Xildhibaan Ilhaan Cumar oo taageertay Musharax Maxamuud Nuur

Date:

Iyadoo weli  ay soconayaan ololihii doorashada Golaha Deegaanka ee magaalada Minneaplis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada waxay taageero u muujiyeen Maxamuud Nuur oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka gaar ahaan halka ay Soomaalidu degto.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay fagaraha lagu magacaabo Brian col,iyagoo sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin Maxamuud Nuur oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka,waxaana Xildhibaan Ilhaan Cumar ay ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay codkooda ku taageeraan Walaalkooda Maxamuud Nuur.

Hadal kooban oo isna goobtaasi ka jeediyay musharax Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Soomaalida hallkaasi ku nool iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar dowrka muhiimka ah oo ay ka qaadanayaan dhiira gelintiisa.

Wuxuu sheegay in xoogga saari doono sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mineapolis ay u heli lahaayeen xuquuqdooda iyo adeegyada ay u baahanyihiin hadii uu ku guuleysto xilkaasi Golaha Deegaanka.

Sanadihii ugu dambeyeey waxaa sare u sii kacayay Dowrka siyaasadeed oo Soomaalida ay ku leedahay hay’adaha iyo maamulada ka dhisan gobolada Dalkan Mareykanka,horey waxaa loo doortay Ilhaan Cumar oo oo haatan kaalin ku leh dib u soo celinta sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...