Guddoomiye Jawaari oo booqday xarunta Al Azhar Al Shariif

Date:

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowrkii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa maanta  tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee magaalada Qaahira, halkasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Masar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.

Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.

“Maanta waxaan la kulanay Sheekh Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhanka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qarayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir.

Cadnaan + Guudle

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...