Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Bariire

Date:

Muqdisho(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay dagaal ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya,islamarkaana maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday mudo labo saacadood,waxaana jab xoogan la gaarsiiyay maleeshyaadkii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warkaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

“ Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire kaasoo marka hore madaafiic oo ay Al-Shabaab soo tuureen ku bilowday,waxaana markii danbe ku baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday Ceyrsaday”, Sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/fitaax.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah uusan jirin dhanka Dowladda balse ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo Al-Shabaab weerarka ka soo gaaray,waxaana dagaalka Maleeshiyada Al-Shabaab kaga dhintay seddex maleeshiyo halka afar kalena ay kaga dhaawacantay.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Ciidamada Dowladda wey iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday waxayna ku guuleysteen iney ceyrsadaan ilaa iyo tuulada raqeyle oo 4-km dhanka galbeed ka xigta deegaanka Bariire ee saakay weerarka uu ka dhacay”,

Ciidamada sooma-jeestayaasha Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal waxay ka wadaan Gobolada dalka Soomaaliya,kaasoo ujeedadiisu tahay sidii lagu ciribtiri lahaa kooxaha naf lacaariga ah ee Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...