Home Blog Page 1512

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia oo ka tacsiyadeysay Musiibadii 14,kii bishan ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

0

Muqdisho (SONNA) Warsaxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Zambia ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii argagaxisinimo ee kooxaha nabad diidka ah ay maalin ka hor ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee Wadanka Zambia Danjire  Maxamed  Xasan Dawaare ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatadii argagaxisada ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ay kor u dhaafeyso 230 qof tirada dhaawacuna uu sedax boqol kasii badanyahay iyadoo weli ay dad nolol iyo geeri midna lagu la’yahay.

“innaa lillaah wa innaa Ileehi raajicuun waxaan halkaan ka cabaareyneynaa qaraxii kooxaha aragagixisadu ay 14,kii bishan ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho,dhaawac iyo sidoo kale bur bur aad baaxadiisu u weyntahay oo ah musiibo qaran anigoo ku hadlaya magaca safaaradda iyo kan jaaliyada Soomalaiyeed ee Zambia waxaan murugta iyo dhibta la qeybsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda musiibadii dhacday” ayuu yiri Danjire Maxamed Xasan Dawaare.

Maalintii sabtiga ayay aheyd markii qarax lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ka qasaare noocaan ah geysta uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho kaasoo shacabka Soomaaliyeed uu kasoo gaaray dhimasho,dhaawac iyo bur bur soo gaaray goobo ganacsi iyo dhismooyin.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Gurmad Qaran-Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran, oo ay ka socdaan Howlo lagu caawinayo dadka dhibaatada soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariistay qeybta ay ku soo dhacayaan Telfoonada dadka ehelkooda raadinaya, isagoo qabanaya Telfoonada shacabka soo dirayaan, kana diiwaan galinaya Magacyada dadka ka maqan, iskuna sheegaya dadka soo wacaya in ay la hadlayaan Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya, uuna la qeybsanayo dhibaatada shacabka.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda dowlada oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay shacabka ula qeybsanayaan dhibaatada ku dhacday, iyagoo habeen iyo maalin u taagan dadaal lagu caawinayo shacabka.

Booliska Kenya oo lagu eedeeyay iney dileen Dad dibadbaxayay

0

Nairobi-(SONNA)- Hay’adaha u dooda xuququl Insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidamada ammaanka ee Dalka Kenya dileen ugu yaraan 33 Qof oo Shacab ah, kuwaasoo ka bannaan baxayay qaabkii ay u dhacday doorashadii Madaxtinimo ee Dalkaasi dhowaan.

Warbixintan ay sida wada jirka ah usoo saareen Labadan hay’adood oo ka koobnayd 37 Bog ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tirada Dadka la laayay intaa ka badan karto tan iyo markii ay billowdeen doorashooyinkii ku celiska ahaa ee 8-dii August 2017 ka dhacay Kenya.

Is bahaysiga mucaaradka ee Dalka Kenya ee The National Super Alliance (NASA) ayaa qaaddacay inay mar kale ka qayb galaan doorashadii ku celiska ahayd ee dhowaan ka dhacday Dalka Kenya, markii ay saluug ka muujiyeen qaabka ay wax u socdaan.

Dowlada Qatar oo Diyaarad gurmad ah u soo direyso Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa sheegay in Dowlada Qatar ay diyaar u tahay inay Muqdisho u soo dirto Diyaarad gurmad ah oo lagu qaado dadka ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in dowlada Qatar ay maanta soo dirto diyaarada Gurmadka ah balse ay iyaga dib u dhigeen maadaama maanta Diyaarad ay soo dirtay Dowlada Turkiga lagu daabulay dhaawacyada ugu daran.

34-ruux oo ka mid ah dadka qaba dhaawacyada ugu daran ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo, waxaana arintaasi ay qeyb ka tahay dadaalada dowlada Turkiga ay ku garab taagan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Turkiga uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna u kuur gali doonaa xaalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Turkiga loo qaaday(SAWIRRO)

0

Muqdisho (SONNA):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin ayaa loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaarto Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddiga qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

 

Sacuudiga  oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Wakaaladaha wararka islaamka(SAWIRRO)

0

Jiddah-(SONNA)- Gabgabadii shirweynihii 5-aad ee Wakaaladaha wararka Islaamka oo lagu qabtay xarunta iskaashiga Islaamka ee magaalada Jiddah ayaa waxaa laga soo saaray mahadnaq ay xubnihii lka qeyb galaya shirkaasi u jeedinayeen Boqorka sacuudiga, ahna u adeegaha labada xaram ee sahriifka ah malik Salmaan bin C/casiis  martagelinta uu shirweynahaasi u fidiyay Wakaalaha wararka Islaamka.

Dhambaal mahahnaq ah oo ay ka qeyb galayaashii shirweynahaasi gabagabadii shirka u direen Boqorka ayaa waxay ku amaaneen dowrka wax ku oolka ee boqorku ka qaatay taaba gelinya shirkaaasi oo ay ka soo baxeen qodobo muhim u ah iskaashiga iyo horumarinta howlaha wakaladaha wararka islaamka.

Waxay kaloo ka qeyb galayaasha shirka mahad aan la soo koobin Karin u direen Madaxada kale ee Boqortooyada sacuudiga iyo kuwa iskaashiga islaamka sidii habsamida laheyd oo ay u aagaasimeen ka gun gaaridda shirka iyo waliba martigelinta xubnihii ka qeyb galay shirka, waxayna u rajeeyeen Boqorka iyo guud ahaan shacabka sacuudiga horumar iyo baraare.

Shirweynahaasi mudadii uu socda waxaa waxaa Waakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  ay ku guuleysatay in ay xubin ka noqotoGuddigga Maaliyadda ee Wakaaladaha Wararka Islaamka.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo loo qaadayo Turkiga-Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Qaar kamid ah dhaawacyadii ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga, Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sugan.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa sheegay in maanta dalka Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Turkiga loo qaaday

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin ayaa loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaarto Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddiga qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

—DHAMMAAD—- 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii
eheladooda ku dhintey Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee arxanlaawiyaasha oo shalay xasuuqa ugu geeysteen cadawga Magaalada moqdishu gaarahaan aga gaarka Zoobe KM5, kaasoo ku nafwaayay boqolaal Shacabka Soomaaliyeed oo
aan waxba galabsan, kuna dhawaceen boqolaalkale, wuxuu ahaa fal argagax badan kana fog diinteena suuban iyo damiirka bani adanimo, waxaan ilaaheey uga baryeeynaa intii dhimatey in janadiisa fardawsa ilaaheey kawarabiyo intii dhaawacanteyna ilaaheey siiyo Caafimaad deg deg ah.

 Allah u naxariistee Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan masiibadaasi qaran, ayaa waxaan laqeybsaneeynaa xanuunka iyo damqashada umadda soomaaliyeed ilaaheeyna waxaan uga baryeynaa in uu naxariistiisa jano kawaraabiyo, qabrigoodana waasac uga dhigo intii ku dhimatey, qoysas kii ehelladooda iyo asxaabtii ay ku waxyeeloobeena samir iyo iimaan ka siiyo intii dhawac ahna ilaaheey boqsiiyo.

Aamiin.

Qeyb qaar kamid ah dhaawacyadii oo loo qaadayo Turkiga

0

Qaar kamid ah dhaawacyadii ayaa loo qaadayaa dalka Turkiga ka dib markii saaka ay timid diyaarad ay leeyihiin militiriga dalka Turkiga, ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada gaar ahaan guddigii loo xil saaray isku duba ridka gargaarka loo fidinayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa garoonka Aadan Cadde ku sugan.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaadayaa diyaarad ambulance ah oo aad u weyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Yariisow oo kamid ah guddiga ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa sheegay in maanta dala Turkiga loo qaadi doono in ka badan 40 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Facebookiisa ku soo qorey in dowladda Turkiga ay noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida.

“Waxay keentay oo kale 27 isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad. Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah. Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu sidoo kale soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa.