R/Wasaare Khayre “dhalinyarada haka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab”

Date:

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran ayaa sheegay in dalka uu galayo xaalad dagaal oo aan caadi ahayn si looga aar goosto maleeshiyada Shabaab oo gabood falka u geysanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay qaataan dowrkooda ku aadan dagaalkaasi ka dhanka ah Alshabaab,si looga jawaabo xasuuqii 14kii bishan maleeshiyada Shabaab dad shacab ah ugu geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadli doono arrimahaasi dagaalka, islamarkaana uu isga hoggaamin doono,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo difaaca dalka iyo dadkooda.

Qarixii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo dhimasho iyo dhawac ay ka soo gaareen boqolaal qof oo shacab aan waxba galabsan ayaa si isku mid ah u saameeyay dareenka shacabka Soomaaliyeed,iyadoo ay dheceen bannaan baxyo ballaaran oo lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka loogana soo horjeeday xasuuqa shabaab ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...