Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ka dhacay Mareykanka

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambeereysay toogashadii bahalnimo ee ka dhacday magaalada Les Vegas ee Dalka Mareykanka,taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhawac soo gaarey dad badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyey Dowladda iyo Shacabka Mareykanka dadkii ku dhintay weerarkii Argagixisanimo  ee lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dadbadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Framaajo ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Mareykanka islamarkaana meel looga soo wada jeesto ficilada xun xun oo ay ku dhaqaaqayaan kooxaha Argagixisada.

Dhanka kale Booliska Mareykanka ayaa baaraya dil wadareedkii ka dhacay magaalada Las Vegas kaas oo la sheegay inuu yahay midkii ugu xumaa ee sanadahan dambe ka dhacay waddankaasi.

Ninkan ayaa guriga uu deganaa waxaa laga helay qoryo, rasaas iyo waxyaalo qarxa oo aad u tira badan,waxaa weerarkaasi ku dhintay dad gaaraya 58 qof halka 500 in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...