Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa 2aad oo la kulmay danjireyaal

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn la kulmay sii hayaha safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasadda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka wada shaqeyneed ee Safaaradda iyo golaha shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaasi.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulan la qaatay safirika Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu golaha Shacabka ku taaageerayo, waxaana waxayaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista qabyo qoraalka dasturuka dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gelinkii dambe ee maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinaca Baarlaamanada sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...