Wakaaladda SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka oo Hishiisyo taariikhi ah kala saxiixday “Sawirro”

Date:

 
Jiddah (SONNA)  Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cbadullaahi Sh. C/raxmaan Heybe, ayaa maanta Magaaladda Jiddah ee xarunta Boqotooyada Sacuudiga Hishiis Taariikhi ah kula saxiixday Agaasimaha Midowga Wakaaladdaha wararka Dowladdaha Islaamka, Mudane Ciise Kheyre Rooble, Hishiiskaas oo ka koobnaa dhowr qodob.
Qodobadii ay ku hishiiyeen Midowga wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa kamid ah:-
1- in la iska kaashado isdhaafsiga Wararka Labada dhinac.
 
2- in Wariyeyaasha labada dhinac ay booqashooyin ku kala tagaan Xarumaha labada Wakaaladooda,islamarkaana Wakaaladda Wararka Islaamka ay si gaar ah ay uga taageeri doonto dhanka tababarada shaqaalaha Wakalaadda SONNA si tayadooda aqooneed kor loogu qaado.
 
3-Isdhaafsiga Warar maalmeedka  ku qoran luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, si loo siiyo Warbaahinta gudaha.
 
4-sidoo kale waxay ku hishiiyeen in ay isdhaafsadaan Labada dhinac Sawirada, Muuqaalada, Qoraalada iyo IWM.
 
Waa markii ugu horreeysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka qeyb gasho Shirka Wakaaladaha Wararka Islaamka oo kulankii 25aad sanadkan lagu qabtay Magaaladda Jiddah.
 
Hishiiskaasi waxaa dhanka Wakaaladda SONNA u saxiixay Agaasimaha SONNA Mudane Cabdullaahi Sh. C/raxmmaan Heybe, iyaddoo dhanka kale Hishiiska uu u saxiixay Agaasimaha Midowga Wakaaladaha Wararka Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble.
Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka soomaaliyeed ee SONNA, ayaa dadaalo xooggan ugu jira siddii ay wax ula qeybsan laheyd wakaaladdaha Wararka dunida oo muddo ay kadib dhacsaneyd, waxaana Hishiiskan uu noqonayaa  kii ugu horreeyey 27sano kadib ee dhex mara Wakaaladda Wararka SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka ah, iayddoo ay xusid mudan tahay in dhowaan hishiis lamid midkaan uu dhex maray Qaar kamid ah Wakaalddaha Dunida iyo  Wakaaladda SONNA.
 
 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...