Home Blog Page 1512

Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

0

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Madaxweyne Donal Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

0

Muqdisho(SONNA) Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Hay’adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan sabaha dhalinyarada Africa ay ugu biiraan kooxaha xaq-jiriinta

0

Hay’adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhalinyarada Africa ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah  tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay ee ay soo saarto  Hay’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog u ruurin iyo wareysi lala yeeshey ,n ilaa 495 dhalinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram taasi oo hay’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana kamid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo  Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Waxaa war bixinta baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada military ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanah.

Dhalinyarodo ma helin fursado wax barasho waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska taasi oo sahlaysa in dhalinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye o warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork aya sheegay in ka bar oo bar bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo la’aan baahsan oo haysata dhalinyaradda wadamada Africa intoodi badan.

Xog u rurinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada,iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aamin sanyihiin kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhalinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hay’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi kku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay wadamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rashadahaasi hubaysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

Madaxweyne Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

0

Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Ra’iisulwasaaraha oo Bankiga Adduunka kala Hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

DHAMMAAD

Puntland oo marti galisay Shir looga hadlayo Hirgelinta Dowladaha Hoose Ee Soomaaliya ”Sawirro”

0

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Waasaradda Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedyada iyo khuburo dhanka Dowladaha hoose iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Dowlad goboleedka Puntland C/laahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa waxuu si kooban u soo qaatay hanaankii ay puntland u soo martay dhismaha Golayaasha deegaanka iyo Dowladaha Hoose.

Waxaa kalmado baraarujin iyo mahad celin ah ka soo jeediyay mas’uulyiintii ka socotay Maamul Gobaleedyada dalka, iyagoona Maamulka Puntland uga mahad celiyay soo dhoweynta iyo aqoon korarsigaan ay u sameysay Maamulada kale ee dalka ka jira.

Madaxdan ayaa lagu wadaa in inta ay joogaan Puntland ay tagi doonaan degmooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan,  kuwaasi oo uu ka hirgalay hanaanka Dowladaha hoose.

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiray Go’aankii Shalay Xukuumadda ay soo saartay

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh/Cismaan Jawaari ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay go’aanki xukuumadda shalay ay ka qaadatay Qalabi dhagax, waxaana gudigu isku raacay in ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka laga dhigo arrinta ku saabsan go’aanka xukuumadda Soomaaliya.

C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulankaasi kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka guddiga joogtaha ee Goloha Shacabka looga hadlay go’aankii Xukuumadda iyo arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in guddigu go’aamiyay in ajandaha ugu horeeya ee kulanka golaha shacabka ee sabtida uu noqdo go’aanka xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa go’aankii ka soo baxay golaha wasiirrada Lixdii Septembar, wuxuuna go’aankaasi noqonayaa ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka ee sabtida” ayuu yiri xogahaya guud ee Baarlamanka mudane Buux

Kulanka oo ahaa kii 11-aad ee sidoo kale lagu sheegay in uu jiri doono Axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India, kaaso oo laga sugayo Xukuumadda, iyadoo marka la keeno golaha shacabka uu ka shaqeyndoono sharcina loo bedeli doono.

Ra’iisul wasaaraha oo Wafdi ka socda Bankiga Adduunka Xafiiskiisa ku qaabilay”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyardda Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

 

 

Dekadda Boosaaso oo 26 sano kadib dayactir iyo ballaarin lagu sameeynayo ”Sawirro”

0

 

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaradda Dekadaha gaadiidka Badda iyo la dagalaanka Burcad badeeda Dowlad goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage, oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u socdo mashruuca la xiriira balaarinta Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Wasiir Siciid Maxamed Raage,  ayaa sheegay in ay qorshahooda koowaad uu yahay in dib udayactir lagu sameeyo dhismaha dekada Magaalada Boosaaso, oo uu sheegay in hadda dhismaheedu uu yahay mid duq ah una baahan dib u habeyn iyo balaarin, isagoo wasiirka Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan horumarka Dekadda Boosaaso, maadaama muddo 26 sano ah ay soo shaqeeynesay, islamarkaana la gaaray wakhtigi iyada la maalgalin lahaa.

Balaarinta Dekadda  Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa saameyn u geeysanaysa Xaafadaha ku dhaw, oo ay degan yihiin dad ku nool Dabaqado kala duwan oo nolosha ah, waxaana uu sheegay  Wasiirka in dadkaasi  Dowlad goboleedka Puntland ay la tashiyo kala duwan la yeelan doonto, xal wanaagsan oo dhibaato aan ku heyn shacabkana la gaari doonno.