Home Blog Page 1520

Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran

0

Muqdisho(SONNA) Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.

 

Turkiga oo lagu qabtay 226-Tahriibayaal sharci-daro ah

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu  u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay  ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.

Taliska Booliska Soomaaliya oo gaadiid Ciidan ku wareejiyey Booliska Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirshabelleMudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto  C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira..

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare waxa uu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah la wareegay,  Iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xiggeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed JS/guuto C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya,, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay kan talis ahaan kaalmada ay helaan in la gaarsiiyo dhammaan dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Daahfuray bandhig Carweedka Farshaxanka iyo Dhaqanka Soomaalida

0

Daah furka barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka ayaa waxa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed , kuxiggeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtar.

Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Isloow, xilibaano iyo shacabka Caasimada ayaa kasoo qeyb galay Daahfurka Bandhigan

17 ka Dagmo ee Gobolka Banaadir haweenka ku dhaqan ayuu u ahaa mid lagu dhiira galiyo xirfadohooda kasoo maamulka kaga gol lahaa soo nooleynta Hiddaha iyo dhaqanka ee dalkeena uu caanka ku yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed,  ayaa Shacabka Somaliyeed ugu baaqay in lasoo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaaliya kaga tilmaamneed dunida inteeda kale.

 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Daahfuray bandhig Carweedka Farshaxanka iyo Dhaqanka Soomaalida “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)   Daah furka barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka ayaa waxa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed , kuxiggeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtar.

Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Isloow, xilibaano iyo shacabka Caasimada ayaa kasoo qeyb galay Daahfurka Bandhigan

17 ka Dagmo ee Gobolka Banaadir haweenka ku dhaqan ayuu u ahaa mid lagu dhiira galiyo xirfadohooda kasoo maamulka kaga gol lahaa soo nooleynta Hiddaha iyo dhaqanka ee dalkeena uu caanka ku yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed,  ayaa Shacabka Somaliyeed ugu baaqay in lasoo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaaliya kaga tilmaamneed dunida inteeda kale.

 

 

 

 

 

Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyaha Xooga Dalka , soona dhoweeyey baaqii Madaxweynaha ee Midnimada iyo Wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), 12 October 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.

—DHAMMAAD—-

 

Taliska Booliska Soomaaliya oo gaadiid Ciidan ku wareejiyey Booliska  Hirshabeelle “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirshabelleMudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto  C/xakiin Daahir Saciid Saacid Kala Wareegay Gawaari Loogu Talo galay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, gawaaridaasi oo qeyb ka ah gaadiidka Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo uu ugu talo galay in lagu wareejiyo dowlad goboleedyada Dalka ka jira..

Munaasabad ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare waxa uu furaha gawaaridaasi oo ah 6 Baabuur oo casri ah la wareegay,  Iyadoo Madaxweynaha Munaasabadaasi ay ku wehlinayeen Madaxweyne Ku Xiggeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Cor Xasan Dhicisow iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane  Maxamed Cabdi Waare ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay Gaadiidka la siiyay Dowlad Goboleedka, waxaana uu sheegay in loogu qidmeyn doono bulshada Soomaaliyeed oo amnigooda laga sugi islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed JS/guuto C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gawaaridaan ay ugu talo galeen in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo loogu qidmeeyo Bulshada, horeyna ay sidaan oo kale ay u siiyeen Maamulada kale, waxaana uu sheegay in markii hore ay ka heleen Saaxiibada caalamka oo kaalma ahaan loo siiyay Soomaaliya,, waxaana uu xusay in markasta ay ka go’antahay kan talis ahaan kaalmada ay helaan in la gaarsiiyo dhammaan dowlad Goboleedyada.

 

 

(Akhriso) Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii, Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaaladda Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii,  Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii, waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti, 1977-dii waxa uu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah, Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle, 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa, Waxuuna berrigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.

1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo, Seddex bilood ka dibna waxaa loo badalay Magaaladda Muqdisho, waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay, isagoo noqday gaashaanle sare,  gaashaanle sare isagoo ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladdii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha, Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Jeneraalka waxuu dhalay siddeed caruur, Waxuuna degan yahay magaaladda London.

 

Deg deg :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda  Soomaaliya oo is casilay

0

Muqdishi (SONNA)  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Dhinaca kale Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka ee dhinacyadda amaanka iyo Siyaasadda, iyagoo si  gaar ah uga hadlay arrimaha Maamul goboleedyada dalka jira.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya  ayaa soo dhoweeyey hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Xalay uu soo saaray, islamarkaana uu baaq ku aadan Midnimada Dalka in laga shaqeeyo uu ugu diray Ummadda Soomaaliyeed.

Deg deg:-  Golaha Wasiiradda XFS oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay Gen Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

0

Muqdisho (SONNA) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulankooda Khamiislaha ahaa Maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Janaraal Cabdi Jaamac Xuseen  oo ku magac dheer Gen (Gorod) kadib markii uu is casilay Taliyihii Ciidankaasi Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid).

Faahfaahin intaas ka dheer goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.