Home Blog Page 1522

Xamaas iyo Fatax oo heshiis ku gaaray Masar

0

SONNA: Inkastoo qorshuhu yahay in heshiiskaan la baahiyo galinka dambe ee maanta, haddana heshiiska Xamaas iyo Fatax oo ah mid is afgarad ah, waxa uu dhabaha u xaarayaa soo afjarida  kala aragti duwanaantii ka dhex jirtay in muddo ah.

Labada dhinac ayaa khilaafkooda waxa uu soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2007, oo uu dagaal dhexmaray,  taasi oo kala qeybisay falastiiniyiinta oo laga kala maamulayay daanta galbeed iyo marinka Gaza.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Fatax, hase ahaatee Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee HPIS ayaa shaacisay go’aankan

Waxaa la aaminsan yahay in heshiiska labada dhinac uu keeni karo in la helo hal maamul uu mideysan iyada oo labada Kooxood uu ka muuqda biseel siyaasadeed.

Israa’iil, Maraykanka, Midawga Yurub, UK iyo quwado kalaba waxay argagixio u aqoonsadeen guud ahaan Xamaas iyo garabkeeda hubaysan.

Heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Dowladda Masar, waxaana lagu shaacin doonaa Shir jaraa’id oo maanta ka dhacaya magaalada Qaahira oo wadahadalo uu oga socday Xamaas iyo Fatax.

 

Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah (SAWIRRO)

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

Wafdi ka socda SONNA oo ka qeyb galaya Shirka Wakaaladaha wararka Islaamka

0

Muqdisho (SONNA) Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdullaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe iyo Ibraahim Maxamuud Axmed oo ka mid ah Shaqaalha Wakaalada ayaa goordhow u ambabaxay dalka Sacuudiga halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka 25-aad ee Wakaaladaha Wararka Islaamka iyo Carabta.

Shirkan oo furmi doona 14-ka bishan ayaa wuxuu uu socon doonaa muddo Labo Maalin ah, waxaana looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Wakaaladaha, hormarinta, Qadiyada Falastiin iyo ka wacyi galinta bulshada fekerka xagjirnimada iyo qodobo kale oo muhiim.

Waa markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Wakaalada SONNA ay ka qeyb galaan shirkan, waxaana arintan ay dib u soo celineysa wada shaqeynta ay la laheyd Wakaaladaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

 khilaaf kasta waxaa xal u ah Iskaashi iyo wada shaqeyn.

0

 

Wada shaqeyn iyo iskaashi  oo la micno ah wax wada qabsi waxaa la gaari karaa marka la helo hogaamiyaal bulsho mideysan oo u diyaar ah horumarinta danaha umadda ,isla markaana ku dhaqaaqda aasaaska dowlad dhexe oo u adeegta dadka iyo dalka.

Tan iyo markii la unkay dowladda soomaaliya ee kalsoonida ka heshay beesha caalamka ,waxaa hirgalay maamul goboleedyo dhowr ah oo la yimid kaalintii waxqabad iyo sharciyadii lama huraanka u ahaa habka federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha maamullaadaasi oo loo arkay kuwo ka talinaya aayaha dadka iyo dalka,waxa ay ku dhismeen wadatashiyo xooggan oo dhexmaray hogaamiyaasha bulshada,xukuumadda dhexe iyo beesha caalamka,kuwaas oo lagu micneeyay in ay xal u yihiin daaweynta dhibaatooyinkii kala gaaray umadda soomaaliyeed ee ku kala firirsan gobollada dalka.

Haddaba,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay shirka wada tashiga dowlad goboleedyada   ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo dareenka  ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

Mudane Farmaajo waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleedka ah,si ayuu yiri  looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu xusaY in ay marwalba imaan karto dhalliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  ayaa qiray in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale R/Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali KHeyre oo isna ka hadlay natiijadii ka soo baxday shirka Kismaayo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan uu u ifayo mustaqbal iyo rajo wanaagsan sidaa daraadeedna loo baahan yahay in laga wadashaqeeyo horumar iyo wax wadaqabsi ku aadan arimaha dalka.

Mudane Kheyre waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimadoda ,lana shaqeeyaan dowladda

Inta badan arimaha khuseeya wadatashiga waa kuwo u dhaca si  qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeynaayo in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada masiiriga ah  ee laga sugaayo dowladda dhexe.

Biseylka bulshada waxaa caadiyan ah in laga eego ama uu ku xiran yahay waaya aragnimada ay hogaamiyaashu u yeelan karaan in wax kasta laga hormariyo danta guud ee ummadda ,isla markaana aan dib loogu laaban khilaaf kasta oo hakin kara geedi socodka nabadda  iyo tan dowladnimo.

 

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dr. Cabdulkadir Cali Bolay”Maalinta Calanka 12 Octoober”

0

Muqdisho (SONNA) Waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo gudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maanta oo ah sanad guuradii 63aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waa maalin xusid mudan, waxaa oo kale aan halkani ugu hambalyeena dowladda cusub oo uu hogaamiyo muddane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Xassan Cali Khayre,waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed ku aamineen inuu ilaahay waafajiyo waddada toosan  isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi  iyo lax jacleysi.

Sidaasi darted waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo  wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo. Waxaa nasiib daro ah in halgankii lagu keenay calanka qaranka soomaaliyeed iyo midnimdda ummadda soomaaliyeed oo maanta lagu burburiyey nidaama aan horay soomaali looga aqoonin oo Nidaamka Fidaraalka , taaso ujeeddada ka dambeysa ay tahay in soomaalidii xorta ahayd in loo qaybiyey gobolo si ay marna u noqonin dowadda weyn  oo awood badan leh, waxaan leeyahay in arrinta fidaraalka in laga fiirsaddo oo shacabka soomaaliyeed afti laga qaado maxaa yeelay dadweynaha soomaaliyeed waa dad isku diin, dhaqan iyo af ba ah oo is dhalay, mana filaayo in ay maanta xuduuda ay kala xirtaan sidaasi darteed waxaan leeyahay ha laga fiirsado nidaamka fidaraalka ah.

Shacabka soomaaliyeed wuxuu ku hanweynaa in maanlin maalmaha ka mid ah la heli doono soomaali weyn oo mideysan, riyaddaasi waxay maanta u muqataa in  ay ku dhacday bohol laakiinse waxaan aamiinsanahay inta ay jiraan damiir soomaaliyeed oo nool  in  dhibaatadda iyo damaca gumeysi cusub in laga guuleysan doono rajaddii soomaali weyn in la gaari doono haddii Alla idmo.

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama  astaan u yahay  qaranimadda dalka uu leeyahay,  calankeena buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta  cad ee dhexda kaga taala  waxay astaan u tahay jiritaanka  ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan aad iyo aad u qurux badan markii ugu horeysay oo taariikhda  ahayd 12 Oktoober 1954 ayaa  la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum  Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah  aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina  soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey calanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn  waxaa  loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer  yurub ay u  kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaaniga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka  tirsan tahay  gacanta ugu jirto  iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay.

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii  talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , hase yeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah , sidaasi darteed  maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan, kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism.

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 63 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL  kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 63 guuraddii astaanta calanka u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed, waxaan jacalahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka  in ay fahmaan dhibaatadda  xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano , runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey  , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay  xornimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay  markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday  halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii  loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi  oo ay dhaceen dagaalo ba’an  oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.

Maantaasi waxaa dalka ku  sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood  waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo  1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar  Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella”  la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e…..Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xornimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaan kula dardaarmayaa masuulinta dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda in ay dib u soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan, waxaana rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Cabdulkadir Cali Bolay

Dowladda Spain oo 5 maalmood u qabatay hoggaamiyaha Catalonia

0

Spain(SONNA) War ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa lagu sheegay in uu  u qabtay muddo shan maalmood gudahooda hoggaamiyaha Catalonia in uu ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.

Waxaa sido kale Xukuumadda Madrid ay sheegtay in Haddii hoggaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu xaqiijiyo ilaa isniinta in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale ayaa waxa hadana la siinayaa muddo seddex maalmood ah oo uu kaga noqdo shaacinta Go’aankaasi.

Dowladda Spain ayaa Hadddii hogaamiyaha Catalonia uu ku guuldaraysto arintaasi waxa ay xukuumadda,Madrid laali doontaa qodobka 155 ee dastuurka taasi oo fursad u siinaysa in ay hakiso ismaamul hoosaadka gobolka Catalonia waxaana toos u maamulaysa dowladda dhexe.

Talaabadan ayaa waxaa ay dhalisay walaac siyaasadeed oo kataagan Dalka Spain,iyadoo wamada Yurub ay u muuqdaan in ay qorsha gooni isu taaga ah ay ka soo horjeedaan.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa Talaadadii saxiixay ku dhawaaqida madaxbanaanida gobolkaasi Catalonia.

Balse maamulka dowlada Catalonia waxay hakiyeen dhaqangalinta madaxbanaanida si fursad loo siiyo wadahadal ay la galaan xukuumadda Madrid.

Maxkamada dastuuriga ee dalka Spain ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay aftida,Sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalonia boqolkiiba 90 ka mid ah dadkii codadkooda dhiibtay waxay taageereen aftida madaxbanaanida.

 

 

Qorshihii dhismaha 10,000 kun guryo ee Turkigu balanqaady oo meel fiican maraya

0

Ankara(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi  Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhismayaasha guryihii dawladda Turkigu balan qaaday inay Muqdisho ka hirgalinayso qorshahoodu marayo
meel fiican.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiskaSoomaaliya   oo ku sugan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga Isagoo kala hadlay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa xagga dhib u dhiska Dalka.

Saadiq Cabdulahi Cabdi wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska ayaa sheegay in dawladda Turkiga iyo hay’adaha shacabka Turkigu ay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u
kabashada dalka.

Inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxaa uu Wasiirku sidoo kale la kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Soomaaliya taageera ee Turkiga laga leeyahay iyo mas’uuliyiinta Dowladda,kuwaasi oo kala hadlayo sidii Wasiiraddiisa looga gacan siin lahaa gudashada Waajibaadka ka saaran dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo kamid ah wadamada ugu horeeya oo taageerada la garabtaan Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in ay Muqdisho ka dhisi doonto ilaa 10,000kun oo guryo ah kuwaasi oo loogu talagalay shaqaalaha Dowladda.

Sadax qof oo naftoodi haligayaal ah oo isku qarxiyay Syria

0

Syria(SONNA) Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammanka Dalka Siiriya,Saddex qof oo naftoodi haligayaal ah  ayaa isku qarxiyey meel u dhaw xarunta taliska guud ee booliska Suuriya oo ku taala magaalo madaxda Dalkaasi ee Dimishiq kaasi o geystay khasaare dhimasho iyo dhawac isugu jira.

Wakaaladda wararka dawladda ee SANA oo soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in uu yidhi “argagixisadu waxay isku dayeen in ay galaan dhismaha taliska guud ee booliska oo ku yaal wadada Khaalid Bin Waliid ee magaalada Dimishiq”, waxaanu intaa ku daray in askar ilaalo ah “ay ka hortageen dadkii miidaamaha ahaa, oo ay markii ba is qarxiyeen intaanay sooba gelin gudaha”.

Taliyaha booliska gobolka Dimishiq ayaa sheegay in weerarkaasi galaaftay ugu yaraan laba qof oo ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah waxaana taasi ku timid markii laamaha ammaanku ay ka hortageen weerarkaasi oo aanu gaarin hadafkii loogu talagalay.

Magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq ayaa la aaminsan yahay in ay ka bad baaday dagaalada sokeeye balse xiliyada qaar ay ka dhacaan weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ah.

Bishan horaanteedii ayaa bar kaantarool oo boolisku ku leeyihiin magaalada weerar lagu qaaday ay ku dhinteen 17 qof, waxaana weerarkaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

 

Munaasabad Lagu Maamuusayay Maalinta Calanka Soomaaliya Oo Caawa Muqdisho Lagu Qabtay

0

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa caawa ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda golayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada cabdalcasiis ee gobalka banaadir.

Munaasibadda oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo xayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kahadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Caawa ay tahay habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay wadajir shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Caawa oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda kaas oo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyahada Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.