Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Goor dhoweyd, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sida wefdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay kamid yihiin dhakhaatiir, waxaaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarado kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi isla markaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Wariyaha warbaahinta qaranka, Nasra Bashiir oo garoonka Aadan Cadde ku sugan ayaa soo sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khaye uu kamid yahay mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wefdiga ka yimid dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii bahalnimo ee ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...