Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaanno kala wareegay Al-shabaab, dad shacab ahna kasoo furtay

Date:

Goof-gaduud Buuraay (SONNA) Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka degaanka Goof-gaduud Buuray ee gobolka Baay ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen tuulooyin badan oo hoostaga degaankaasi.

Howlagalka oo ay fulinayeen Ururka 46-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo maamulka deegaanka Goof-gaduud Buuraay ayaa lagu qaaday deegaan War-gaduud Shanta oo 35-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab

Siidow Cali Guddoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Buuray ayaa SONNA u sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaanka, islamarkaana dib ay usoo celiyeen xoriyadda dad shacab ah oo Al-shabaab ay u heysteen in si qasab ah ay uga qaataan lacago baad ah.

“Waxaan Al-shabaab kala wareegnay deegaanka ay ku dhuumaaleysanayeen oo dad shacab ah ku dhibaateynayeen, qaar kamid ah dadka wan kasoo sii deynay, qaar kalena duurka ayey la galeen walina wan ku daba jirnaa”ayuu yiri guddoomiyaha.

Gudoomiye Siidow Cali ayaa intaasu ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Baay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...