Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan Dhiiri Gelin Ah La Qaatay Dhalinyarada Gurmad Qaran

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulannlan la qaatay.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnala fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“ Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisads in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...