Wafdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wafdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo kamid ah mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ayaa sheegay in Turkiga uu noqday wadankii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay ka dib qaraxii Zoobe gelinkii dambe ee Sabtida.

Wasiir yariisow, ayaa intaa ku daray in diyaaradda ka imaanaysa Turkiga ay la socdaan dhakhaatiir takhasus ah si dadka dhaawacyada qaba qaarkooda halkan loogu daweeyo islamarkaana sida uu qorshuhu yahay in ka badan 40 bukaan maanta loo duulin doono Turkiga si halkaas daweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay soo diri doonaan dawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalaydadka dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in dowladda ugu mahadcelineyso dalalka muujiyay in ay garab istaagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...