Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Goobaha Waxbarashada Gobalka Banaadir+Sawirro

Date:

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo isugu jira xaromo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah, kuwa danta-yar iyo dugsiga dadka Aragga La’a ee Al-Basiir.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir ee degmada Waabari.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar ee adduunka, isagoo qiimaha maalintaasi dowladda Soomaaliyeed ay u leedahay Aawgeed deeqa agab waxbarasho ah guddoonsiiyay maamulka dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u jeediyay maamulka Xarunta Xanaanada gabdhaha Agootan oo muujiyay dadaal iyo dhabar adeeg.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda ee wasaaradda waxbarashadda uu yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin, kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan sida uu uga xunyahay duruufaha ay wax ku bartaan dhallaanka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay xoojineyso dadaalka loogu jiro kor u qaadista tayada waxbarasho ee dalka, si looga gudbo in muwaadin Soomaaliyeed uu waqtigaan caalamku hormar casri ah kusii tallaabsanayo u naafoobo wax ay sahlantahay in uu si fudud ku gaaro taas oo ay aqoontu ugu horreyso.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah oo ay isku xilqaameen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka damqaday baahiyaha ay ku suganyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...