Shabeel 7-ruux ku dhaawacay degmada Wala-weyne oo lagu guuleystay in la dilo

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka naga soo gaarayo degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 7-ruux uu dhaawac soo gaaray ka dib markii uu weerar ku soo qaaday Shabeel.

Sida uu SONNA u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle shabeelka ayaa 7-ruux oo labo ka mid ah ay yihiin carruur oo midi gabar yar tahay ku dhaawacay Xaafada Caanoole ee degmada Wala-weyn kuwaasoo hadda dhaawacooda lala tacaalayo.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in shabeelka oo qal qal geliyay dadweynaha markii danbe ay ku baxeen ciidamada Dowladda kuna dilay meel banaanka ka ah degmada Wala-weyn,waxaana meydkiisa loo soo qaaday gudaha degmada si dadweynaha ka argagaxay arintaan u daawadaan.

Aintaan Shabeelka ayaa noqotay hadal heynta ugu weyn ee maanta ka jirta degmada Wanlaweyn,shacabkana ay isla dhexmarayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...