Home Blog Page 1523

Galmudug”Maxaabiista kujirta Xabsiga Gaalkayo ee dembiyada fudud cafis ayaa loo fidinayaa

0

Muqdisho(SONNA) Ku dhawaad  40 maxaabiis oo u xiran faldembiyeedyo kaladuwan ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalaad Gaalkacyo ee Dowlada Goboleedka Galmudug, kuwaasi oo xaaladooda ay tahay mid laga deyrinayo.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dib loo eegi doono xaaladda Maxaabiistaasi,islamarkaana cafis loo fidin doono dadka dembiyadooda ay fudud yihiin oo ku jira Xabsiga, kadib kormeer ay ugu kuurgalayeen xaaladda Maxaabiista oo ay halkaasi ku tageen Wasiiro iyo mas’uuliuyiin kale oo katirsan Galmudug.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka  Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii daryeel wanaagsan ay u helilahaayeen dadkaasi Xabsiga kujira.

“Waxyaalo badan ayaa soo aragnay,baahiyo badan ayaa jira,wixii aan aragnay waan lalaabanaynaa, go,aan ayaa laga gaarayaa, in maxaabiista dembiyada fudud cafis loogu fidin lahaa maadaama waqti Ciid ah la joogo,sidoo kale daryeel caafimaad ayay baahi u qabaan”, Ayuu yiri Wasiir Colaad.

Maxaabiista kujirta Xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa loo soo qab qabtay faldembiyeedyo kaladuwan,oo ay kujiraan dhac iyo dhibaatooyin kale oo ammaanka laxiriira.

DEG DEG: Waberi oo usoo guddubtay kama dambeysta tartanka degmooyinka

0

Muqdisho (SONNA):- Ciyaar ka tirsan wareegga afar dhammaadka ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxa uu u dhaxeeyay degmooyinka Waberi iyo Heliwa oo ka soo gudbay wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka, labadda dhinac ayaa soo bandhiggay ciyaar xiiso leh.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxaa 2-0 ku badisay degmada Waberi, waa markii seddexaad oo xiriir ah oo ay soo gaarto kama dambeysta.

Labaddii mar ee hore waxaa ka qaaday koobka degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere, waxanna ay sugi doonta cidda soo badiso degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo berri ku dheelli doonno garoonka Banaadir saacadda geeska Afrika marka ay soo gaarto 3:30 (Galabnimo).

Muslimiinta Roohinga oo uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada ay u Muujisay

0

Muqdisho(SONNA) Muslimiinta Roohiinga ayaa u mahadceliyay Taageerada Dowladda Turkiga ay u muujinayso iyo Caawinada ay u dirto dadka dhibaateysan, iyada oo ay sii siyaaday dhibaatada lagu haayo dadka Muslimiinta ee ku Nool gobolka Arakaan ee Minimaar.

Waxay Sidoo kale dadka deegaankaas aad usoo dhaweeyeen Kaalmada bini’aadannimo oo dad Turki ah oo iyaggu is xilqaameen ay gaarsiiyeen Magaalada Siitwi ee Caasimadda Gobolka Raakhiin,  taas oo lagu tiriyo Magaalooyinka aadka ugu saamoobay xad gudubkii ugu danbeeyay ee ay u geysteen Buudiyiinta, iyaggoo aad uga Mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Dhaleeceynta uu usoo jeediyay Masuuliyiinta Minimaar.

Lagga soo bilaabo 25-Aug Sanadkii tagay ciidamada Minimaar waxa ay ka geysanayaan xad gudubyo ka baxsan xuquuqda Aadanaha Gobolka Woqooyi ee Arakaan sida ay sheegeen warbaahino Caalamiya.

Dhanka kale waxa ay iclaamisay UNHCR maalinkii axada ahaa in ay siyaadeen qaxootiga Roohiinga ee ka soo cararaya Gobolka Arakaan kuna wajahan Bangaladheesh, iyadoo tiradooda ay ku sheegtay 73-kun laga soo bilaabo 25-Aug-2016.

Sidoo kale 28- Aug ee isla sanadii tagtay waxa ay Ururka Roohiingiyiinta Yurub “Urur Madax Banaan” sheegaan in tiro ku dhow 3-Kun ay ku naf waayeen weeradii Meletari ee ka dhacay Gobolka Arakhaan Saddex Maalmood gudahood.

Xigasho Wakaaladda Turkeyga ee Anadol

Ka farxin carruur mise fikrad qaldan ku ababin ?

0

Muqdisho(SONNA)-Waalidiinta ayaa mas’uuliyad weyn iska saara sidii ay ubadkooda ay ugaga farxin lahaayeen si gaara xiliyada ciidaha ‘Soon Fur & Ciidul-Adxa’, oo ah labada ciidood ee uga weyn bulshada Soomaaliyeed ee Muslim-ka ah u dabaal degaan, balse waxaa ka dhasha khatar dhaw oo muuqan karta iyo mid mustaqbal oo saameyn xun yeelan karta.

Dhamaan agabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa leh khatar, fursado niyad dhis iyo ka farxin ah, mid maaweelo iyo ciyaaro kala duwan, waana ay u wada baahan yihiin balse waxaa muhiim ah in bulshada is-weydiisa waxyaabaha ka dhalan kara.

Sawirka-1-aad: Carruur ku ciiday dhulka Al-Shabaab maamusha

Waxaa sawirka idinkaga muuqda carruur sidata hub caag ka samaysan, waxana uu qaabkooda u muuqdaa in yaraantoodaba lagu ababinayo dagaalka fikriga ah ee ay kooxda Al-Shabaab ku jirta, kaasi oo ay culimada ku sheegeen in uu yahay mid khaldan oo diin raad ku lahayn, sidaas darteedna ay carruurtan laga yaabo in ay ku bar-baaraan oo ay maraan wadada ay kooxdaasi ku joogto oo ah dagaal, xabbad, dil iyo mustaqbal xumo oo ka fog raaxo, nolol adduun oo is fahan leh iyo nabbad gelyeyn ku dhisan iyo mid Aakhiro u tabaabshi qaadadkeeda.

Sawirka-2aad: Carruur wakhti ku qaadanaysa meelaha ay dawlada Soomaaliya maamusha.

Carruurtan ayaa sidoo kale aad loogu iibiyaa oo qaata hubka caaga ah oo halistiisa leh,balse waxaa ay u dheer tahay in loo damaashad geeyo meelo ay ganacsato Soomaaliyeed ay maal-geshi ku sameeyeen oo loogu tala-galay in xilliga ciidaha ay carruurta wakhti ku qaataan halkaas oo ganacsataduna ka sameeyaan lacag badan.

Carruurtan ayaa iga ku dhiiran in ay ridaan rasaasta ka dhacda hubkaas(Bistoolad, Baaruuda & Qori) waxayna isugu ridaan mid mid ama koox-koox iyaga dhexdooda ah, waxaana ka dhalata khasaaro ah in ay dadweynaha ka nixiyaan, in ay iyaga indhaha iska tuuraan, ama halis kale oo dhinaca amniga ah wajahaan kadib marka ciidanka amaanka ka shakiyaan dhawaqa hubkaasi.

Waxaa sidoo kale ay carruurtan khatar ka wajahaan badda, waxaana la saara doomo aan la lahayn (Safety jackets) jaakadaha badbaadada haddii ay leeyihiina aan damaanad haysan sida uu ku waramaya C/qaadir Maxamed Cadde oo isaga ka tirsan Wakaaladda SONNA oo ay indhihiisa qabteen arrintan.

Khatar dhinaca amaanka

Tifaftiraha Wakaaladda SONNA, C/raxman Kanafa ayaa qaba in jiilkan Soomaaliyeed ee labada daan kala jooga ay yihiin kuwa u jihaysan hal jaanib(dhinac) oo ah in ay noqdaan askar, ha noqdeen kuwa Shabaab ama kuwa maleeshiyo oo dagaal la deris ah.

Waxaa xaqiiq ah oo dhacday in carruur badan ay naftooda geliyeen khatar kadib markii baaruuda ay kharxiyeen, waana halis weligeed baaqi noqon doonta haddii aan loo helin xal lagu xakamayn kara agabka ay carruurta ku ciyaaraan.

Xalka arrintan

Alaabta ay carruurta ku ciyaaraan ayaa ka soo dega dekaddaha ay dawladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka gacanta ku haya, waxaana sahal ah in loo jeesto wax ka qabashada waxa ka soo dega ee khatar-ta ku ah jiilka Soomaaliyeed,waxaana ay dawladda kala hadli kartaa ganacsatada iyo culimada oo yeelanaya door wacyi gelineed oo ku aadan khatar-ta ay leeyihiin waxyaabaha qaar ee carruurteen loo soo dhoofiyo.

Waxaa kale oo ay dawladda sameyn kartaa in canshuurta ku kordhisa kaliya agabkaas ay carruurta khatar u horseedi kara iyadoon la mamnuucin waana hab ay dawladaha wax u uga qabtaan badeedacaha qaar ee aan dalka faa’idada u lahayn ee lagala soo dego dalka.

Geba-gebo  

Waxaa ila quman in waalidka ay door feejignaan leh ka qaataan arrintan, ganacsataduna gartaan in aysan noo keenin agab aan carruurta waddanka ay inooga keenaan ku ciyaarin oo ay fiirsan dano dhaqaale, balse door ku yeeshaan dhaqanka suuban ee dhalaankeena, waxaan qabaa in carruurta aad looga farxiyo balse xad yeelato heerka la gaarsiinayo ka farxinta carruurta.

Waa inaan ku ababinin wadddo khaldan oo mustaqbalkooda xumayn kara.

W/Q: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Tifatiraha Q. English-ka Wakaaladda SONNA

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Maxaa sabab u ah sare u kaca khudaarta ee Suuqyada Muqdisho:Dhageyso warbixin+Sawiro

0

Muqdisho(S)NNA) Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto khudaarta, noocyadeedi kaladuwan,taasi oo saameysay dadka danyerta ah.

C/raxmaan Max’ed Siyaad waxaa uu ka mid yahay ganacsada khudaarta kala duwan ee Suuqyada Muqdishpo,isagoo xusay in taasi ay sabab u tahay wax soo saarka dalagyada Beeraha oo gaabis noqday markii roob yeri ay dhacday.

Saameynta khudaar yerida Suuqyada ayaa laga dareemayaan Maqaayadaha Muqdisho iyo xaafadaha, iyadoo istaicmaalka Qudaartu ay kamid tahay waxyaabaha muhiimka u ah jirka aadanaha caafimaad ahaan.

“Magacaygu waa C/raxmaan Maxamed Siyaad waxaan akmid ahay ganacsatada Suuqa khudaarta Xamarweyne, sicir barar dhanka Qudaarta ayaa jira, dalagii Beeraha sida qudaarta noocyadeedi kaladuwan oo roob la’aantu sabab u tahay, qiimo qaali ah ayay suuqa ku imaanaysaa,marka taasi saameyn weyn ayaay nagu yeelatay”, Ayuu yiri C/raxmaan Siyaad.

C/raxmaan oo ka ganacsada khudaarta qooyan ayaa sheegay in hadda tan ugu qaalisan ay tahay Yaanyada, oo tenegii uu gaarayo 6ilaa 7 boqol oo kun oo Shillin Soomaali ah,halkii hore boqol ilaa 150 konton Shillin Soomaali ah ay ahayd.

DHAGEYSO WARBIXN UU KA DIYAARIAYAY WARIYE

C/qaadir Cali Axmed

DCIM100MEDIA

Taliska ciidanka Xoogga Dalka oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Buulo-Guduud

0

Muqdisho(SONNA) Janaraal Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buulo Guduug ee Duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi Buulo-Guduud oo qayaas ahaantii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kisamaayo, wuxuuna sheegay in Khasaaro xoogan uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Janaraal Ismaaciil Saxadiir ayaa sheegay in dhankooda uu jiro qasaare aan sidaasi u badnayn,maadaam ay Ciidamadu ka war hayeen qorshaha maleeshiyaadkaasi ay ku soo weerareen deegaankaasi,lagana hortagay,isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka kaxeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay oo fashiliyay, ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen,Khasaare ayaa jira labada dhinac,hadana deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka,ilaa 20 maleeshiyo ah  ayaa kaga dhintay dagaalkaasi Shabaab, firxadkoodi ayaan daba joognaa”, Ayuu yiri Taliye Saxardiid.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii Shabaab ee weerarka soo qaadey, waxaana taliye Saxardiid uu sheegay in ay uga daba tagidoonaan meelkasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Taliska ciidanka Xoogga Dalka oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Buulo-Guduud

0

Janaraal Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buulo Guduug ee Duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi Buulo-Guduud oo qayaas ahaantii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kisamaayo, wuxuuna sheegay in Khasaaro xoogan uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Janaraal Ismaaciil Saxadiir ayaa sheegay in dhankooda uu jiro qasaare aan sidaasi u badnayn,maadaam ay Ciidamadu ka war hayeen qorshaha maleeshiyaadkaasi ay ku soo weerareen deegaankaasi,lagana hortagay,isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka kaxeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay oo fashiliyay, ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen,Khasaare ayaa jira labada dhinac,hadana deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka,ilaa 20 maleeshiyo ah  ayaa kaga dhintay dagaalkaasi Shabaab, firxadkoodi ayaan daba joognaa”, Ayuu yiri Taliye Saxardiid.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii Shabaab ee weerarka soo qaadey, waxaana taliye Saxardiid uu sheegay in ay uga daba tagidoonaan meelkasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku amaanay Qurba joogta Soomaaliyeed dowrkoodi ku aadan horumarka dalka

0

Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabda sagootin ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Amsterdam ee Dalka Holand, ayaa siweyn uga hadlay guulaha Dowladda Soomaaliya ay gaartay.

Madasha waxaa Goob joog ahaa aqoonyahano,bulshada Soomaaliyeed oo rag iyo haweenba leh iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar,waxaana jaaliyadda Soomaaliyeed ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka, iyagoo xusay in lacag gaaraysa 60,000 kun oo dollar ay ugu deeqeen walaalohooda oo Abaaraha saameeyey.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo munaasabadaasi hadalka jeediyay ayaa ku Ammaanay Jaaliydda Soomalaiyeed ee Holand, sida ay ugu diyaar sanyihiin taageeradda Dowladda Soomaaliya.

“Waxay ahayd markii ugu horeysay 2000 shirkii Carta,Aqoonyahno badan oo qurba joog ah ayaa ka qeyb gashey shirkaasi iyo dhis,mihii Dolwdda,waxaana kamid ahaa siyaasiin rug cadaayaal ah, weliba kaalin hormuud leh ay ka qaateen,intaasi kadib waa ay sii xoogaysteen,maanta waxaa la marayaa in isbedelada wadanka ka dhacay ay qeyb ka yihiin,Wasaarad walba waxaa ka shaqeeya dhalinyaro iyo aqoonyahano qurba joog ah,Qaarkood ganacsi iyo shaqooyin kale ayaay abuureen, waxaa la dhihi karaa dowrmuhiim ah ayay horumarka dalka ku leeyihiin”,Ayuu yiri Wasiir Yariiswo.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Dalka Haatan uu kajiro isbedel la taaban karo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay hirgelinta waajibaadkii loo igmaday, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool daafaha Caalamka in ay sii xoojiyaan kaalintoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

C/llaahi Max’ed Xuseen Taajirow Holand

 

Ku dhawaad 8 dhalinyaro Soomaali ah oo Mareykanka lagu dilay Bilihii u danbeeyey

0

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka,kadib markii kooxo loo yaqaano Gangs ama Qowleysato ay ka abuurmeen dalkaasi,kuwaasi oo isugu jira Soomaali,Ajaanib Mareykan ah iyo kuwo kale oo soo galooti ah.

Ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kaladuwan loogu dilay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka,dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey,waxaana la aaminsanyihiin in kooxahaasi Qowleysatada ah ay dilalkaasi burcadnimada laxiriira ay geysanayaan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeedee  magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu soo wajahay culeysweyn oo ay ku keeneen dilalalkaasi oo sii xoogeysanayo.

“Waxaa horey dhib ugu qabi jirnay dhalinyaro ka hooseysay 20 jir kuwaasi oo aan waxbarasho haysan oo bulshadu dhibaataynayay, balse hadda kuwaan waa kuwo ka waa weyn,waxay waa Qowleysato isugu jirta dhalinyaro Soomaali ah,Kuwo Mareykanka u dhashey iyo kuwo kale,ilaa 8 qof ayaa bilihii ugu dambeeyey la dilay,Bishii June, 3 qof ayaa ladilay, July wiil ayaa ladilay August, 2 wiil marka waa dhibaato xoogan.

Soomaalida kunool gobolkaasi Ohio ayaa kulamo la yeeshey Booliska si looga hortago dhibaatooyinkaasi,balse waxaa adag in la helo xogo ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, sababo la xiriira waalidiinta oo ka cabsi qaba in hadii ay farta ku fiiqaan kooxcahasi ay dhibaato la kulmi karaan.

Sababaha ugu weyn oo keentey in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan falalkaasi Qowleysatanimada ah ayaa kamid ah, Waalidiinta oo inta badan Caruurto la joogin,waalidka oo kala Maqan iyo deegaanada qaarkood oo aan wanaagsanayn, Soomaalida ayaa walaac xoogan ka qaba arrintaasi.

Xigasho: VOA

Dagaal u Dhaxeeyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Al-shabaab oo ka Socdo Duleedka Magalada Kismaayo.

0

Dagaal u dhexeeya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Argagixisada Al-shabaab ayaa saaka waaberigii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaad katirsan Kooxda nabaad diidka ee Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xero  ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Buula-Guduud oo qayaas ahaantii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Ksimaayo, gaar ahaan wadada soo aada Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal deegaanka ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in qof naftii halige ah oo gaari watay aroortii hore uu isku qarxiyay meel u dhow xero ay leeyihiin ciidamada,iyadoo markaasi ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dagaal kala hortageen,waxaana weli soconaya dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashey,balse ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar garow ku jirey ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyadii Al-shabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq gurmad loogu dirayo ciidamada dagaalka kula jira Argagixisada Al-shabaab.