Home Blog Page 1520

Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiista ku harsan Xabsiyada Dalkaasi

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War ay  Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ka heshey xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka teleefoonka kula hadlay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

FAALLO:-Isbedel ayaa laga rabaa Garsoorka Dalka

0

Muqdisho(SONNA)–Garsoor waa gacmaha iyo dhidibada cadaaladda ama dawladnimda hadaanuu garsoor jirin cadaaladi ma jirto, iyadoo taasi jirto ayaa ka jira Dalka Soomaaliya Nidaamka Maxkamadaha Dalka oo ka kooban:- Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadda,Sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Maxakamadda Derajada Koowaad.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furay Magaalada Muqdisho shirkii wadatashiga dib u habeynta hey’adaha garsoorka dalka, kaasi oo socday inta u dhaxeysay 1-dii Abriil ilaa iyo 5-tii Abriil, 2013-kii, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen:- Faaqidaadda Caqabadaha hortaagan Garsoorka, dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hey’adaha Garsoorka, soo celinta kala dambeynta iyo u hogaansanaanta sharciga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhowr jeer ka hadlay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sameynta Garsoor ku saleysan Cadaalada, isagoo xusay in dowladiisa ay iminka waddo dhaqan galinta nidaamyo dhowr ah oo lagu horumarinayo Garsoorka, waxa uuna cadeeyay in mowqifka dowladiisa uu yahay Soomaaliya oo yeelato Garsoor caadil ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo ka soo gaaraya dhanka Bulshada, taasi oo ku saleysan dhanka cadaalada, waxa uuna farta ku goday in ciddii ay ku helaan Garsoor xumi ay wajihi doono Ciqaab, Xil ka qaadis iyo dadkiisa iyo dalkiisa oo uu kula kacay qiyaana Qaran, wuxuuna yiri, ”Horay waan uga hadlay Garsoorka haddana waan ka hadlayaa dowladdu kama raali noqon doonto Garsoor aan ku saleysneyn cadaalad”.

Farmaajo waxa uu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyiinta Garsoorka looga baahan yahay inay ku dadaalan Cadaaladda haddii kale ay dhibaato ka dhexlayaan adduun iyo Aakhiro haddii cadaalad darro ay ku kacaan, wuxuuna ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono arrimaha Garsoorka Dalka si loo helo Cadaalad hufan, wuxuuna raaciyay, ”Waxaad dareemi doontan isbedel dhanka Garsoorka ah, waxaan ku dadaaleynaa in la helo Garsoor caadil ah oo mideyn doona Ummadda Soomaaliyeed”.

Haddaba maanta ayaa waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA soo gaaray wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu shaqada kaga joojiyay kaga fariisiyay 18 garsoore oo ka howlgalayay Maxkamadaha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen, haddaba waxaa looga fadhiyaa Dowladda inay isbedel la taaban karo ku sameyso laamaha Caddaaladda Dalka oo habacsanaan badan ka taagan tahay.

W.Q:- C/laahi Ruush

Amiirka Dowladda Qadar oo maanta Furay  Deked Caalami ah.

0

الQadar-(SONNA)- Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiin Xamad Al-Tani ayaa maanta xarigga ka jaray Deked cusub oo laga hirgaliyay Konfurta magaala madaxda dalkaasi ee Dooxa .

Dekeddaasi oo loogu magac daray sheikh Xama,waa tan ugu weyn ,uguna casiriyeysan dalkaasi,waxayna  awooddaa in  saddex meelood meel laga  soo dejiyo Ganacsiga Bariga Dhexe ,iyadoo dhismaheeda ay ku baxday kha5rsh dhan 7.5 Bilyan oo Doollar.

Maamulka Wasaaradda Isgaarsiinta dalka Qadar ayaa sheegtay in dekedan casri ah ay ka kooban tahay qeybo kala duwan sida Bakhaarada lagu keydiyo badeecadaha oo ay ka mid yihiin sida cuntada oo la sheegay in ay keydin karto karto baahida cunto 3-milyan oo qof muddo laba sano ah.,waxaana qeyb mug leh ka qaadanaysaa 200% baahida suuqa maxliga ee dalkaasi, iyo waliba 35% baahida ganacsiga wadamada mandiqadaasi ku yaal ee Bariga Dhexe.

Maamulka Wasaaraddaasi waxay kaloo intaa raacisay in masaaxadda ay Dekeddan cusub ku fadhido ay dhan tahay 28.5km isku weer ah, keydinta Cuntada iyo badeecadaha kale ka sokow waxay kaloo qaadi kartaa 5 kun baabuur iyo 74 kun oo Ari iyo 8kun Tan oo ah qalabaka dhismaha.

Sidoo kale Dekeddan cusub oo uu maanta xarigga ka jaray  Amiirla dalka Qadar waxay doowr weyn ka ciyaaraysaa  ka hortagga cunqabateynta  wadamada Khaliijka qaarkood ay dhawaan saareen  Qadar iyo waliba isku xirka marinada Maraakiibta caalamiga ah.

Dekeddaasi cusub ayaa la dhameeyay lix bilood ka hor waxqtigii loogu tala galay in la furo.

 

Ganacsiga yar yar ee Magaalada Muqdisho oo Hormar badan sameynaya

0

Muqdisho (SONNA) Sanadihii  ugu dambeyay waxaa soo hagaagaya Ganacsiga Dalka gaar ahaan Ganacsiga yar yar oo ay Samaysanayaan Dhalinyaro Wax ka barta goobaha Waxbarasho sida Jaamacahada, Dugsiyada iyo Xarumo Farsamo, iyagoo ka faa’idaysanaya “Hal” abuurkooda.

Ganacsatada dharka ku iibiya hareeraha wadooyinka Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa waxay ay sheegayaan in ganacsigooda  Sanadkaan uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ay ka helaan nolol maalmeedkooda ayna ku maareeeyaan Nolosha Qosaskooda.

Faarax Maxamed Nuur oo ka mid ah Ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka  kana mid ah dhalinta wax ka barata Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay faa’ido wayn ku qabaan Ganacsigooda marka uu eego Xaalada shaqo la,aan ee Dalka ka jirta waxaa uuna “yiri” waa in ay ku dhiiradaan dhalinyaradu dib u dhiska Dalka iyo ka faa,idaysiga Hal abuurkooda”.

Hadaba C/qaadir Cali Axmed oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya oo u kuurgalay Ganasiga yar yar oo ay samaysteen dhalinyaro ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka diyaarinyay warbixintaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin Wariye C/qaadir Cali Axmed

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

0

Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadha Geeriyootay  uu ku dhacay gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Bangi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

Xigasho:VOA

Guddiga doorashad Kenya”Uhuru iyo Railla keliya ayaa ku tartamaya dorashada 17 October dhacayso”

0

Saameyntii ka dhalatay go’aankii maxakamadda sare ee dalka Kenya ka qaadaya natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenya ayaa noqotay mid gilgishay dareenka shacabka reer Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay in dalka Kenya uu noqdo wadankii ugu horeeyey oo katirsan Qaaardda Africa oo uu qaato go’aan kaasi lamid ah, taasi oo horey uga dhacday qura wadamo fara ku tiris ah oo katirsan Qaaradaha kale ee Dunida.

Madxweyne Uhuuru Kenyata iyo Railla Odinge ayaa labaduba isku diyaarinayaa in ay galaan doorasho mar kale laqabta, kadib markii guddiga doorashada dalka Kenya uu soo saarey jadwalka doorashada, oo loo iclaamiyay in la qabto 17 bisha October.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Arrinta ugu weyn oo weli taagan murankeedi ayaa ah in madaxweyne Uhuru Kenyata uu diiday in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada, halka Railla Odinge uu aaminsanyahay in uusan la jaanqaadi Karin guddigaasi marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Malaayiin taageerayaasha labada dhinac ayaa bilaabay olole uu midkasta ku doonayo in uu ku helo gusha doorashada mar kale la go’aamiyay doonin.

Faah Faahin ku saabsan Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug ee Magaaladda Gaalkacyo.

0

Shirkani oo ujeedkiisu yahay amba qaadista xoojinta nabadeynta bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,iyo deegaanada hoosyimaada oo ay ka jireen dhibaatooyin soo noq noqday ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega.

Shir Jaraa’id oo ay ku wada qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee Isniintii ayay labada madaxweyne ku xigeen waxay ku faah faahiyeen ujeedada shirkaasi.

“Maxmed Xaashi Cabdi , Waxaan halkani u nimid aniga iyo madaxweyen kuxigenka Pntlan, in aan amba qaadno hehsiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, sida aad la socotaan Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo labada shacab ay ku wada noolyihiin,waxaana ka wada hadlaynaa dib u eegista wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore, runtii magaaladu nabad ayay u baahantahay,waxaa jiray arqalado soo laa laabtay, diyaar ayaan u nahay nabadda waxaan ka codsanaynaa Qurba joogta in ay kaalintooda ka qaataan nabadda.” Ayuu yiri madaxwyen kuxigeenka Galmudug.

“Waxaanu ka sii wada hadlaynay waxyaabaha loo baahanyahay ee nabadda hirgelinteeda ah,siida uu sheegay Maxamed Xaashi Cabdi, intaasi ayan isla soo hadal qaadnay, waan isku afgaranay,waxaa loo baahanyahay mas’uuliyada waxyaabihii la isla gartay ah,wadashaqeyn ayaa loo baahanyahay qofkaska wuxuu u baahanyahay nabadda,wadadii ayaanu haynaa,waxaana ugu baaqeynaa shacabka labada maamul ee walaalaha ah in ay nabadda ka wada shaqeeyaan”, Sidaasina waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa muuqanaysa ifi faalo nabadeed oo ay ku wada noolan karaan bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale,islamarkaana la soo afjaro rabshadaha soo laalaabtay,horey waxaa u jirey heshiisyo nabadeed, kuwaasi oo waxtar u noqday bulshada labadda dhinac.

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

0

Muqdisho(SONNA) Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadhaasi iyo gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Banggi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

XiGasho:VOA