Home Blog Page 1523

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Goobaha Waxbarashada Gobalka Banaadir+Sawirro

0

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo isugu jira xaromo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah, kuwa danta-yar iyo dugsiga dadka Aragga La’a ee Al-Basiir.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir ee degmada Waabari.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar ee adduunka, isagoo qiimaha maalintaasi dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay Aawgeed deeqa agab waxbarasho ah guddoonsiiyay maamulka dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u jeediyay maamulka Xarunta Xanaanada gabdhaha Agootan oo muujiyay dadaal iyo dhabar adeeg.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda ee wasaaradda waxbarashadda uu yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin, kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan sida uu uga xunyahay duruufaha ay wax ku bartaan dhallaanka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay xoojineyso dadaalka loogu jiro kor u qaadista tayada waxbarasho ee dalka, si looga gudbo in muwaadin Soomaaliyeed uu waqtigaan caalamku hormar casri ah kusii tallaabsanayo u naafoobo wax ay sahlantahay in uu si fudud ku gaaro taas oo ay aqoontu ugu horreyso.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah oo ay isku xilqaameen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka damqaday baahiyaha ay ku suganyihiin.

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

0

Muqdisho (SONNA), Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo ku xiggeenkiisa labaad oo Danjireyaal Muqdisho kula kulmay

0

Muqdisho (SONNA)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehliyay  Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la kulmay sii hayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Siyaasada Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeysa  safaaradda iyo Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin laaha.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuurka dalka.

ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka  u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad.

 

Dood Cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya oo ka dhacday Dalka Suudaan “Sawirro”

0

Khartoum (SONNA)  Dood Cilmiyeed lagu gorfeeynayay xaaladda uu Dalka marayo, islamarkaana ay marti ku ahaayeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Biritan  Cabdraxmaan Caynte  iyo Madaxa Cilmi Baarista Machadka Hirtaje  Cabdirashiid Khaliif Xaashi, ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Diplomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan, Jaaliyadda, Salaadiin, Aqoonyahano, iyo madaxda ururka Ardayda Soomaaliyeed, ayaa waxaa soo Agaasimay u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed   ee Dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.

Danjire Cabdiraxmaan Caynte, ayaa shegay in Soomaaliya marka laga hadlaayo Siyaasaddeeda xiligan ay tahay mid hagaagsan kana soo kabatay  dhammaan dhibaatooyinkii ka soo wajahay Burburkii Dowladii Dhexe ku yimid, horayna loo socdo marba marka ka danbeeso.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Madaxa Xaruunta Cilmi Baarista ee Hiritaje kana mid ahaa martida Dooddaasi ka qeybgalay ayaa  cadeyay in Soomaaliya aanu heysan garab buuxa loona baahanyahay Aqoonyahanka Soomaaliyeed  in ay mideeyaan Fikradahooda ku aaddan Hormarka Dalka loogana Hortagayo Dhibaatooyinka soo wajaha.

Gabagabdii Dood Cilmiyeedka ayaa waxaa soo afjaray Fiidow Maxamuud Fiidow u Qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan,  isagoo tibaaxay in Xafiiska Warfaafinta Safaaradda uu yahay mid u taagan u adeegida dhammaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan Doodaha noocan oo kalana ay sii labajibaari doonaan.

Wasiirka Garsoorka ee Hirshabeelle oo siminaar u soo xiray aqoonyahanno

0

Wasaaradda Garsoorka, Cadaaladda iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta siminaar u soo gabo gabeysay qaar ka mid ah Garsooreyaasha, Xeer ilaalinta iyo saraakiil ka tirsan booliska, kuwaasi oo sare loogu qaadayay aqoontooda xirfadeed.

Siminaarka oo socday muddo todobaad ah ayaa inta uu socday la siinayay ka qeyb galayaasha casharo la xiriira dhanka cadaaladda iyo sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda, waxaana gabo gabadii la gudoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaya waxyaabaha ay siminaarka ku qaateen.

Wasiirka Garsoorka, Cadaalladda iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan “Kheyraat” ayaa sheegay inay joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah, waxaana uu ka qeyb galayaasha ku booriyay in waxyaabaha ay ka kororsadeen siminaarka ay ugu adeegaan bulshadooda.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa 2aad oo la kulmay danjireyaal

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn la kulmay sii hayaha safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasadda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyneed ee Safaaradda iyo golaha shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulan la qaatay safirika Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu golaha Shacabka ku taaageerayo, waxaana waxayaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista qabyo qoraalka dasturuka dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinaca Baarlaamanada sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dhiseyso Dugsi u gaar ah dadka naafada ah

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Xukuumadda sanadkaan ay wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto Dugsi weyn oo wax lagu bari doono dadka Naafada ah ee lixaadkooda aanu dhameystirneyn, lacag la’aanna wax  lagu bari  doono.

Wasiir C/raxmaan, ayaa sheegay in sidoo kale ay qorsheynayaan in Shan Bolol oo macalimiin ay howlgaliyaan, Kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya Mushaar ay siin doonto, ayna ka howlgali doonaan Magaaladda Muqdisho iyo Dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay ujjeedka Dowladda uu yahay in lasoo nooleeyo Addeegyadii Waxbarasho ee Soomaaliya, si loo helo waxbarasho tayeysan oo isku dheeli tiran.

“Sanadkaan qorshaha waxaa noogu jira in aan dhisno Dugsi weyn oo loogu talo galay in ay wax ku bartaan dadka Naafadda ah gaar ahaan kuwa arraga la’, waxaa kale oo qorshaha noogu jira in Shan boqol oo macalin oo dowladda u shaqeeya la sameeyo, Mushaarkooda iyo gaadiidkooda Dowladda Miisaaniyadeeda ayaa lagu dari doonaa, Gobolka Banaadir iyo dhammaan gobolada dalka ayey ka howl gali doonaan macalimiintaasi ” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan

 

Kulan lagu daah furayay Mashruuca Ubabacdhigida Aafooyinka oo Baydhabo lagu qabtay

0

Baydhabo (SONNA) Kulankan oo Lagu daah  furayey Mashruuca Ubabacdhigida Aafooyinka Waxaa shir Guddoominayey Kusimaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Heer Fadaraal iyo maamul Gobaleed, Xubno kasocday Maamulka Gobolka iyo wakiilo ka tirsan midawga Yurub.

Mashruucan oo ay Maalgalinayaan Ururka Midawga Yurub ayaa waxaa Fulintiisa iska kaashanaya Hay addaha Concern iyo NRC . waxaana sidhaw Umaamuli doona Wasaarada Qorsheynta Dawlada Soomaaliya iyo Mida Koonfur Galbeed.

Dadka Abaaruhu ay aafeeyeen ayaa sigaar ah u caawin doona Mashruuca, iyadoona Lasiindoono Adeegiyo Caafimaad iyo Waxabarasho Bilaash ah, waxaa sidoo kale mashruuca uu abuuridoonaa Fursado Shaqo oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka dib uga soo laabtay Xariyaha Qoxootiga iyo Kuwa ku soo barakacey Magaalooyinka waaweyn ee Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Degmooyinka Masharuuca uu ka bilaabmi doono Waxaa Kamid ah Baydhabo, Marka iyo Baraawe sida Warbaahinta ay u sheegeen Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dawlada Soomaaliya Jamaal Faarax aadan iyo midka Koonfur Galbeed Naasir Curuush.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir uga qeybgalaya Washington

0

Washington(SONNA) Wasiirka Maaliyadda DFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka IMF iyo Bangiga Aduunka oo ka furmay Magaalada Washington D.C. ee xarunta Dalka Mareykanka

Wasiirka W.Maaliyadda DFS Dr C/Raxmaan Ducaale ayaa lagu wadaa in shirkaasi oo u dhaxeeya  madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka uu ka sheego arrimo ku saabsan Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaan la soo daabacayo.

Inta uu jooga magaalada Washington wafdiga Wasiirka Maaliyadda waxaa ay kulamo la yeelan doonaan madax kaladuwan oo ka kala socota hay’adaha Caalamiga ah oo taageera Soomaaliya,isagoo kala hadli doonna dowrka ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii loo soo daabici laha lacago Shillin Soomaali ah.