Home Blog Page 1533

Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray maxjar cusub

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba, kaas oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, Maamulka maxjarka, Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Maxjarka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya, si gaar ah wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka, isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.

“Marka la eego xoolaha magaalada lagu qalo, waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha baarista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Axmed Madoobe u sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo, sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.

Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa’iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Madax ka socotay UNDP & UNSOM oo kulan yeeshay

0

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda shalay kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM.

Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”.

Sido kale, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Wasaaradda laga taageero sidii dhamaan deegaamada dalka loo gaarsiin lahaa Geedi-socodka.

“Arinta ugu muhiimsan waa in ololaha la gaarsiiyo dhamaan deeganada dalka si uu u noqodo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo ugu dambeyn sal adag u dhiga Dastuur ay Soomaali leedahay oo dhameeystiran” ayuu yiri AVV Xoosh.

Dhankeeda, Nahida Hussein oo ahayd Madaxa Farsamada ee UNDP Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeysay hawlaha ay Wasaaradda wado.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul-Insaanka XFS oo kulan la yeelatay xubno katirsan haweenka Qaranka

0

Kulankan oo Fiidnimadii Arbacada ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa wada yeeshey Wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsanka Dowladda Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin iyo xubnaha ururka haweenka Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta ururkaasi haweenka Qaranka.

Mudadii uu socday kulankaasi wadatashiga ahaa ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo wajihi lahaa isbedelka hogaanka ururkaasi iyo in ay doorasho qabsadaan ururka haweenka Qaranka.

Dahabo Sheekh Max’uud oo kamid ahayd xubnihii kulanka la yeeshey Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul-insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankoodi uu ahaa mid ahmiytad weyn ugu fadhiayay haweenka.

“Waxaan la kulanay Wasiirkeyna qaaliga ah, Wasiir Deeqo Yaasiin, ee run ahaantii waxaan kawada hadalnay sidii loo horumarin lahaa ururka haweenka Qaranka, islamarakaana ay u sameyn lahaayeen isbedel, runtii waan u mahadcelinaynaa Wasiiradayna waqtigeeda qaaliga ah oo ay in soo soo hurtay maadaama ay u yaalaan howlo badan”, Ayay tiri Dahabo Sheekh.

Marwo Deeqo Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dowrkoodi kaga aadan horumarka dalka.

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku diley UK

0

Magaalada Bristol ee dalka UK ayaa la sheegay in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Daahir uu xalay ku diley xaaskiisii allah u naxariistee Aasiya Cumar oo 27 sano jir aheyd, sida ay VOA u sheegtay Ayaan C/laahi Cumar oo qaraabo la ah qoyskaas.

Ayaan, ayaa intaa ku dartay in Aadan uu ku diley afadiisa mindi isla markaana booliiska soo gaareen xaafadda dilka uu ka dhacay.

Ka hor inta uusan dhicin dilka ayaa la sheegay in ay muran uu dhex maray gabar qaraabo yihiin Aadan iyo xaaskiisa Aasiya, iyadoo saacado ka dibna laga war heley falkan naxdinta leh.

Ayaan Cabdulaahi, ayaa sidoo kale, xustay in Aadan muddooyinkii dambe isku buuqsanaa ka dib markii rukhsadiisa wadida gawaarida laga joojiyay muddo sadex sano ah taasina ay ku qasabtay in shaqo waayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Koonfur Afrika

0

Madaxweynihii hore Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Johannesburg ee Dalka K/Afrika,

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, qaar ka mid ah waxgaradka iyo Ganacsatada Soomaalida Johannesburg iyo Madax ka tirsan Dowladda Koonfur Afrika.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Koonfur Afrika kaga qeybgalaya shir weyne ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo Mbeki foundation kaasoo ugu farmaya Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda, waxaana loogu hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad wanaagga iyo kala sareynta sharciga, Kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta  Caalamka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa yiri” Dalkan South Africa waxaan u imid inaan ka qeybgalno shir ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad waxgarad ah oo loogu hadlayo hogaanka Qaaradda, waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada”.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa, Tanzania, Tunisia iyo Nigeria waxa uu socon doonaa laba maalmood.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Johannseburg

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka jaray Taallada Axmed Gurey ee ku taal Isgoyska KM4, taasoo dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay.

Maamulka Gobolka Benaadir oo kaashanaya ganacsatada gobolka ayaa ku guuleystay inay uu dib u dhis lagu sameeyo Taallada Axmed Gureey, oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee uu dalku leeyahay.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee gobolka Benaadir Roodo Cabdullaahi Colaad ayaa maamulka Gobolka uga mahadcelisay dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd iyo in dib u habeyn lagu sameeyo goobaha taariikhiga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Cali Fiidow ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay dib u soo nooleynta goobihii taariikhigi ahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay caasimaddu lahayd.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taallada, waxaana uu sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka.

“Taalladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta Degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha, amniga caasimadduna wuu soo hagaagayaa waxaan iminka oo ay saacadda ku dhaw 9:00 pm aan u joognaa inaan xariga ka jarno taallada Axmed Gureey” ayuu yiri guddoomiye Taabid.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa hay’adaha amniga uga mahadceliyay xoojinta Nabadgelyada, maadaama xilli habeen ah ay ku guuleysteen in ay xariga ka jaraan taallada Axmed Gureey.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan “Ciidanka Asluubtu Waa Astaanta Caddaaladda iyo Nabadda”

0

Muqdisho, August 23, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey gelinkii danbe ee maanta Xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay askarigii isku dhigay qaraxii dhawaan ka dhacay xabsiga ee uu soo maleegay ruux naftii halige ah. Wuxuuna ku tilmaamay askarigii isku dhigay qaraxa inuu ahaa halyey ka baxay guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, lana ilaawi doonin.

“Waxaan Tacsi u dirayaa Ciidanka Asluubta iyo ehelkii uu ka baxay askarigii naftiisa u huray badbaadinta sharafka iyo karaamada ummada Soomaaliyeed. Askarigaas wuxuu na tusay macnaha ay leedahay qaranimadu, taas oo nagu dhiira-gelinaysa kuligeen inaan u istaagno difaaca dalkeena hooyo”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa u diyaarsan dhaqan celinta maxaabiista iyo ku hagidda sharciga. Isagoo cadeeyey in taas badelkeeda aan la aqbali Karin in wax yaabo sharci daro ah oo qal-qal gelinaya amniga xabsiga laga dhex sameeyo.

R/Wasaare Khayre oo kormeer ku sameynayay qaar kamid ah goobaha ay maxaabiistu ku sameeyaan agabyada kala duwan ee xafiisyada ayaa yiri: “Maadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida samaynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirageliyo wax soo saarka dalka.”

DHAMMAAD

Bilowga Howlgalada Ciidamada Qaranka Waa Dhammaadka Argagixida!!!

0

Argagixisadu malaha lagamana sugayo in ay yeesheen dhago wax maqla, waayo waa dad hogaankooda ugu sarreeya laga hago meel kale,umana madax banana in uu go’aano gaar ah uu ka qaato hawsha uu fulinayo, macnaha haddii loo soo jeediyo waxa aad wadaan waa wax ilbaxnimada ku xun, Diinta ku xun, dhaqanka iyo caadada Soomaalida ku xun ee aan ka wada hadalno si dalka uu u helo xasilooni siyaasadeed iyo nabad waarta.

Maanta waxaa warbaahinta Caalamka laga wada baahinayaa in Hooyadii Argagixisada ee la magac baxday Daacish laga dabar gooyey inta badan goobihii ay ka haysteen dunida aanu ku nool nahay, firxadkoodana laga ilaalinayo in ay goobo kale ku sii baahnaa, waxaana laga wada shaqaynayaa sidii la isu raacsiin lahaa mid iyaga mid ahna uusan dunida ku soo harin.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan mowqifkeeda ku aadan muujisay, iyadoo xustay in ay jiraan howlgallo lagu ciribtirayo dhamaan argagaxisada nooc kasta iyo magac kasta ha loogu yeeree, waxayna hoosta ka xariiqeen in dhawaan la so oaf-jari doono kooxaha nabad-diidka ah meel kasta dunida haka jogaanee.

Dowladda Soomaaliya ayaa Iyana hore u iclaamisay in la qaado howlgallo lagu ciribtirayo Kooxda Al-shabaab oo haatan ku sugan goobo yar oo ka tirsan Gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Dalka, waxaana sida aan la socono wuu biloway howlgaalkaasi, waxaana la rajeynayaa inuu la gaaro dhammaadka kooxahaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in ay go’antahay isaga iyo Xukuumadiisa soo af-jarida kooxaha Argagixisada ee dhibaatada ku haya Umadda Soomaaliyeed ,tan iyo xiligaas waxaa la joogteeyay Mushaaraadka Ciidamada Qaranka si kor loogu qaado niyadooda,waxii markaa ka dambeeyay waxaa muuqdo in Howlgalo ka dhan ah Alshaab ay ka bilow deen goobaha ay kaga suganyiin Dalka.

Ciidamada Dowladda ayaa dhawaan dib ula wareegay Deegaanno hoos yimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose, halkaasi oo ay hore u fadhiyeen Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, iyagoo laga dhigay wax la dilo iyo wax firxaday, waxaana deegaannadaasi booqday manta Guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Gobolka iyo Masuuliyin kale, iyagoo kormeer ku sameeyay Waddada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka number 50 ee gobolka Shabellaha hoose.

Ujeedka kormeerka Masuuliyiintaasi ayaa ahaa in ay u kuurgalaan xaalada amni ee waddada, maadaama ay muhiim u tahay isku socodka gaadidka iyo dadweynaha, wuxuuna halkaasi kula kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka , kuwa AMISOM iyo maamulka deegaanka, wuxuuna kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xaalada amni ee waddadaasi iyo deegaanka Number 50.

Gudoomiyaha  gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka num 50 ugu baaqay in ay ka qeybqaataan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoona sheegay in howlgalka lagu baacsanayo argagixisada Al shabaab ee ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka shabellaha hoose uu sii soconayo.

Dhawaan ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya waxay la wareegeen deegaanka Bariire iyo Tulooyin hoos yimaada iyadoo maamulka gobolka Shabellaha hoose uu sheegay in deegaanada lagala wareegay Al shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka Dowliga ah.

Sidaas oo kale ayaa laga Sugayaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee Geesiyaasha ah in ay iyaguna dabar gooyaan argagixisada iyo kuwa daba carara markii gacnta lagu soo dhigo, iyada oo aan wax jixinjix ah loo galaynin, islamarkaana qodobada sharciga argagixisada ee laga doodayo la soo dadajiyaa ansaxintiisa si loogu kala baxo, loona dhiso dawlad  ka madax banana cadawga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirto sidii loo dabar goon lahaa kooxaha Argagixisada ayaa dhawaan Ansixiyay sharciga ladagaalanka Argagixisa, kaas oo uu soo gudbiyay Wasiirka Amniga Gudaha X.f.S ,isagoo loo sii gudbiyay Golaha Shacabka JFS.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa qabo hadii sharcigan uu ka soo dhamaado Golaha Shacabka iyo kan Sare, islamarkaana Madaxweynaha JFS uu saxiixo in wax badan laga qaban doono kooxa Argagixisada oo xiliga gabalkoodu uu sii dhacayo.

Hawlagalada Ciidamada Qaranka ka wadaan goobo badan oo dalka ka mid ah, loogana xoraynayo argagixsada Alshabaab ma aha Bilow balse waa dhamaadka Burcad diineedka Soomaaliya, waxaana laga rajaynayaa hawlgaladaas mid ujeedooyin badan ka soo bixi doonaan,haddii alle yiraahdo.

R/Wasaare Khayre “Waxaan joognaa waqtigii aan u gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad”

0

Muqdisho, August 23, 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Mudane Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.

“Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sameyney , waxaan joognaa waqtigii aan ka gudbi laheyn hadal kaliya una gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray sidii horey loogu sii wadi lahaa. “ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay bilowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka iney la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.

Dhinaca kale waxaa kulankaas ka hadlay qaar kamid ah Safiirada beesha caalamka oo dhamaantood balan qaadey inay garab istaagi doonaan Xukuumadda Soomaaliya isla markaana xusay sid ay u dhacsan yihiin dadaallada ballaaran iyo guulaha la gaaray waqtiga kooban.

DHAMMAAD

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada Xogga Dalka

0

Horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab ayaa goor dhaweyd oo maanta ah isu soo dhiibat ciidamada XDS ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Ibraahin C/llaahi ayaa dhanka caafimaadka u qaabilsanaa maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan deegaannada Bari ee gobolka Galgaduud, wuxuuna si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada XDS ee ka howlgala deegaanno ka tirsan degmada Maxaas.

Jeneraal Axmed Maxamed “Taree Dishe” oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Horjoogahan oo 19 sano jir ah uu soo galay gacanta dowladda, kaddib markii uu si iskiis ah usugu soo dhiibay ciidamada.

Sidoo kale Horjoogahan ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay tacaddiyada iyo gaboodfallada ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay haraadiga ku yihiin maleeshiyaadka Shabaab.

Horjoogayaal ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab ayaa hore isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.