Micheal Keating oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Finland

Date:

Finland(SONNA) Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo howlo shaqo maalmahan u jooga dalka finland ayaa waxa uu kulan la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee degan Finland.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano Soomaaliyeed waxaana halkaas ay warbixin ku saabsan Dhinacyada Arrimaha  Amniga, Siyaasadda, Xaaladaha Bani’aadanimo iyo Dhaqaalaha ee Xilligaan ka jira Soomaaliya, ka dhageysteen wakiilka guud ee Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Mr. keating.

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed Ee Somalilito Carshe Said oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta halkaasi goobjooga ka ahaa ayaa waxaan wax ka weydiiyay Kulanka  wakiilka Qaramada midoobay arimaha Soomalia Keating uu la yeeshay qaar kamid ah dadka Soomaalida ee degan Finland maadaama ay kulankaas ayaga soo qaban qaabiyeen.

Wuxuu sheegay Carshe Saciid in wax badan oo xaalada Soomaaliya ku saabsan ay la wadaageen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,islamarkaana ay ku war geliyaan iney muhiim tahay in si wada jir ah loo taageero geedi socodka nabada Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo ka faaloonaya xaalada dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dowlada cusub ee dhawaan la doortay ay ku talaabsatay  hormaro badan oo dhinacyo badan taabanayo isla markaana ay la dagaalameen amnni darada iyo musuq-maasuqa.

Inta uu kulanka Socday wxaa halkaasi suaalo lagu weydiiyay wakiilka Qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya waxayna inta  badan jawaab celintiisu  ay ahayd in Dadka Soomaalida ay noqdaan dad iyaga wadankooda dhista iskana dhaafa danaha qabiilka iyo qabyaalada.

Shar’maake Abukar Amiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...