Hoggaamiyaha Catalonia”Dhawaan waxaan ku dhawaaqeynaa madaxbanaani”

Date:

Spain(SONNA) Iyadoo Dowladda Spain ay siweyn uga soo horjeeddo aftidii madaxbanaanida Gobolka Catalonia ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedkaasi, Carles Puigemont, sheegay gobolkiisa uu iclaamin doono maalma gudahood inuu ka madaxbanaan yahay Spain inteedi kale.

Mr Cales Puigdemont waxa uu uga digay dowladda Spain inay sameyneyso qaladkeedii ugu dambeeyay haddi ay soo faragaliso ayna la wareegto Catalonia,taasi oo uu ku tilmaamay mid awaaqib xumo keeneyso.

Hoggaamiyaha Catalonia oo bixiney wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii ay qabsoontay aftidii lagu murmay maalintii Axada, ayaa sidoo kale waxa uu ku dhalleeceeyay Midowga Yurub inay ku guuldareysteen cambaareynta rabshadaha baahsan ee ay booliisku Spain geysteen, markii ay u dhaqaaqeen inay carqaladeeyaan codbixintii socotay.

Maalintii Axaddii aynu soo dhaafnay ayaa shacabka Gobolka Cataloni afti laga qaaday inta badan u codeeyey in ay helaan madaxbanaani taasi oo Dowladda Spain ay siweyn uga soo jorjeedo.

Banaan baxyo rashado wata ayaa weli dhacayaa,dhawaana waxaa halkaai ku dhaawacmay ilaa 800 boqol oo qof markii Boolisku auy isku dayeen in ay ka hortagaan qaadista Aftidaasi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...