Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Sudan

Date:

Madaxweynaha J. F. S. Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Sudan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi. iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha ayaa la qorsheeynayaa iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Soomaalida ku nool Sudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...