Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Bariire

Date:

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay dagaal ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya,islamarkaana maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday mudo labo saacadood,waxaana jab xoogan la gaarsiiyay maleeshyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warkaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

“ Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire kaasoo marka hore madaafiic oo ay Al-Shabaab soo tuureen ku bilowday,waxaana markii danbe ku baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday Ceyrsaday”, Sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/fitaax.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah uusan jirin dhanka Dowladda balse ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo Al-Shabaab weerarka ka soo gaaray,waxaana dagaalka Maleeshiyada Al-Shabaab kaga dhintay seddex maleeshiyo halka afar kalena ay kaga dhaawacantay.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Ciidamada Dowladda wey iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday waxayna ku guuleysteen iney ceyrsadaan ilaa iyo tuulada raqeyle oo 4-km dhanka galbeed ka xigta deegaanka Bariire ee saakay weerarka uu ka dhacay”,

Ciidamada sooma-jeestayaasha Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxay ka wadaan Gobolada dalka Soomaaliya,kaasoo ujeedadiisu tahay sidii lagu ciribtiri lahaa kooxaha naf lacaariga ah ee Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku biiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...