trumka Mareykanka.

Somalia iyo Suudan oo ka wada hadlay iskaashiga Ganacsi

0

Suudaan(SONNA) Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha guud ee Warshadda soo saarta dawada xoolaha ee Dalka Suudaan  Bashiir  Xasan Bashiir iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Kulankan ay wada qaateen labadan mas’uul ayaa waxey ugu wada hadleen sidii Xiriir ganacsi ay u yelan lahaayen Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan,waxaana Guddoomiyaha Guud ee Warshadda Bash Pharma uu sheegay inay aad u daneynayaan Maalgashi ay ku sameystan Dalka Soomaaliya,islamarkaane ay doonayan inay Daawoyanka ay soo saarta Warashadda ay u dhoofsadan Dalka Soomaaliya.

Sido kale madax Arrimaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi Suudaan ayaa asigana sheegay in madaxda Warshadda Bash Pharma oo dawooyinka Xoolaha soo saarta ay baahi gooni ah u qaban in xiriir ganacsi la sameeyan Soomaaliya.

Dhanka kale Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Madax Arrimaha Ganacsiga Safaaradda ee Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa Shirkadda Kenana oo ah shirkad soo saarta Sonkorta,waxey kulanka ugu wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga ee labada dowladood iyo inay Soomaaliya ka go’antahay inay wax la qabsadaan Walaalahooda Suudaan.

Madaxa Shirka Kenana ee Suudaan oo soo saarta Sonkorta AL-Nuur Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin buuxda ka qaatan dhamaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Tan iyo burburkii Dowladdi dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa meesha ka maqnaa xiriiro badan oo dhanka ganacsiga uu dalka la lahaa hey’ado iyo Wadamo Caalamka ka tirsan,balse haatan ayaa waxaa la dareemayaa wax xoogaa horumar ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka saaran

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaarah Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadlay dhinacyada,Ammaanka,Siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah Shabaab,arrimaha bani’aadanimada,isagoo taageero dheeraad ah ka dalbaday Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee dhinaca hubka ah,si Dowladdu ay uga guuleysato dagaalka ka dhanka ah koooxaha Argagixisada oo khatar ku ah horumarka Dalka.

“Soomaaliya waxay soo martay oo waayo joog unoqotay, colaado,abaaro,macluul iyo amni xumo, marka waxaan fahamsanahay ahmiyadda ay nabaddu u leedahay Dalka Soomaaliya haatan horumar ayaa ku sii talaabsanaya”,Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu soo hadal qaaday caqabado uu sheeegay in ay ka hor gudban yihiin Dowladda Soomaaliya,taasi oo u baahan in Dowladda laga caawiyo.

“Waxaa jira caqabado ku hor gudban Dowladda oo ah dhaqaale xummo,waa ay adagtahay in laga gudbo aqabadahaasi hadii aan loo heli taageero dhaqaali iyo maalgashi Caalami ah,argagixisada ayaa ah caqabadda ugu weyn ee dalka haysata,sida ururada ISIS iyo Alqaacidda loona baahan yahay in wax laga qabto”,ayuu intaasi ku daray Raiisul Wasarae Khayre.

Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabanaysay ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ku aadan dhismaha ciidan Qaran balse caqabadda jirta ay tahay xayiraadda Hubka ah ee saaran Soomaaliya,taasi oo uu ka dalbaday Caalamka in Soomaaliya laga qaado cuno qabatayntaasi, si loogu guuleysto xasilinta Dalka,isagoo AMISOM uga mahad naqay guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dowladda Federaa;lka Soomaaliya ayuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre in ay fursada siisay dhalinyarada  iyo haweenka in ay ka qeyb qaataan hanaanka Dowladnimo iyo hogaaminta dalka,isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Alla ha unaxriistee Wasiir Cabaasi C/llaahi SHeekh Siraaji oo ahaa Wasiir dhalinyaro ahaa,taasi oo uu ku sheegay in ay muujinayso in Dowladdu ay ka qeyb gelinayso dhalinyarada iyo haweenka dhismaha Dowladnimada.

Abaaraha soo noqnoqday iyo waxbarasho la’aanta ayuu ku sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen dhibaatooyinka dalka kajira kuwaasi oo dad badan ku qasbay in dalka ay ka cararaan,raiisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay in baahiyo weyn loo qabo taageero dhin kasta leh in QM iyo Beesha Caalamka ay ka hesho Soomaaliya.

Ciidamada xasilinta caasimadda oo howlgallo ka fuliyay degmada Yaaqshiid

0

Howlgalkaan oo ay Ciidamada xaslinta Caaasimadda Xaley ka sameeyeen Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir ayaa ahaa mid lagu xaaqiijeneyay Amniga maqaalada Muqdisho si looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada u maleegayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo baariya Guryaha ku yaal Xafadda Juungal, isla markaan si fiican ula dhaqmiyay daweynaha ku sugnaa deegaanka ay ka socotay howlgalka, Waxaana ka qeyb qaadanayay Maamulka Degmada Yaaqshiid oo uu ugu horeeyo Guddomiyaha Degmadaas

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagu qabtey howlgalka, waxaana la isku keeney barxad ku taal Xaafadda Juungalka ee degmadaas halka inta badan la sii daayay kadibna markii lagu sameeyay bartaan.

Guddomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan oo la hadley Warbaahinta howlgalka kadib ayaa ka warbixiyay sida uu dhacey howlgalkaa, isagoo ugu baaqey bulshada iney la shaqeyaan ciidamada Amniga.

Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa inta waxa ay howlgal ka sameeyay Degmooyinka Gobalka Banaadir, kaaso oo wax badan ka badaley Amniga Caasimadda Dalka, iyagoo sii laba jibaarey Howlagalada ka dhanka ah Maleyshiyaadka Al-shabaab.

Francisco Madeira” Dhalinyarada katirsan Al-shabaab haka faaiideystaan fursadda Dowladda Soomaaliya oo haka soo baxaan Al-shabaab”

0

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira, faah faahiyey Dagaalka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM ay kula jirtaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo halka ay marayaan Howlgalada xiligan socda.

Madeira ayaa muujiyey in si loo soo afjaro dagaalka Al-shabaab uu socdo qorshe weyn oo la xiriira sidii loo kordhin lahaa gulufka Argagixisada ka dhanka ah ee sida wadajirka ah ay u wadaan ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahad celiyey doorka wanaagsan oo ay ka qaadaneyso howlgalada Socda, waxaana uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed in dowladda laga taageero dadaalada socda ee meesha looga saarayo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa u jeediyey Dhalinyarada kamidka ah Maleeshiyaadka  Al-shabaab in ay ka faaiideystaan dadaalada nabadeed ee ay waddo dowladda oo ay kasoo goostaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan rabaa inaan muujiyo mahadcelinteyda iyo sida aan u aqoonsahay dadaalka dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay sameynayaan, waxa ugu muhiimsan ee salka ah Nabadda iyo xasiloonida waa nabadda, bixinta adeeg bulsho dib u heshiisiin, awood iyo qayraad qeybsi, iyo in wax laga qabto muranka dhuleed ee jira, lana xaqiijiyo ammaaka.” Ayuu yiri Madeira.

“Waxaan kaloo rabaa inaan ka mahadceliyo dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta xubnaha Al-shabaab ka mid ah ee falalka Argagixisada kula kaca dadkooda, oo ay joojiyaan falalkan kuna soo biiraan dadaalka Dowladdooda, bulshadooda iyo maamul goboleedyada, kaasi oo dib loogu soo celinayo nabada laguna hormarinayo dalka.

Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah ugu eedeeyey falalka ay kamidka yihiin Askareynta Caruurta oo uu tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ay galeen.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka QM …Akhriso

0

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyey shirka guud ee QM waxaana khudbadda Ra’isulwasaaraha ay aheyd sidan hoos Ku qoran: –

Speech: THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA PERMANENT MISSION TO THE UNITED NATIONS
Bismillahi Rahmani Rahim
Mr. President

Mr. Secretary-General of the United Nations
Honourable Delegates,

Excellencies,

Ladies and Gentlemen,
It is an honour to address the 72nd Session of the UN General Assembly. I bring you warm greetings and good wishes from our President, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and the entire Government and People of the Federal Republic of Somalia.

Allow me to first congratulate the President of the 72nd Session of the UN General Assembly for assuming this role, and for ably steering this august body toward a successful gathering. This year’s session also coincides on International Peace Day.

Yesterday, we observed the International Day of Peace. A day that called for togetherness and solidarity with those who have been forced to flee their homes and those who leave home to seek a better life. The theme of this year’s General Assembly, speaks of peace and a decent life in a sustainable planet. The similarity in focus, goes beyond coincidence to acknowledge that the pursuit for peace, decent life, respect, safety and dignity is a global need yet elusive for hundreds of millions of people in the world today. From Syria to the Central African Republic, from the Rohingya people of Myanmar to the people of Libya, the number of protracted and new conflicts remains unacceptably high. The Somali people have for many years been the victims of war, famine and poverty, which has seen them displaced internally, while others made the perilous journey abroad. We therefore know too well, the necessity for others to open their doors to distraught and disillusioned people who just like us are looking for a safe and dignified living. I take this opportunity to thank all those who, even in challenging times, continue to uphold this spirit of oneness, of sharing and caring.

Mr. President,
Somalia is rising and we are determined to stay the course. Our aim is to contribute positively to the progress of our region, our continent and the world. Despite enormous challenges we are, among others, improving security, re-establishing law and order and conducting the necessary political and socio-economic reforms. The progress achieved so far, is because the Somali people have embraced a new dawn and our relentless partners continue to walk with us in our journey towards peace and prosperity. We will continue to formulate measures to strengthen Somalia’s progress including in revenue generation, however, there are some serious challenges beyond the control of the Somali government. Debt relief would have the effect of unlocking concessional financing, attracting foreign investment and providing an opportunity that is critical to sustaining our reform efforts and consequently reinvigorate our economy. We are already working with International Financial Institutions towards this objective and through this forum, seek your support.

Mr. President:

Terrorism remains one of our pressing challenges, with its repercussions felt globally. As such, our unity in addressing this scourge, collectively and sustainably, is critical. No effort should be spared in neutralizing the growth and influence of international terrorist organizations such as ISIS and Al-Qaeda who as we know, are key influencers of localized terrorism. Efforts to step up military interventions against such groups should be re-doubled. In Somalia, we have made significant strides, which have weakened the capability of Al-Shabaab. In this regard, I would like to thank AMISOM for their sacrifice, unfailing support, dedication and solidarity in the fight against Al-Shabaab. To ensure the sustainability of such gains, we are focused on strengthening the military capacity of our national security forces. However, the arms embargo imposed against Somalia is a severe limitation towards this objective. The Federal Government of Somalia will continue to work with the Security Council and relevant actors on our roadmap towards lifting the arms embargo.

Poverty and lack of education and livelihood opportunities remain contributing factors to the growth of violent extremism. Across the world, disillusioned youth are at heightened risk of exploitation by criminal networks, including terrorists. The urgent need to invest in education, skills building and livelihood opportunities for our youth is crucial. Addressing these key strategic elements to counter terrorism is an enormous task, which requires a holistic approach and resources to match. We continue to call upon friends of Somalia to help us in this important undertaking.

Mr. President,

We cannot talk about a sustainable planet without demonstrating commitment to make this world livable for ourselves and the future generation. Somalia is one of the countries ravaged by a vicious cycle of man-made and natural disasters created directly by environmental degradation. Rains are scarce, leading to crop failure and death of livestock, which subsequently leads to drought and famine. Currently the humanitarian situation of millions of Somalis remains fragile as the bite of the current drought, which still threatens to develop into famine, continues. Our National Development Plan stipulates a clear and realistic roadmap to breaking this vicious cycle. However, Somalia, and many other countries who are on the receiving end of climate change are unable to find the resources required to tackle this ever-growing problem. In this regard, we urge all member states to continue improving Paris Climate Agreement which has the potential to mitigate the effects of climate change. Similarly, developing countries such as ourselves need investment in long term initiatives including infrastructure development, water conservation, innovative food and livestock production and creation of livelihood opportunities.

Mr. President,

We need to get better at streamlining global development and aid structures, especially for fragile states. We need to revisit the prevailing paradigms and take bold and innovative steps to improve this architecture. The New Deal Engagement in Fragile States, agreed in Busan South Korea in 2011, was certainly a great step in that direction. Somalia fully embraced this agreement. Yet with all its strength, the New Deal for Fragile States needs improvement. That said, the mutual accountability principles embedded in the framework are exactly what fragile countries like us need. Often times, pledges are made, only to be neglected later. That should not happen as fragile countries rely on such support to rebuild their state. Conversely, development partners are often frustrated with the weak transparency and accountability institutions that exist in fragile countries. That is a legitimate concern, and we as fragile nations need to do better by tackling corruption and plugging leakages.

Somalia has recently taken bold steps to address corruption. The Anti-Corruption Bill, critical for putting in place measures for good governance and accountability has been approved by the cabinet and tabled for enactment by parliament. The leadership of mycountry has also reiterated its zero tolerance to corruption.

Also relating to funding, we must find predictable funding for non-UN peacekeeping missions. This is particularly true for AMISOM in Somalia. For over a decade, they have registered tremendous success yet they continue to operate in uncertainty of funding each year. We believe that investment in peacekeeping is a worthy investment in peace-building and state-building and we have seen the dividends of this investment in Somalia. I look forward to engaging our partners on this matter in the coming weeks and months.

Mr. President, Distinguished Delegates, Excellencies:
A fundamental element of peace-building and state-building is how any country treats its marginalised and the voiceless. Women are crucial in decision making and investment in society. In spite of our many challenges, Somalia has made significant steps in this regard. During the 2016 election, the number of women in our bi-cameral Parliament increased from 14 percent to 24 percent. Although we missed our 30 percent target, we did improve markedly from a few years ago.
Six months ago, when I was forming my Council of Ministers, I appointed six women to my Cabinet. They hold some of the most important portfolios in our nation, including trade and industry, health, youth and sports, women and human rights and humanitarian affairs. In Somalia, women played an instrumental role during our worst times. In addition to being mothers and wives, they dominate the informal economy. Many living as refugees and migrants remain the lifeline of their families through remittances sent to Somalia.

Similarly, youth are vital to peace-building and state-building. The number of youth in our Parliament has increased exponentially. And I have also appointed a number of very young people to key cabinet positions. One of them, Abbas Siraji, was tragically killed in May this year. He was a beacon of hope for Somalia’s young people. Having grown up in the world’s largest refugee camp in Kenya, he worked hard, studied, and worked for various UN agencies. I appointed him to the Minister of Public Works and Reconstruction at age 31. Although he is no longer with us, his appointment spurred the potential of thousands of young people across the country. He showed them that, life in the refugee camps, as harsh as it was, didn’t mean the end of hope.

Distinguished Delegates, Excellencies:

One of the core tenets of this United Nations is human rights.
We are working hard to ensure the respect for human rights of all people. The establishment of institutions such as the national human rights commission that is mandated to protect and promote human rights will be a significant step towards in this direction. Vital legislations on human rights such as the soon to be approved Sexual Offences Bill, provide the tools to fight impunity of sexual perpetuators. Even though we are fond of our traditions, it should never be a reason to condone impunity and my government is determined to find ways to harmonise our traditional dispute resolution and our conventional justice system in a manner that respects the human rights of its people.

Mr. President,

The United Nations continues to the worldsmost important common platform for nations to develop and strengthen bilateral and multilateral relations. It is a core UN principles for states to respect each others political independence sovereignty and territorial integrity. It is a principle that should be promoted and upheld at all times, especially when engaging with fragile state such Somalia.
Mr President,

In closing, I would like to take this opportunity to add my voice to the reform process of the United Nations. This organization has worked for peace and stability for decades and I strongly believe that the Secretary General’s reform agenda will most certainly lead to a far responsive and dynamic institution. As a country that has greatly benefited from the UN system, we have also seen that it can improve its overall efficiency.

With that, I would like to conclude by onceagain reminding all of us, that we must redouble our efforts to focus on peace and decent life for a sustainable planet and that will take a collective recognition that, what happens in one corner of the world impacts another corner of the world.

Thank you, and may Allah bless you all.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka ganacsiga

0

Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha guud ee Warshadda soo saarta dawada xoolaha ee Dalka Suudaan  Bashiir  Xasan Bashiir iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Kulankan ay wada qaateen labadan mas’uul ayaa waxey ugu wada hadleen sidii Xiriir ganacsi ay u yelan lahaayen Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan,waxaana Guddoomiyaha Guud ee Warshadda Bash Pharma uu sheegay inay aad u daneynayaan Maalgashi ay ku sameystan Dalka Soomaaliya,islamarkaane ay doonayan inay Daawoyanka ay soo saarta Warashadda ay u dhoofsadan Dalka Soomaaliya.

Sido kale madax Arrimaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi Suudaan ayaa asigana sheegay in madaxda Warshadda Bash Pharma oo dawooyinka Xoolaha soo saarta ay baahi gooni ah u qaban in xiriir ganacsi la sameeyan Soomaaliya.

Dhanka kale Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Maxamed Madax Arrimaha Ganacsiga Safaaradda ee Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa Shirkadda Kenana oo ah shirkad soo saarta Sonkorta,waxey kulanka ugu wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta Ganacsiga ee labada dowladood iyo inay Soomaaliya ka go’antahay inay wax la qabsadaan Walaalahooda Suudaan.

Madaxa Shirka Kenana ee Suudaan oo soo saarta Sonkorta AL-Nuur Ibraahim Maxamed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kaalin buuxda ka qaatan dhamaan dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Tan iyo burburkii Dowladdi dhexe ee Soomaaliya 1991waxaa meesha ka maqnaa xiriiro badan oo dhanka ganacsiga uu dalka la lahaa hey’ado iyo Wadamo Caalamka ka tirsan,balse haatan ayaa waxaa la dareemayaa wax xoogaa horumar ah.