Ciidanka Xoogga Dalka oo horjoogayaal ku dilay Gedo

Date:

Gedo(SONNA) Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan  gobolka Gedo C/raxmaan Ibraahim Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.

C/raxmaan Ibraahim Muxmad waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan  duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka  Al shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo Dalka looga sifaynaayo Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo,ayna Ciidamadu ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...