Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel kaga soo wada jeestaan gumaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Waare oo la hadlayay Barlamaanka Maamulka hirshabeele ayaa sheegay in nabad diidka  Al shabaab ay ka go,an tahay gumaadka iyo bur burinta Shacabka Soomaaliyeed taasina ay daliil u tahay Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska soobe kaasoo ay u dhinteen dad Shacab ah.

Waare ayaa sheegay in haddii ay iskaashadaan Dowladda Federaalka ah iyo Shacabka laga hortagi karo waxkasta iyo falkasta oo ay doonayaan Maleeshiyaadka nabad diidika ah ee Al shabaab ay ku dhibaataynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...