Qaadista canshuurta Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib loo bilaabay

Date:

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegtey in bilaabay qaadista cashuuraha Gobalka Shabeelada Hoose.

Sagaalkii bisha 5aad ayaa hakad la geliyay qaadista canshuuraha Gobolka Shabellaha Hoose si loo saxo qaladaad ka jiray habka loo qaado canshuuraha,

Wasirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Wasiir dowlaha arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed,  Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo maamulka Degmada Afgooye  aya kulan ay ku yeeshen Degmada Afgooye waxa ay ku gorfeeyeen habka ugu wanaagsan  ee canshuuraha loo qaadi karo.

Guddoomiyah Degmada Afgoye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in qaadista canshuurta horay loo joojiyay ay ugu gol lahaayen in dib loo saxo nidaamka qaadista canshuraha, waxaana uu intaa ku daray in hadda la isku afgaray hanaankii loo mari lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka  Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax aya  tilmaamaty  in wadatashi dheer kaddib dib loo bilaabay qaadista canshurta, waxaana uu shacabka ka codsaday inay u hogaansamaan awaamiirta dadka ku shaqada leh qaadista canshuuraha.

Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdullahai Maxamed Aadan ayaa sheegay in canshuurta laga qaado ganacsatada iyo gaadidka dib loogu celin doono bulshada inteeda kale.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa sheegay in shacabka Gobolka Shabellaha Hoose looga baahanyhay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo xaqoojiyo nabad gelyada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Badqabka Kalluunka oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka...

Wasiirka Shaqada oo faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur oo dowladda la gashay Sacuudiga

-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sanadkii lasoo dhaafay

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa...

Xamaas iyo Israa’iil oo maxaabiis isdhaafsaday

Saddex kamid ah maxaabiis Israa’iiliyiin ah ayaa laga sii...