Dowladda Soomaaliya shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii Soobe.

Date:

Mudisho(SONNA) Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

Waxii soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiineynaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...