Dood Cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Soomaaliya oo ka dhacday Dalka Suudaan “Sawirro”

Date:

Khartoum (SONNA)  Dood Cilmiyeed lagu gorfeeynayay xaaladda uu Dalka marayo, islamarkaana ay marti ku ahaayeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Biritan  Cabdraxmaan Caynte  iyo Madaxa Cilmi Baarista Machadka Hirtaje  Cabdirashiid Khaliif Xaashi, ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Diplomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan, Jaaliyadda, Salaadiin, Aqoonyahano, iyo madaxda ururka Ardayda Soomaaliyeed, ayaa waxaa soo Agaasimay u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed   ee Dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.

Danjire Cabdiraxmaan Caynte, ayaa shegay in Soomaaliya marka laga hadlaayo Siyaasaddeeda xiligan ay tahay mid hagaagsan kana soo kabatay  dhammaan dhibaatooyinkii ka soo wajahay Burburkii Dowladii Dhexe ku yimid, horayna loo socdo marba marka ka danbeeso.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah Madaxa Xaruunta Cilmi Baarista ee Hiritaje kana mid ahaa martida Dooddaasi ka qeybgalay ayaa  cadeyay in Soomaaliya aanu heysan garab buuxa loona baahanyahay Aqoonyahanka Soomaaliyeed  in ay mideeyaan Fikradahooda ku aaddan Hormarka Dalka loogana Hortagayo Dhibaatooyinka soo wajaha.

Gabagabdii Dood Cilmiyeedka ayaa waxaa soo afjaray Fiidow Maxamuud Fiidow u Qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan,  isagoo tibaaxay in Xafiiska Warfaafinta Safaaradda uu yahay mid u taagan u adeegida dhammaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku sugan Suudaan Doodaha noocan oo kalana ay sii labajibaari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...