Wefdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wefdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo kamid ah mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ayaa sheegay in Turkiga uu noqday wadankii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay ka dib qaraxii Zoobe gelinkii dambe ee Sabtida.

Wasiir yariisow, ayaa intaa ku daray in diyaaradda ka imaanaysa Turkiga ay la socdaan dhakhaatiir takhasus ah si dadka dhaawacyada qaba qaarkooda halkan loogu daweeyo islamarkaana sida uu qorshuhu yahay in ka badan 40 bukaan maanta loo duulin doono Turkiga si halkaas daweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay soo diri doonaan dawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalaydadka dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in dowladda ugu mahadcelineyso dalalka muujiyay in ay garab istaagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...